Dhalashadii abgaal iyo boqorkii ujuuraan waa sheeko dhab ah

images (2)ImageProxy

gggggggggggggggggggggggggggg

muuqaalka waa hidaha iyo dhaqanka abgaal

Dhalashadii abgaal iyo boqorkii ujuuraan waa sheeko dhab ah

waxaan maanta barnaamijkeeyga ku soo qadaneynaa odaygii abgaal cismaan wuxuu ku dhashtay si taariikhi ah waxaana noloshiisa soo martay marxalad aad u adag

hadii aan wax yar ka shekeyno boqortooyadii ujuuraan ayaa aheyyd mid aad ugu xooganeeyd dhulka hada uu dago beesha abgaal
boqorka ujuuraan wuxuu awoowe u ahaa oday abgaal.
abgaal cismaan magaciisa oo sax waa.     CALI CISMAAN

Waxaana dhashay faaduma ujuuraan oo aheeyd hooyada ku curatay abgaal cismaan
ka hor dhalashadii odaygii abgaal cismaan waxaa jirtay in uu boqorku ahaa nin faalka ku dheereeya ama wuxuuba lahaa dad u faaliya waxaana loo sheegay in gabadhiisa hadii ay dhasho wiil uu ujuuraan qixi doono kana bara kici doono dulka hada uu dagan yahay taasoo oodin ku noqotay hadalka ka soo yeeray ninka faaliyay

nasiib wanaag waxaa dhahcday in gabadhiisa uu soontay cismaan dalan doole oo ahaa aabaha dhalay abgaal cismaan
gabadhii aheyyd faadumo oo noqon doonta hooyada abgal cismaan iyo oday cismaan oo wada socda ayaa u tagay boqorkii
Boqor na waa kan hadii u balan qaado aan beenin haba ahaadaano dad aan diinta u dhaganey\eyn
Boqorku kuma farxin gabadhiisa uu soo doontay wiilkaan wuxuu na ku xujeeyay sedax su.aalood
waxaana lagu yiri hadii aad sedax sheey ii keeno waad heleysa gabadheeyda

images (2)

dhaqanka abgaal

waxaa lagu yiri waxaan kaa raba
1) 114 sumeynood oo majaha kawada madow
2) afar haamood oo biya aan ka imaan cir iyo dhul ay ka buuxaan
3) ul aysan jirin ul lagu dhu dhumiya ( lagu jimeeyo)( lagu cabiri karo)

oday cismaan oo ahaa dhalin yaro waxaa ku adkaatay in uu ka jawaabo wuxuuna faadima u sheegay in aysan is helin karin sababtoo ah waxa ley diray buu ku yiri sedax daasi sheey
gabadhii oo aheyd mid caaqilad aha ayaa u sheegaty in ay tahay mid fududu
waxeeyna ahaayeen faadima iyo oday cismaan ku ari ilaalis ahaa
cismaan dalan dolle wuxuu lahaa ari aad u tira badan halka boqorka na uu lahaa ari aad u tira badan
ariga boqorka waxaa ku jira wan ka wada madoow afarta majood waxeeyna tiri marka aan ariga raaco arigaada ku soo dar arigeeyga wankayaga wuxuu wada sulmi doona dhamaan arigaada waxaana ka dhalan doona 114ta sumeynood
biyaha aan cirka ka imaan dhulkana aan laga keeni ee macaan waa biyaha qaraha ee waxaad beerata qaro
tan sedaxaad ee ah ul aan jirin ul lagu cari karo waxaad ku tiraahdaa boqoroow waxaad ii dhiibtaa ul a an ku soo cabiro si aan kuugu kleeeno midda aad ii diraty ( boqorku ma awoodi doono in uu so helo _)

