In ka badan 100 qof soomaali ah oo sacuudiga laga soo tariilay

lll>Garoonka Diyaaradiaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga soo dajiyay in kabadan 100-of oo Soomaali ah kuwaa oo laga soo musaafuriyay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Soomaalidan lasoo tarxiilay ayaa in mudo ah ku jiray Xabsiyo kuyaal Sacuudiga waxaana wajigooda ka muuqatay daruuf aad u xoogan iyagoona maanta markii laga soo dajiyay garoonka Aadan Cadde wajiyadooda laga dheehanayay sida ay ugu faraxsan yihiin in Dalkooda kusoo laabtaan.

Dadka Laga soo tarxiilay Sacuudi Carabiya ayaa u badnaa dhalinyaro dalkaasi ka xamaalan jiray waxa ayna sheegeen in dhibaatooyin xoogan ku heesatay Xabsiyada Sacuudiga ay ku xirnaayeen in mudo ah hadana ku faraxsan yihiin in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Xabsiyada Sacuudi Carabiya ayaa wali waxaa ku jira Maxaabiis Soomaaliya oo laga soo qabtay Magaalooyinka Dalkaasi kuwaa oo halkaa ku joogay qaab sharci daro ah waxaana dadkaasi iyana la filayaa in dhawaan Muqdisho laga soo dajiyo.