Qiso cajiib ah ” waxba igama galin waxaan doonayaa in aan hal mar yurub ku tago bis

lllMarkaan joogey afrika waxaan ahaa qof
raadiya gabadhaha jooga yurub mise America
mise meel ii dhaanto afrika waxaan u
dhafrijirey sidaan ku heli lahaa qof aan la
wadaago jaceyl oo marka danbena ii soo
doodo
Waxaan muddo joogey afrika anigoo sidaas ah
ayaa mar aan lahadley asxaabteyda oo somali
xiligaasi ku sugnaayeen ayaa waxey ii
sheegeen inuu wiil aan saaxibo aheyn uu mar
hore yurub galey ayagii ayaan ka qaatey
cinwaankiisa oo idil
Waxaana uu jogaa wadanka hadda aniga aan
joogo oo ah wadama iskandaneefiyanka mid ka
mid ah wareysi kadib
Waxaan weydiiyey inta sano uu joogo
wadankaasi wuxuuna igu yiri 2sano markaas
ayaan ku iri saaxbiow aniga waxaan jogaa
afirka meeshii aad igu ogeyd ayaan jogaa
Si aan uga baxo waan garan la,ahay somalina
meel loogu laabto malahan meeshaana si sahal
ah looguma bixi karo waxaa mahadleh
ilaaheygii iga kaa tusiyey
Saaxibo waxaan uga bixi karaa oo kaliyah
inaan barto qof meesha joogto oo aan ku
beero jaceyl kadibna ay ii soo doodo sidaan
ayaan yurub ku heli karaa saaxibo waan
baaba,ay walaahi waxaa igu dhacay buufis
Waxaan kaa codsanayaa inaad igu xariirisid
gabadh waxey rabto ahaatee
Wuxuu igu jawaabey saaxibow gabadhaha inta
joogo waa ay dhib badanyihiin
Waxaa u badan hablo heysto ciyaal oo garoobo
ah
WAXBA IGAMA GALIN WAXAAN RABAA INAAN
HALMAR YURUB KU TAGO B wuuna igu qosley
wuxuu igu yiri dhib malahan waxaan ku
barayaa naag deriskeena ah oo aad
uwanaagsan oo raadineysey qof wanaagsan oo
diinta wax ka yaqaano
Anigana waxaan ahaa qof diinta ku wanaagsan
inkastoo uu hami iqaadey uu sheydaan I
dawaafsadey
Saaxibkeyga wuxu igu xirey qoftii uu ii sheegey
wax walbana asiga ayaa ka soo dhadhacsiiyey
Waana la I barey waxaan isweydaarsaney
barasho wanaagsan aniga qalbigeyga waxaa ku
jiro yurub si aan yuru ku aadana wax weliba
waan usameynaayey
Habeen weliba iyo maalin kastana waan wada
xariiri jirney waxey aheyd qof masha allah ah
oo ilaahey leh oo wanaagsan oo qurux badan
aniga uma eegin garoobnimadeeda iyo laba
cunug oo ay heysato intaasi waxaa iga weynaa
yurub oo kaliyah
Habeen kaste xili danbe ayaan
kuwadasheekeysan jirney wixii taleefonka ka
haran msn_ka ayaan ku dhameystiri jirney
Waxaa sidaasi inoogu dhamaadey 8bilood
waxaa soo kordhey labada dhinac isku
fiicnaansho waayo ayada kalsooni ayey igu
qabtaa anna kalsooni ayaan ku qabaa
kalsoonidaasi oo kaaney saaxibkeyga
Waayo ayada waxey isku fiicanyihiin
saaxibkeyga oo ay derisyihiin oo asigana
meesha xaas ku leh wixii oo dhan waxey
noqdeen sidii la rabey
Waxaa noqdey gabadhaasi gacaliyaheeda
kaaley arag hadalada macaan ay igula hadleyso
anigana kama yareysti waayo waxaa ii cad
yurub sidaan ku tagi lahaa
Markaan wada soconey muddo dhan sanad iyo
bar ayaan guda galney sidii aan uga wada hadli
laheyn mustaqbalkeena aniga sanadka iyo
