iran oo lagu casuumay shirka siiriya

Wadahadallada hordhaca ayaa lagu qaban doonaa magaalada Montreux, iyadoo laba maalmood kaddib loo gudbin doono magaalada Geneva.
Dowladda Suuriya ayaa horey u sheegtay inay ka qeybgali doonto shirka.
Ilaa haatan 100,000 oo ruux ayaa ku dhimatay dalka Suuriya tan iyo markii uu billawday dagaalka sokeeye .
Qaxootiga Suuriya
Qabowga daran ee Bariga Dhexe ayaa sii adkeeyay xaaladda qaxootiga Suuriya
Waxaa waddamada deriska u qaxay 2 milyan oo ruux, halka 6.5 milyan ay gudaha ku barakaceen.
Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibedda ee Iran uu ballanqaaday in dalkiisu cayaari doono dowr wax ku ool ah.
Iran ayaa sheegtay inay aqbashay casuumaadda xoghaya guud ee Qaramada Midoobay.