Xasan daahir oo la sii daayay

Dowladda Soomaaliya waxa ay xabsiga ka siideysey Sheekh Xassan Daahir Aweys oo muddo dheer u xirnaa dowladda kadib markii uu kasoo goostey xarakada Alshabaab oo uu madaxdeeda ka mid ahaa.

Kalama cadda qaabka lagu siidaayay xili dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya sheegey in Xassan Daahir uu ka tanaasuli waayay fikirkii Shabaabka, aqbalina waayey nabadda.

Wararka ay heleyso Kn waxa ay sheegayaan in siideyntiisa lagu beegey xili beeshiisa ay dowladda ka falaagowdey, islamarkaasina isbahaysiyo la samaysanayso xooggag kale oo siyaasadeed. Sidoo kale waxaa lasoo siidaayay xili dowladda Maraykanka ay ugaarsanayso madaxda Alshabaab, islamarkaasina dhawaan la qorsheynayo in duullaan ka dhan Alshabaab uu ka biloowdo dalka.

Siideynta Xassan Daahir micno badan oo kala duwan ayaa loo fasiri karaa, awoodo iyo siyaasado badan oo kala duwanna waa ku lug leeyihiin, waxayna noqoneysaa dhacdadii ugu weyneyd ee dalka soo marta sanadkani, iyada oo maalmaha soo socda loo dhagtaagi doono macluumaadka la xiriira siideyntiisa.

KismaayoNews.com