barkaasi waxey ila noqotey 100sano oo kale
markaan u guda galney waxaan ku heshiiney
iney igu timaado afirka oo aan meesha ku
kalanno kadibna uu meeshaasi ka dhaco
nikaaxa iyo arooskaba igama diidin waayo
kalsooni ayey igu qabtaa ma ahi qof chatin ka
bartey waxaa inoo dhaxeeya labadeenaba qof
aan kulsoonahay
Weyna ii timid waxaa hal mar dhacay nikaax
iyo aroos gaagaabeey waxeyna
ILA joogtey muddo dhan bil iyo 15 beri
Waxey kulaabatey wadankii ay ka imaadey
waxeyna guda gashey iney ii dhameyso
dacwad sidii ay igu wadi laheyd
Aniga hal iyo habeen taleefon kama daalo
hadalo macaan waayo waa xaaskeyga sidii hore
ma ahan waxaan la soo baxey hadaladii kuwa
ka macaan badan markaste waxaan iska dhigaa
qof ayada ku eg oo ayada oo kaliyah u xiran
Waayo aniga waxaan jeclahay gabadh kale oo
aan wada socney mudo dhan 4sano taasi uu
naga dhaxeeyo jaceyl aad u baaxadweyn
inkastoo xiligaan ay waxaan dhacaayeen aynu
isku meel joogin aan kala joogno laba wadan
oo isla afrika ah qofta aan jeclahay marna uma
sheegin howsha aan kujiro waxaan u shegaa
markaste inaan ayada ley sugaayo aan u
maqanahay cid kalena aan guursandoonin
weligey hadii ayada aan waayana aan naag oo
dhan iska dhaafaayo markaan xaaska yurub
aan lahadlaayana oo u shegaayo in aan cid kale
dan aan ka laheyn oo ayada keliyah ku
ekanaayo waxaan rabaa labada ineysan I
ogaanin laakiin ma aysan dhicin arintaasi
Gabadhii aan jeclaa ayaa ogaatey oona loo
sheegey inaan aroos galey oo yurub la igaga
imaadey weyna isoo wacdey weyna iweydiisey
waxeyna igu tiri
Majiraan waxa aan maqley
Waxaan ku iri maxaad maqashey?
Waxey igu tiri inaad aroostey oo lagaaga yimid
yurub?
Si aan wax yeelo ayaan waayey wiish ayaa igu
yeerey in mudo ayaan ka aamusnaa jawaab
waafi ah masiinin markaas ayey igu tiri waxaan
u maleynayaa iney wax ka jiraan arimahaasi
inkastoo aniga kalsooni weyn aan kugu qabo
aniga ismalihi gacaliyahaaga ayaa adiga kaa
tagaayo qof kale u hooyanaayo runta ii sheeg
maxaad iga aamusantahay shaki ayaaba igaley
hadalkaas wax miyaa ka jiro
Waan is heynwaayey waxaan ku iri
Aniga waxaan rabaa sidii aan aniga iyo adi aan
isku heli laheyn marka si aan jaceylkeena u
dhisno ayaan rabaa waayo adiga iyo aniga
waan is jecelnahay wax kale ma awoodno
waayo aniga shaqo mahaayi adna sidaas oo
kale waxaan ku fikirey sidaaan jaceylkeena aan
uga mira dhalin lahaa inaan wax weliba aan
usameeyo aan aniga yurub aan aado si aan
adiga kuu guursado wado kaste ha igu qaadato
markaas ayaan sarbeeb uga dhigey xitaa aan
naag yurub joogto aanba uguursadee sidaan
mar aan ku tagi lahaa ayaan falkeeda ku jiraa
gacaliso
Markaas ayey igu tiri hadalka ii cadey maxaad
ula jeedaa oo waad is bedeshey miyaa aniga
iyo adiga imasa sano ayaan isjeclnahay wixii
aad ii sheegi jirtey oo idil been miyey ahaayeen
aniga ley imaawelineysey miyaa hadalka ii
cadey
Warkaasi majiraa mise majiro wax kale kaama
rabo haa iyo maya?
