Dagaalyahanada Qabaa’ilada Sunniga Ciraaq Oo Lawareegay Gobolka Al-Anbaar Ee Wadanka Ciraaq.

91892_4Dagaallo culus ayaa wali ka socda qeybo badan oo katirsan gobolada sunniyiinta degaan ee wadanka Ciraaq kadib markii ciidanka xukuumadda Shiicada Al Maaliki ay isku dayeen in ay xoog ku kala ceyriyaan dadka iskusoo baxyada isbedel doonka ah dhigayay.

Wararka ka imaanaya gobolka Al-Anbaar ee galbeedka Ciraaq ayaa xaqiijinaya in xoogaga qabaa’ilada Sunniga ah iyo mujaahidiinta ISIS ay lawareegeen xarunta maamulka magaalada Ramaadi iyo xarunta Telefeshinka gobolka.
somalimemo.net
Telefeshinka Al Jazeera ee Afka Carabiga ku hadla ayaa baahiyay muuqaalada dagaalyahanada qabaa’ilka oo si buuxda ula wareegaya magaalada islamarkaana ku dhax roondaynaya magaalada.

Sidoo kale dagaallo culus ayaa wali ka socda magaalada Faluujja ee dadkeedu caanka ku yihiin halganka waxiska caabinta,wariyaal ayaa soo sheegaya in kacdoonka cusub ee suniyiinta uu hordhac u yahay dagaal kala bax ah oo dhulka shaam iyo ciraaq ka dhaca waxaana si toos ah u loolamaya Majuusiyiinta Faaris iyo dadka ahlu Towxiidka ah.