Boob lagu hayo kheeraadka soomaaliya

Soma Oil
and Gas waxaa hadda lagu furay sadex
dacwo iyada oo oo lagu dacwaynayo in ay
Somalia ku waddo laalush iyo musuq-
maasuq wax wayn u dhimi kara dadaalkii
International Community-gu kusoo
celinayaan Somalia, waxayna kala yihiin:
1. UN Monitoring Group,
2. Serious Fraud Office (SFO), iyo
3. Global Witness oo ah Hay’adda Caalami
ah una xil saaran Dabagalka iyo
baaritannadda Tacadiyadda Xuquuqda
Aadanaha islamarkaana u olaleysa is
hortaaga Musuqa iyo Colaadaha ka dhasha
Kheyraadka Dabiiciga.
Maanta Somalia waxay u gacan gashay
Soma Oil and Gas, waxayna ku socotaa
haddii aan laga gaarin sidii Zimbabwi iyo
Malawi oo uu yeeshay Cecil John Rhodes
iyo Boqorkii Belguin oo isna iska yeeshay
dalka Congo.
A – Cecil John Rhodes oo ahaa arday
dhiganayey Oxford University, wuxuu ku
qabsaday dhulka Zimbabwe iyo Malaawi,
wuxuuna u bixiyey magaciisa “Rhodesia”
khayraadkoodiina keligii baa iska lahaa.
Markuu bakhtiyeyna maalkii uu ka heliya
dhulka ugu deeqay Oxford una bixiyey,
“Rhodesia Scholarship”, maantana ah
Scholarship ka uGu qaalisan aduunka. Dadkii
wax ku soo bartay waxaa ka mid ahaa
President Clinton.
B – Waxay kale oo ay u ekaan karta Markii
Boqorkii Belgium uu qabsaday ,”Congo”,
keligiis iska lahaa isaga oo aan weligiis tegin
Belgium. Xilligii Berlin Conference (Nov 1884-
Feb 1885) laga reebay Africadii la qabinayey
loona daayey Boqorka uuna u bixiyey,
“Congo Free State”, isaga oo markaa General
manager uga dhigay Safiirkii USA u joogay
kulanka Berlin Conference sababta oo ah
Safirkaas USA baa ku dadaalay in aan
Boqorka laga qaadin Congo.
Maanta Somalia khayraadkeeda President
Hassan Sheekh wuxuu u saxeeyey Soma Oil
and Gas oo ay iska leeyihiin afar nin, sida
Madaxada UK ee qabatay Somali Conference
London one and London two, nin Russian ah
oo Billionair ah, una maal geliyey iskana leh
Winter Sky Investment LTD, wiilkiisana
Georgy Djaparidze ku soo darsaday Board
ka Soma Oil and Gas, Basil Shiblaq oo Hindi
ah founder kii, iyo Saaxiibo aqalka cad ee
USA.
Madaxwayne Hassan Sheekh si loo indho
sarcaadiyo, waxaa lagu qanciyey:
1. Waxaa loo ballan qaaday in gursiga lagu
ilaaliyo muddo dheer,
2. Waxaa looga yeeray aqalka cad January
17, 2013 uuna saxeexay heshiis,
3. Waxaa loo aqoonsaday dawladiisu in ay
tahay rasmi, si heshiiska ay saxeexdaa
noqdo mid rasmi ah,
4. Waxaa lagu marti qaaday dhalashii
Boqorada UN,
5. Waxaa lagu marti qaaday Shirkii G20 ee
lagu qabtay Irland June, 2013., markii
danbese laga diiyey intii uusan fadhiisan,
6. Waxa la wacay Yew York Times si ay ugu
soo dartay 100 qof ee 2012 ugu caansanaa,
hadda sadex bil keliya buu madaxwayne
ahaa,
Dagaalka lagu hayo Alshabaab waxaa ka
wayn ka lugu hayo saxaafadda, weriyaasha
si ayn inaba u baahin waxa Somalia ka
dhacaya. Degmooyinka Muqdisho iyo dalka
oo dhan waxaa lagu siidayey Ciidan
Nabadsugid ah oo ka mushahar qaata
Somaliya iyo ciidan sir ah, dalal shisheeya
ah oo ay ka amar qaataan.
Dhawaan oo aan Somalia tegay Waqooye iyo
Konfur ba, intii aan joogay waxaan isku
dayey in aan waraysiyo siiyo TV yada laakiin
weriyayaasha ayaa ii sheegay in ayn faafin
Karin arrinta Soma Oil and Gas, ayna ka
baqayaan in latoogto, ka dibna lana dhaho
Shabaab baa toogtay inta lacag la siiyo.
Markaan ka soo laabtayna Somalia waxaan
go’aansaday in aan sameeyo Hay’ad
NGO,waxa Somalia ka dhacayana daba
gasha oo aduunka u soo bandhigta,
waxaana sameeyey, “Horn of Africa Watch
Group”.
Haddaba Baarlamaanka Somalia waxaa
looga fadhiyaa:
1. In uu motion ka soo saaro Soma Oil and
Gas, heshiiskaana la buriyo,iyo
2. In Madaxwayne Hassan Sheekh lagu
qaado Impeachment, xil ka qaadis.
Fadlan ka qayb qaata bad baadinta
qaranimadii Somalia iyo khayraadkeeda
boobka loogu hayo.
waxaa qoray cabdisalaan