Waan garan waayey waxa aan sameeyo
waxaan ku iri haa wuu jiraa laakiin dartaada
ayaan ugaley aniga qoftaasi wax jaceyl ah uma
heeyo markaan meesha tagan adiga ayaan
rabaa inaan ku wato balan waaye qoftaasi
majecli dartaada ayaan usameeyey
Taleefoonka ayey igu damisey ilama hadlin
aniga ayaa wacay waxey igu tiri waxaad tahay
khiyaanalow waad I khiyaantey
Hadalkeeda oo idil wuxuu noqdey waad i
khiyaantey iga aamus hadalkaaga marabo
Mar danbana ha isoo wicin hadii uu muslin ku
dhaley taleefonka faraha iga qaad xariirkaaga
marabo waan ku nacay
Aniga waxaa igu yeerey wiish mar waan oyaa
mar waan fikiraa waayo qoftaan waxey ku
beerantahay qalbigeyga waa qoftii aan ku
afbartey macnaheyga waa qoftii ugu horeyso
aan jeclaadey intaasi kadib
Xaaskeygii yurub ayaan iskala sheekeystaa
niyad uma haayo waxey igu tiraahdaa adiga
maxaa si kaa ah waxaan u shegaa iney I
heysato mushkilad
Waxaan ku andacodaa markaste hooyadey
ayaa xanuunsan oo anigana aan ka dheerahay
sidaaas darteeda ayaan u murugeysanahay
Waxaan sugaba waa howsheydii oo soo
idlaatey
Waxaan isu diyaariyey inaan dhoofo aan aado
meeshii aan hal iyo habeen niyada ku heen
jirey 20 beri kadib ayaan ku qoranahay
dhoofitaan akhyaarteyda oo isku meel joogney
ayaan u sheegey inaan bixi doono aan 20beri
kadib aan ahay Safar dhalinta qaar wey ila
yaabanyihiin waxey igu dhahaan saaxibow
adiga maxaa kugu dhacay dhalinyaro ayaa
tahay sidee u guursatey naag kaa weyn
waxaan ku iraahdaa howshiina ma ahan taasi
ee faraha kala baxa arintaasi
Waana safarey waxaana eelboorka igu soo
dhoweeyey xaaskeyga iyo saaxibkeyga kaasi
oo ah qofkii I barey qof aan u socdo
Aniga waxaan mar kale galey todobo kale
Guriga aan joogo waxaan ku joognaa aniga iyo
xaaskeyga iyo 2 caruur ah oo ayada dhashey
Aniga waxaan qalbiga iska dhahay meeshii aad
rabtey sow inta ma ahan maxaad sameynee
waxaan ku fikiraayey inaan qoftaan isoo
wadatey sidii aan uga tagi lahaa waayo markii
hore dano Kama laheyn danteyda waxey aheyd
inaan kusoo dhoofo waana imid meeshii aan
rabey waxaan la nolaa muddo dhan 5 bilood
intaasi oo dhan waxaan ku jirey habkaan uga
tagi lahaa waxaan isku dayey inaan kala barto
magaalada saaxibkeyga ayaa I kala barey
Asiga waan usheegey waxa aan damacsanahay
aad ayuu uga xumaadey hadalada aan usoo
bandhigey taasi oo ah inaan naagtaan
uguursan jaceyl aan rabey inaan ku dhoofo
haddan aan rabo inaan furo aan ka tago
Wuxuu igu yiri ma waalatey qof intaan qarasha
ah kugu bixiyey miyaad wadada uga
dhaqaaqeysaa ilaahey malihid miyaa aawey
diintii aad soo baratey war sidaas ma ahan
adigoo qoftaan qabtid ayaad howshaada kala
wadan kartaaye isdeji waan ku gacansaarey
Wuxuuna igu dhahay adiga ayey ku jirtaa adiga
