Wadahadalada labada dhinac ee ku dagaalamaya Koonfurta Sudan…

Wadahadalada labada dhinac ee ku dagaalamaya Koonfurta Sudan ayaa ka bilaabmay magaalo madaxda Itoobiya ee Addis Ababa, si loo joojiyo dagaalka socda saddex toddobaad.

Wakiilada ka socda madaxweynaha Koonfurta Sudan, Salva Kiir, iyo wakiilada ka socda mucaaradka, Riek Machar, ayaa bilaabay wadahadalo toos ah xalay.

Hadda waxaa laga filayaa inay xooga saaraan sidii loo gaari lahaa xabad joojin, iyo xalinta dadka siyaasada u xiran.

Dagaalka ayaa wali socda, in ka badan kun qof ayaa ku dhintay dagaalka ilaa hadda, laba boqol oo kuna waxay ka bara kaceen guryahooda.
Wararka la xiriira