hurmuud oo si rasmi ah u joojisay adeegii internet ka

barqanimadii maanta si rasmi ah u joojisay Adeeggii Mobile Internet, iyadoo aynaan xilligaan shaqeynayn Mobile-kii laga adeegsan jiray khadka Internet-ka.

Shirkadda Hormuud, ayaa culeys xoogan kala kulantay Ururka Al Shabaab, wixii ka dambeeyay 6-dii bishii Janaayo, oo ay Shabaabku amreen in la joojiyo isticmaalka Adeegga Mobile Internet.

Dhammaan Deegaanada ay ka hawgasho Shirkadda Hormuud oo ay ka mid tahay Magaalada Muqdisho, ayaa waxaan ka jirin wax adeeg ah oo ku aadan Mobile Internet.

Saraakiil ka tirsan Hormuud Telecom, ayaa ku waramaaya in uu cadaadis xoogan ka soo fuulay dhinaca Ururka Al Shabaab, laguna khasbay in ay joojiyaan Adeegga Mobile Internet.

Shabaabka, ayaa xabsiga u taxaabay ilaa 16 ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Hormuud Telecom, waxaana Axadii lagu wada xiray Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Tallaabada ay maanta u hogaansatay Shirkadda Hormuud Telecom, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli Shirkadda Somtel ay qudheedu joojisay Adeegga Mobile Internet.

Dowladda, ayaa horey kaga digtay in Shirkadaha Isgaarsiinta ay u hogaansamaan awaamiirta Ururka Al Shabaab, ee ku aadan joojinta Adeega Mobile Internet.

Nagala Soo Xiriir dhacdo@hotmail.com ama dhacdo@gmail.com