sheeka dhex martay nin soomaali ah iyo nin koonfur afrikaan ah

sheeka dhex martay nin soomaali ah iyo nin koonfur afrikaan ah
Nin dhalin yara soomaali ah iyo oday u dhashtay dalka koonfur afrika ayeey doodi dhex martay
Sheekada ayaa ku saabsaneeyn sababta soomaalida ay dalkooda uga soo cacareen iyo waxa u diiday in ay nabad qaataan oo ay hishiiyaan
Odaygii ayaa warka bilaabay oo waxa uu wiilkii ku yiri:
Waxaad dalkaan u timid in aan lacagta ka dhameyso
Wiilkjii ayaa ku jawaabay
Annaga xoola ma weeyn ee colaad baa na soo qixisay
Odaygii baa ku yiri
Imisa luqad beey ku hadashaa soomaalida
Wiilkii baa yiri:
Hal luqad oo kaliya.
Odaygii baa yiri :
Imisa qoomiyadood maad tihiin:
Wiilkii oo su’aalahaa dhagihiisa ku bateen ayaa dal dalmay oo yiri:
Waxaan nahay hal qoomiyad waxaan leenahay hal diin waxaan ku hadal na hal luqad waxaana leenahay hal madab
Asagoo warkii sii wadaa ayaa soo dhex galay odaygii oo dhahay soo marka ma cada in aad tihiin dad wax ma garata yaal ah
Wiilkii baa dhahay :
Waxaa dhib nagu haaya reer galbeedka mareeykanka oo neceb islaamka
Odaygii ayaa ku dhahay :
Mareeykanka ma dagaal ayuu idin ku so qaatay masa hee maqal mareykanka ayaa soomaaliya joogo oo dagaal ka wado
Wiilki ayaa dhahay:
Kuwa soomaali ah aya lacag la soo siiyaa oo markasra mowjad cusub nagu fura
Odaygii ayaa yiri:
Oo maxaad ku diidee in aad tihiin wax ma garato hadiiba kan hogaamiye idiin ah u siyaa yahay
Wiilki ayaa dhahay mareynka hadi u faraha nagala bixi lahaa waa noo hagaagi lahaay dalka
Odaygii ayaa dhahay:
Waxaad leedihiin waxaan nahay islaam
Islaamkuna waa in uu raaca wadada u dhagsan ee kitaabka
Odaygii oo warka si wata aya yiri waxaan ahay kirishtaan waxaan aqriyay wax badan kitaabka hollyquraanka ee islaamka
Ma’arag wax ka cadaalad fiican mana arag wax ka toosnaan badan hadii dadka dunida jooga ay kaasi ka dhigan lahaayeen dastuurka aduunka wuxuu ahaan lahaa meel barwaaqa ah dadkuna waxeey ahaan lahaayeen kuwa aan is nicin balse islaam ka aad sheganeysaan waa afka
Ma mareeykanka lacagtiisa ayaa idin kaaga kheyr badnaadaday kitaabkii aad aaminteen
Wiilkii wuu aamusay odaygii asagoo faraha sii ruxaya oo dhahaya wadankiina idinka qasay ayuu ka dhaqaajiyay

Afeef hore
Sheekada waxaan ka qaadan karnaa in kitaabka yahay cadaalad rasmi ah soomaalidana tahay kuwa diinta sheegta siiba kuwa hogaanka noo haaya

Qore Biyacade