yahuuda oo ka soo hor jeesatay hishiiska iran iyo reer galbeedka

jerusalem-guard-shot-allahu.si_

Israa’iil ayaa ku gacan seyrtay heshiiska dhex maray dowladda IIraan iyo quwadaha Aduunka ee ku saabsanaa barnaamijka Nucliyeerka Iiraan.

Heshiiskan oo dhex maray shanta dal ee codka qayaxan ku leh Golaha Ammaanka iyo Jarmalka ayaa dhigayay in Iiraan ay joojiso barnaamijkeeda Nukliyeerka.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay qalad taariikhi ah oo ay dunidu gashay.

Waxaa uu sheegay inay shaki ka qabaan in Iiraan ay dooneyso inay sameysato hubka Nukliyeerka ah.

Iiraan ayaa beenisay hadalka ka soo yeeray Israa’iil, waxayna sheegtay in barnaamijkeeda uu yahay mid lagu dhaliyo kaliya in lagu dhaliyo awoodda Korontada.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in Israa’iil uu kala tashan doono barnaamijka Nukliyarka ee Iiraan.

Iiraan ayaa saxiixday heshiis xaddidayo howlaheeda Nukliyarka oo iyaduna looga qaadayo qeyb ka mid ah cunaqabataynta saaran.

Heshiiska ayaa Iiraan u ogolaanayo inay iibiso shidaal qiimahiisu dhan yahay 7 bilyan oo doolar.