sidii ayuu yeelay cismaan dalan doole wuxuuna sidaasi kula guuleystay gabadhii boqorka taasoo kurba ku noqotay boqorka
sanad kadib waxaa uur qaaday faadima sida caadada aheeyd dadkiii hore waxaa badna safarkooda waxeyna aadi jireen meela fog fog
Faadima oo uur leh ayuu safar galay oday cismaan oo aad u yaraa waxaana dhacday in ay igaar ku curatay faaduma ujuuraan
aabaheeda oo horay loogu sheegay in gabadha cunugaasi ay dhashay uusan u aheeyn mid naxariis ah uuna noqon doono kan sabab u noqon doona in ujuuraan laga waayo dhulka ay hada joogaan
wuxuuna soo dhiibay boqorkii ujuuraanka ahaa laba galaas oo ay ku jiraan biyo
wuxuuna boqorka soo faray in ay biyaha mid ayada cabto midna wiilka siiso
waxaana lagu yiri galaaskaan biyaha ku jiraan adiga cab. kan kale na sii wiilkaada
faadima oo ogeeyn in aabaheeda uu necbaa ninkeeda misana arinka maqashay ayaa nafteeda ka jeclaatay wiilkeeda
waxeeyna fiirisay laba galaas midkii la faray in ay cabta mooyee kii kale oo loogu tala galay wiiljkeeda ayeey cabtay
Hooyo WAA MID NAXARIIS BADAN ayadoo og in ay tahay geeri ayey door biday
waxaa isla durbadii geeriyootay faaduam ujuuraan oo umul kula jitray cali cismaan( ABGAAK ISMAAN )
waxaana fartiin la gaarsiiyay boqorkii waxaana loo sheegay in gaabdhiisii dhimatay boqorkii wuu laba qaracmay naxay
durbadii wuxuu amray in wiilka la dhigo moorada lo’da si ay lo’du ugu istaagto una saqiiro cunuga balse taaasi ma dhicine waxaa lo’da u soo hor maray dibi ugu weeyna wuxuuna kor istaagay wiilkii ahaa abgaal cismaan asagoo galiyaya inta u dhaxeeysa labada lugood

goortii ay lo’dii wada gudubtay ayuu asna ka tilaabsaday uu ka gudbay
taasiw axeey mucjiso ku noqotay boqorka iyo lama filaan wuxuuna amay in mar kale moorada geela la hoos dhigo asagoo sheegay in geelu yahay dabaal aan kala kaseeynw axaasi

waxaana la dhigay wadaad uu geela ku dureero waxaana ku soo hor baxay rati ugu weeyna wuxuu isku dad bay wiilkii asagoo galiyaya laba lugood dhexdooda

taasi waxeey nooqtay in uu magac ku helo asagoo lagu yiri kani waa abgaal
boqorkii oo aanw ali quusan ayaa hadana arinkaan la yaabay oo ay ku noqoqtay mucjiso wuxuuna amray in aan wiilka laga qaadin qoraxda
waxeeyna aheeyd xilli barqa ah
waxeeyna iska aad sadeen in ay soo duugtaan meeydkooda xilli ay tahay duhur misan ley leeyahay wiilkii xiliigaani qoraxdii aya dishay ayaa waxaa soo laabaty oday cismaan oo u yimid wiiliiisa oo yaala wadad misana gorgor baalashiisa ku hoos jira taasoo wiilkii u noqoqtay in u helo hoos uu ku nasto kuna negaado

oday cismaan ayaa wiilkisi so qaatay soona barbaariyay

magaca abgaal cismaan wuxuu ku baxay sidaasi magaca saxda ah na waa cali cismaan

intaasi waa inta aan ka soo ogaaday aabaha ay ka soo farcameen beesha tirada badan ee hada loo yaqaano abgaal cimaan

hadii aan galay qalad waxaan jeclaan laha in aad noogu soo dhirto emailka hoose

ama ra’yigaada noogu cadeey wixii kula haboon

mahadsanidiin

W/Q shariif adow

shafka115@hotmail.com

4 responses to “Dhalashadii abgaal iyo boqorkii ujuuraan waa sheeko dhab ah

  1. Abooye waad mahadsan tahay sheekadaa sheekooyinka fiican nosoo qor wax khalad ah maadan galin waad saxan tahay waayo taariikdu waa muhiim in laqorto

  2. ANIGA WAXAN MAQLAY GABDHII MARKAY DHIMATAY WAXA NAASKA NUUJISAY MADIINA NAAS DHEER GABR AY DADKA KU DHIHI JIREEN OO JAREERWEYN AH MARKA INTAAS AYD KA BOODAY EE INTA KALE WAA SAX. DADKUNA DADKA WAA KA WARQABI JIRAY ILAA MAANTANA WUU ISKA WARQABAA.

Comments are closed.