Kumanaan Afrikaan oo magangalyo u jooga Israel ayaa…

Kumanaan Afrikaan oo magangalyo u jooga Israel ayaa ka bilaabay banaanbax magaalada Tel Aviv ee Israel. Dadka ajnabiga ayaa badan kood ka imaaday Sudan iyo Eritrea waxayna ka banaanbaxayaan xabsiga waqtiga dheer ee dadka sharci darada ah.

dowladda Israel ayaa ku qiyaasaysa in lixdan kun oo Afrikaan ah ay soo galeen waddankeeda.

Sharci la soo saaray bishii hore, ayaa dadka sharci darada la hayn karaa ilaa hal sano.

Laba toddobaad ka hor dadka Afrikaanka ayaa ku banaanbaxay Tel Aviv iyagoo codsanaya in la sii daayo saddex kun oo qof oo xiran

One response to “Kumanaan Afrikaan oo magangalyo u jooga Israel ayaa…

Comments are closed.