hadal xikmad ka hadlaya ” Dhib soo socda nin dhag xeeyay iyo nin u dhoola cadeeyay, midna ma dhaafyo”.

Xikmad dhab ka hadala iyo siday ku timid:

” Dhib soo socda nin dhag xeeyay iyo nin u dhoola cadeeyay, midna ma dhaafyo”.

Hada ka hor ayaa, laba wiil oo soomaaliya oo

dhex jiifa qol laba irdood leh, waxey habeen

saq dhexe ku kaceen tuugo soo jebineysa

albaabka hore,

labadi wiil midkood, tuugadi ayuu

ladagaalamay, si aysan gudaha usoo gelin,

midkii kale tuugadi ayuu lahadlay, wuxuu yiri:

“Ani idinla dagaalami maayo, ee markaad soo

gashiin hey dilina!”

Tuugadi markay hubsadeen inuu hal nin

dagaalamayo, ayay dagaal laba dhica ku

fureen, Albaabki gadaalo ayey qeybu aaday!,

miskiinki marba dhinac ayuu dhala utuuraa,

ninki kalena wuu iska fadhiyaa, aakhirki

tuugadi way soo galeen, ninkii

dagaalamayayna wuu baxsaday.

Ninkii nabad gelyada sugayay ayaa meeshi

loogu yimid, ninkii dagaalamay dadkii uu

daqray, iyo wax kastoo tuugadi rabeen, waxay

ka jukeesteen xariifki nabada sugayay.

Ninkii lagaraacay ayaa subaxdii dambe

xikmadaan bixiyay:

” Dhib soo socda nin dhag xeeyay iyo nin u

dhoola cadeeyay midna ma dhaafyo!”

Cali Mahdi Jilacoow