iyo ilaahey koley nabsi waad gashey ogow mar
uun inuu kaa soo bixi doono
Maalmo oo dhan waxaan ku guda jirey sidii aan
uga tagi lahaa
Waxeyna igu qaadatey mudo gareysa bil ku
dhawaad ima fahmin waayo markaste waan u
dhoola cadeeyaa waxaan ku iraahdaa waan ku
jeclahay afka ayaan u maceeyaa uurkeygana
alla og waxa ku jiro igama warheyso inaan u
soo raacey dan oo danteydii gaarey
Xogahaa lacag ayaan aruursadey muddadaasi
aan joogey waxaan isku diyaariyey safar
waxaana u safarey gobol kale waan ka tagey
anigoo qabo ayaan ka tagey
Markaan tagey gobolkii waxaa meesha igu soo
dhoweeyey dhalin yaro somali ah
Oo ii sheegey sxbkeyga iney meeshaas
deganyihiin inta aan u sheegin arinta aan
damacsanahay waayo hadii aan usheegi lahaa
oo aan dhihilahaa qoftaan ayaan rabaa inaan
ka tago gobolkaas ayaan rabaaye yaa meesha
degan oo dhalinyarada ah markii hore ayaaba
ka dhameystey waayo waxaan ahay qof mar
hore ku soo tala galey howshaani
Markaan taggey meeshaasi waxey ahaayeen
dhalinyaro aan isku beelnahay arinta ayaan u
sheegey weyna isoo dhoweeyeen
Qoftii iga soo wadatey afrika wey idareentey
inaan ka dhuuntey taleefon ayaan usoo direy
waxaana u sheegey inaan furey
Waxey igu tiri maxaan kaa haleeyey oo aadiga
dhuumatey waxaad rabtey miyaa inaad igu soo
dhooftid maxaad sidaan igu khiyaaneysaa
Taasi waxaa iga daran jaceylka ay ii qaadey
aad ayey ii jaceyleyd
Markaan qofkii isoo watey aan furey ayaan
gabadhii aan jeclaa wacay una sheegey inaan
yurub tagey naagtiina aan furey haddana aan u
maqanahay ayada
Muddo ayaan wax u shegaayey wey iga
qaadanweysey
Wey ku saxantahay taasi waayo imisa naf
ayaan khiyaaney qof bartey khiyaanda yaa
aaminaayo waxaan barrey asxaabteyda waana
usheegey ayaga ayaa naheshiisiyey
Weyna iga ogolaatey inaan dib usoo celino
xariirkeeni hore inkasto sidii hore uusan
ahaaneynin waayo meesha hadey soo gasho
kalsooni daro waxba makala soconayaan waxaa
inoo bilaabatey sheekadeenii muddo 2sano
ayaan joogey waaan shaqeystey
Waxaana u sheegey gacalisadeyda inaan u
imanaayo
Waxaan guda galey sidii aan ugu tagi lahaa
qofteyda safar ayaan soogaley waxaana imid
meeshii ay joogtey
Aad ayey ii soo dhoweysey waxaan guda
galney howsha aan meesha u tagey taasi oo ah
inaan nikaaxa iyo arooska halmar kadhigo
kadibna aan aniga dib u laabto
Hadalka la iima waalin waxaan ku iri gacaliso
aniga sidaan ayaan damacsanaa sow hadda
kuuma soo laaban waxaan rabaa inaan ku
arooso
Hadalka la igama diidin waxey igu tirii
waaalidkeyga la xariir igana raadso waxaan ku
iri igu haley taasi anigoo ku guda jiro la
xariirka waalidkeeda
Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxey soo
aadey sida ay ii sheektey iney soo gadaneyso
