Halkuu ku dambayn karaa khilaafka madaxda Soomaaliya?

qilaaf120906191405_baarlamaan

Mar qura ayaa waxaa cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Ra’iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) .

Khilaafka ayaa soo ifbaxay kaddib markii muddo sanad ah ay wada shaqeynayeen khilaaf la’aan labada Mas’uul.

Wararka kale ee la xiriiraKhilaaf u dhexeeya madaxda SoomaaliyaWararka la xiriiraBariga Afrika
Dadka ka faallooda siyaasdda soomaaliya qaarkood ayaa u arka in khilaafkan uu soo daahay marka la eego hab dhaqankii siyaasadeed ee Madaxweynayaashii hore iyo Raisul wasaareyaashii Soomaaliya soo maray dhowr iyo tobankii sano ee ugu danbeysey.

Ra’iisalwasaarayaashii hore

Soomaaliya waxay yeelatay 10 ra’iisalwasaare tan iyo sanadkii 2000 xilligaas oo la soo doortay madaxweynihii ugu horreyey ee kumeel gaarka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Cabdiqaasim waxaa uu yeeshay saddex ra’iisalwasaare – Dr. Cali Khaliif Galeyr, Xasan Abshir iyo Maxamed Cabdi Yusu.

Madaxweynihii ku xigay Cabdullahi Yusuf, waxaa uu magacaabay seddex kale muddada uu xukunka hayay – Cali Maxamed Geeddi , Nuur Cadde iyo Maxamed Maxamuud Gacmadheere.

Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa waxaa isaguna uu magacaabay muddadii uu madaxweynaha ahaa Seddex Raisul wasaare oo uu ugu horeeyey Cumar Cadirashiid Cali Sharmaake, kuna xigey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uguna danbeeyey Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Imisaa ra”iisalwasaare?

Baarlamaanka
Xalka arrintan waxaa uu u yaalla baarlamaanka Soomaaliya

Suaasha ay dadka qaarkood haatan isweydiinayaan ayaa waxay tahay, madaxweyne Xasan Sheekh , inta uu madaxweynaha yahay imisaa ra’iisalwasaare ayuu magacaabi doonaa?

Cadullaahi Cosoble, oo khabiir ku ah shariciga kana soo shaqeeyey xukuumadihii soomaaliya xorriyaddii kaddib wasiirna ka ahaa xukuumaddii kacaanka , ayaa waxaa uu qabaa , in ayna dhici Karin madaxda Soomaaliyeed in ay iyagu dhammaantood ay sabab u yihiin khilaafka, hasa yeeshee uu qaladku ka jiro destuurka, sidaasi darteedna ay tahy in dib loogu noqdo dastuurka haatan lagu dhaqmayo

Sababta Khilaafka

Cabdullahi Cosoble, khabiir”Dhibaatadu waxaa sal u ah destuurka Soomaaliya, haddii la doonayo in la xalliyana, waa in la baddelo destuurka”

Inkasta oo aaney jirin xog rasmi ah oo asalka khilaafka xuseysaa haddana warar kala duwan ayaa ka soo kala baxaya xaafiisyada labada mas’uul kuwaas oo midba si u sheegayo khilaafka.

Sarkaal sare oo ka tirsan xaafiiska Raiisul wasaare Saacid oo ka gaabsaday in magaciisa lasheego ayaa ii caddeeyey in la isku hayo arrimo destuurka ku saabsan oo ah Cidda awoodda u leh magacaabidda xukuumadda.

Wwuxuuna sarkaalkaasi intaa ku daray in haatan waan waan xal lagu raadinayo socoto, haddii la isku afgaran waayana lagu kala bixiddoono detuurka oo macnaheedu noqon karo barlamaanka.

“Howlo baaxad weyn”

“ Madaxweynaha, waxaa sugayo howlo baaxad weyn oo ay tahay in ladhameeyo 2016 kahor, sida dib u eegid in lagu sameeyo Destuurka, dhismaha maamul gobaleedyada, suggidda ammaanka dalka iyo howlo kale oo badan, sidaas darted markii Madaxweynuhu wadatashi badan amuurahaas oo dhan ka sameeyey wuxuu go’aansaday in uu sameeyo isbaddel ballaaran oo ay kamid tahay magaacaabid Raiisul wasaare cusub” Sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo u hadlay xafiiska madaxweynaha oo diiday in magaciisa la sheego. Mas’uulkan ayaa BBC-da u sheegay in uu filayo in afgarad ama sulux lagu dhameyn doono arrinta taagan oo ayna gaari doonin barlamaanka.

Jawaari
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in gudaha lagu xallin doono khilaafkan.

Guddoomiyaha balamaanka Fedaraalka Soomaaliya Maxmed Sheekh Cismaan Jawaari, markii ugu horreysey ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha soo kala dhexgalay ayaa waxaa uu sheegay in arrintan lagu xallin gudaha dalka.

“Dalku dastuur ayuu leeyahay , xaalkuna sidii hore maahan oo dibadda looga imaan jirey in laxalliyo khilaafka masuuliyiinta.,” ayuu yiri Jawaari.

Halkee buu ku dambeyn karaa?

Labo arrimood middood ayaa khubaradu sheegayaan in ay ku dhammaan doonto.

Saacid
Ra’iisalwasaare Saacid ayaa sheegay in destuurka uu kala bixin doono isaga iyo madaxweynaha

Waa tan koowaad oo ah, in is afgarad lagu dhammeeyo oo sulux lagu gaaro sidii loo fududeyn lahaa iscasilaadda ra’iisalwasaare Saacid.

Horey uma dhicin inay wada shaqeeyaan madaxweyne iyo ra’iisalwasaare Soomaaliyeed oo siyaasad isku afgaran waayey

Tan labaadna waxay tahay; sida ay muujinayaan hadallada ka soo baxayo xafiisyada labada ma’suul, waa in destuurka lagu kala baxo oo macnaheedu yahay in barlamaanka lahor geeyo arrinta la isku hayo.

Isqabqabsigii Madaxweynayaalka iyo ra’iisalwasaareyaashii dhowr iyo tobankii sano marka la jalleecdo, waxaa laga dheehanayaa in markasta is afgarad lagu dhammeyn jirey is casilaadda ra’iisalwasaaraha, marka laga reebo, Dr. Cali Khaliif Galleyr oo baarlamaanka lagu kala baxay.