xikmada maanta waa afarleey ka faa iideeyso

AFAR WAA KAYDADKA JANNADA
1-Qarinta sadaqada.
2-Qarinta masiibada.
3-Xiriirinta qaraabada.
4-Iyo qowlka laa xowla walaa qowata.
AFAR DHIBAATO AYUU DHILEYSIGU LEEYAHAY
1-Iftiinka wejiga ayey qaadaa.
2-Risaqa wey yareysaa.
3-Ilaahey wuu kaa caroodaa.
4-Naartana waa lagu galaa.
AFAR MA ABAAL MARIN KARO
1-Nin salaanta iga bilaabay.
2-Nin fadhiga ii balaariyey.
3-Nin booqashadeyda boor u soo maray.
4-Iyo nin muraadkiisa ila soo maciinsaday.
AFAR MAR DUCADA WAA LA AQBALAA
1-Xilliga uu dagaal jihad ah dhacayo.
2-Marka uu roobka soo daato.
3-Marka Salaada la aqimo.
4-Iyo marka kabcada la arko.
AFAR LAHOW KUNA LIIBAAN
1-Dul qaadka dhulka.
2-Deeqsinimada waraabaha.
3-Daymada tukaha.
4-Daydaysiga digaaga.

Sababta oo ah,afartaa wax yaaboodba waxay leeyihiin afar tilmaamood oo qofka u wanaagsan.
Qofka haduu sida dhulka u dulqaad badnaado,oo wax kasta uu sida dhulka ugu adkaysto horumar ayuu gaarayaa, deeqsinimada waraabahana uu yeesho oo waraabaha markuu neef disho isaga oon cunin ayuu waraabayaasha kale u yeera, Tukuhuna waa xayawaanada ugu feejigan oo aan la dagi karin, oo waxa la yiraahdaa;”tukow goormaad wax garataa?Marka ay laba qof is eegaan” digaaguna xaga qaraabka waa ka meelaha ugu xaarxaaridda badan dadaal intuu ka qabo qofkii tilmaamaha yeeshana uu ku liibaanaa.

AFAR URUG LEH BAA JIRTA
1-Socod urug leh.
2-Soor urug leh.
3-Sawd urug leh.
4-Iyo sal urug leh.

Sababta oo ah Socod urug leh waa socodka qof waayeela oo culus marka aad dig dig iyo xoog aad ku dhaafto oo isaguna sidaa uu kuu eego.
Soor urug lehna waa xeera raashin ah oo dad kaala dhaxeyso marka lafta ugu baruursan aad kala baxdo oo la booddo ee isha sidaa laguula raacay.
Sawd urug lehna waa meel ay joogaan dad kaa waawayn marka aad ku hadasho oo ay hal mar ku soo wada eegaan.
Sal urug lehna,waxaa weeyaan marka dad kaa waaweyn oo taagtaagan adigu kursi ku fariisato.

AFAR AFAR MA AHAN
1-Doqoni sokeeye ma aha.
2-Hilib sooryo ma aha.
3-Socodna raaxo ma aha.
4-Suugaani hadal ma aha.

Sababta oo ah, Horay ayaa loo yiri;”doqon walaal ma leh,”doqon sokeeyo ahna waxaa ka fiican caaqil shisheeye ah, hilib kaligii wax dad lagu marti galiyo ma aha in caano ama soor lagu laro mooye keligii calool ma buuxiyo, waa run socod raaxo ma aha, hadalka ganuunaca ah oo ay soomaalidii hore suugaan u aqoon jirteyna hadal ma aha.

cropped-shariifcadoow.jpg