Yaa ka masuula dhaqan xumada ka dhalan karta musasalka tvga

biyacade

Yaa ka masuula dhaqan xumada ka dhalan karta musasalka tvga
musasalku waxa uu gumaada dhaqankoodii iyo asluubtoodii : Marka hore aad iyo aad baan idiin salaamayaa dhamaantiin akhriyaysayaal iyo bahweynta saxaafadaay.

waxaan doonayaa in aan maanta ku soo qaato maqaalkaygan bahalka loogu yeedho musasalka ee
dhamaan dadkeenii baa’biiyay kana dilay damiirkii iyo anshaxii wanaagsanaa ee diinteena islaamka.
waxaa mudooyinkii danbe ku soo badanayay dalkeena somaliland televishanada madaxa banaan musasalo aad uga fog dhaqanka wanaagsan
iyo asluubta suuban ee diinteena, waayo waxaa laga soo

daayaa dumar qaaqaawan oo xidhan dhar aad u xun oo ka fog asturnaanta iyo aadaabta wanaagsan,waayo waxaa aad arkaysaa caruurtii yar yarayd ee soo koraysay gaar ahaan hablaha aad ka u da’da yar oo ka sheekaynaya jacayl iyo actar hebal baa sidaa iyo sidaa yidhi heblaayo waxay la saaxiibtay hebel, ninka hebel la yidhaa waxa uu khiyaamayay naagta heblaayo la yidhaa.
bal aan i weydiinee caruurtaasi yaryar ee ku soo barbaraaraysa dhaqamada xun xun, shukaansiga iyo khiyaamada, saw maaha inay ay maalin dhaw isku dayaan inay sidaas oo kle sameeyaan oo ay dadka khiyaameeyaan moodaana inay wax iska caadiya tahay in ragga lala saaxiibo lana raacaa.
walaal akhriste bal dib ugu fiirso caruurta joogta gurigaaga ama jaarkaaga amaba maraysa hareerahaaga waxa ay iska sheekaysanayaa waa musaslkii ay xalay soo daawadeen waxaanay iska ilaabeen casharadii iyo dugsiga iyo waxbarashadii guud ahaan, halkaana waxaa ka soo dhago wayn xumaan iyo fasahaad aan lahga soo waaqsanayn cidhib xumada ka dhalato waana mid aan hadhaw waxba laga qaban karin ee inta aan dhawnahay aan ka tashano oo caruurteena aan badbaadino
maalin dhaweyd anoo maraya wadad ayaa waxaa dhagahayga ku soo dhacay hablo ka sheekaysanaya filinkii musasalka ahaa ee ay xalay soo daawadeen iyaga oo leh naa ma arkaysay ninkii hebel ahaa siduu u kalakiciyay jacaylkii khiyaaliga ahaa ee ay heblaayo kula socotay labada nin aaya midba mar afka u macaanaynaysay. waalaahi ani naagtaa waan ka helaa iyo naa anigu waxaan jecelahay hebeloo waa inan subaga, ogawna waxa la isku faaninayaa maaha ragg la jooga ee waa kuwii musasalka.
hablahaasi waxay ka habsaamayaeen dugsoiyadii waxbarasho ee ay waalidkood u soo direen iyaga oo qaarkood la ogaaday halkii ay ka doonan lahaayeen waxbarashada iyo guri asxaabtooda ah iska fadhiistaan si ay ula socdaan musasal ka soo galaya subaxa ama galabtaa telefishanka oo aay leeyihiin waxaan la socdaa film asal ah oo ka soo gala saacadaa iyo saacadaa,waxaanay ka hdheen aqoontii iyo mustaqbalkii wanaagsanaa.
walaal aan dib u eegno waxa ay caruurteenu samaynayaan gar ahaan hablaha oo ah muraayada nolosha hooyooyinka mustaqbalka dhaw.
ilaahay waxaan inooga baryayaa inuu ubadka inoo hagaajiyo mustaqbal fiicana inoo siiyo inagana dariiqa toosan ianagu hago
aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin aammiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin aammiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin
Allaa mahad leh
guul iyo gobonimo
waa qalinkii c/kariim maxamuud “suldaanka”
suldaancabdi4@hotmail.com

One response to “Yaa ka masuula dhaqan xumada ka dhalan karta musasalka tvga

  1. Pingback: ΚÜ šôõ ÐΗΔwΑΑw βìŸΔcΔÞ∑ ↓·

Comments are closed.