prof. dalxa waxaa la yaab leh gobal dhan oo colaadi iyo fatahaadi ka jirta oo loogu deeqaya 50 dolar

indexProf. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in la iska indha tiray dhibaatada Gobolka Shabellaha dhexe ka jirta, isagoo cadeeyay in halis ay ku jirto magaalada Jowhar oo ay go’doomiyeen daadad ka dhashay fatahaada wabiga Shabelle.

Xildhibaanka oo la hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in dadka ka barakacay fatahaadaha iyo colaada ay heyso dhibaato aad u xoogan, si ba’an u rafaaday, isla markaana wali ay la il daran yihiin gaajo.

“Dadka Gobolka Shabellaha Dhexe ku nool waxay s ba’an ugu rafaadeen, wali la il daran gaajo, biyo nadiif la’aan waxa ay ka xigsadaan ma jiro, awal dhulka wabiyada kaneecada iska aheyd meel rug u ah meel ay ka galaan aysan jirin qabowga iyo biyaha oo cabsi ku haya inay qaadaan ay ku dhow yihiin”ayuu yiri Xildhibaan Dhalxa.

I’m The Best SINGER IN THE WORLD

Prof. Dhalxa ayaa sheegay in aanay wali muuqan wax ifafaale ah oo dowladda Soomaaliya iyo Hey’adaha caalamiga ah ugu gurmadeen dadka ku dhibaateysan Gobolka, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay yabooha dowladda u sameysay Shabellaha Dhexe.

“Maanta gobol dhan umadii ku nooleyd colaad iyo fatahaad is biirsaday oo ah wax aan la qiyaasi karin in dowladda iyo dadka soomaaliyed ee wax ay bixin kara in Kontan oo doolar yabooh ah ugu deeqaan, waliba idaacadaha laga sheego wax fiican ma ahan”ayuu yiri Prof Dhalxa.

Mar uu ka hadlay dhibaatadii ka dhacday Puntland, gaar ahaan duufaantii roobabka wadatay ee Xeebaha Bari Puntland ayuu tilmaamay in buun buunin ay ku heleen malaayiin doolar, halka kuwa wabiyada ku dhifanayo aysan taas wali helin.

“Sadaqada xataa looma kala sino, maanta waxaa malaayiin loo aruurinaya dadkii ku dhiftay dabeylaha iyo duufaanta Puntland, halka kuwii wabiyada ku dhiftay ee dhibaatada ku horeeyay in aanay kaalmo noocaas aysan helin”ayuu mar kale yiri Xildhibaan Dhalxa.

Xaalad adag ayaa xilligan ka jirta magaalada Jowhar, halkaasoo ay ku soo barakaceen in ka badan 10-kun oo qoys, iyadoo dadkaas ay heysato xaalado nololeed oo aad u liidata.

xigasho
Somali news leader
http://www.jowhar.com