shoobin meel tukaan ah
Inta aysan bixin ayaan weydiiyey iney isiiso
aabaheeda taleefonkiisa weyna isiisey
Wiil aan saaxibo nahay ayaa howsha igula jiro
aniga iyo asigaba waan israacney si aan kaar
usoo iibsano kadiba aan ula hadalno
waalidkeyga si ay gabadhaasi waalidkeeda
igaga raadiyaan anigoo saaran gaari yer uu
leeyahay saaxibkeyga
Saaxibkeyga wuxuu itusiyey qofteydii oo lala
taaganyahay meel aan sidaas nooga dheereyn
waxaan ku iri aktooda inoo dhowey muddo
cabaar ah ayaa la taagnaa
Waa la isa soo macsalaamayey waxaan islahaa
bal fiiri waxa ay sameynayaan
Anigoo ujeedo ayaa gacalisadeyga horteyda
lagu shumiyey
Ayada iima jeedo anigana isma tusinin
Howshii aan usocda dib ayaan u dhigey ilee
gurigegya ayaa biyo igu soo galeene
Waxaan u dhaba galey arintaan wiilkii la
taagnaa markiiba waan calaamadeysadey
Waxaan u direy yerkii saaxibkeyga ayaa wuxuu
daba galaba wuxuu ii sheegey iney qoftiisa iyo
wiilkaasi wax isla wadaan ayana u sheegtey
iney yurub aadeyso
Waxeyna ku tiri mardhow ayaa yurub inoo aadi
donaa haka baqin wiil aan walaalo nahay ayaa
rabo inuu ii doodo uu igu wado xaas ahaan
Markaan ogaadey xaqiiqda waxey tahay ayaan
ku iri maxaad dhacay oo sidaan usameysey
weyna igu gacanseertey aniga ma aaminin
waayo aniga ayaaba indhaheyga ku arkey
waxaan ku iri maalin nocaas iyo noocaas ah
sow lama taagneyn wiil sidaan ah aniga ayaa
ku arkaayey gaari aktaada ayaan ku jirey ee
Lhakuu macanaato aniga waan soo laabtey
waana ka shalaayey qoftii aan horey u
khiyaaney iyo ayada xitaa aan qiyaaney iyo
nafteyda oo aan khiyaaney wax aan sameeyo
ayaan garan waayey ilaa hadda wax aan
sameeyo ma garanaayo waxaan qisadaan u soo
gudbiyey inaad ila talisiin
Waayo meeshii hore hadii aan dhihi lahaa u
laabo waji aan uga laabto ma aqaano qoftii aan
horey u jeclaana sidaan ayey ku dhaqaaqdey
meel ii roon malahan
Koleyba waxaan idinka sugayaa talo waxaan ka
codsanayaa iney i cafiyaan inta aan khaladka
ka galey ——–

4 responses to “Qiso cajiib ah ” waxba igama galin waxaan doonayaa in aan hal mar yurub ku tago bis

  1. Kkkkk
    Waa sheeko la yaab leh waxeey aheyd kuna wanaagsaneyd in gabadhaasi u keeno yurub misana ay ku boodo maxa yeelay asiba inta la keenay ayuu ku xumeeyay gabadhii keenta
    Waxaan kuugu la talinayaa in aad taadi hore u cudur daarato laga yaabe in ay ku saamaxdo

  2. Hhhhhhhhhhh waaw aniga kula mayaabayo sxb aniga makii hore sidaada oo kale ayaan ahaa lkn sxka ayaa ku qaldey runtii aniga hada africa ayaan jogaa america hada dhoor ciyaanne ku tagika raa sxb qayaano intaasi dhan laguma sameyo qof bili aadam ah runta ayaa fiican maxaad walba iskaga tahriibi weysey

Comments are closed.