Dacwadda dilka Xariri oo billaabatay

Afar ruux oo ka tirsan ururka Xisbullah oo loo haysta dilka Ra’iisalwasaarihii hore ee Lubnaan Rafiiq Xariiri ayay maxkamadooda ka billaabatay The Hague.

Waa dacwaddii ugu horreysay oo argegixisanimo la xiriirta oo ay qaaddo maxkamad caalami ah.

Afartani nin oo lala xiriirinayo inay xubno ka yihiin ururka shiicada ee dowladda Suuriya taageera ee Xisbullah, ayaa la maxkamadaynayaa iyagoo maqan.

Warqada soo xiritaanka afartani qof ayaa la soo saaray sanadkii 2011-ka.

Ururka Xisbullah

Raggan ayaa kala ah – agacyada Mustafa Badraddin, Salim Ayyash, Xussein Unaysi iyo Assad Sabra.

Ragani ayaa wajahaya dacwad la xiriirta qorshaynta weerar argagaxiso oo wax lagu dilay.

Rafiq Xariiri ayaa lagu dilay weerar qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Beirut ee xarunta dalka Lubnaan 14 kii bishii February ee sanadkii 2005 tii.

XisbullahUrurka Xisbullah ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa dilka Xariiri

Taageerayaasha Xariiri – oo isagu ka mid ahaa hogaamiyayaasha Sunniga ee dalka Lubnaan – ayaa ku eedeeyay dilkiisii dowladda Suuriya.

Dilka Xariiri ayaa sababtay in ciidammada Suuriya ay ka baxaan dalka Lubnaan, kaddib markii ay 30 sano halkaas ku sugnaayeen.

Suuriya iyo ururka shiicada ee Xisbullah way beeniyeen inay ku lug laaheen dilkii Rafiq Xariiri.

Weerarkii lagu dilay Rafiq Xariiri ayaa waxaa ku dhintay 22 ruux oo kale iyadoo ay sidoo kale ku dad ka badan 200 ay ku dhaawacmeen, in kastoo Suuriya iyo Xisbullah oo weerarkaasi lagu eedeeyay ay iska fogeeyeen eedayntaasi.