dagaalkii ka dhacay duleedka jowhar siyaasad shabaab dulmi qayaxan

969526_191071727715322_1749376641_nDagaaladii ka dhacay duleedka jowhar waxeey galaafsadeen duunyo dad kor u dhaafaya 50 qof, dagaalada oo u dhaxeeyay beelo wada dega duleedka magaalada jowhar ee gobalka shabeellada dhexe ayaa noqday kii ugu xumaa ee abid soo mara gobalka.
Dad baa dilay la goowracay ‘ maal iyo magaalooyin ayaa lagubay caruur ayaa barakacday iyo haween. Dagaalka oo salka ku haayo dhul ayaa qeeyb ka ahaa mid siyaasadeeysnaa dagaalka waxaa ka qeeyb qaatay dad si dadban ugu jiray dagaalka beesha walamooy ee shiidle waxeey garab xoogan ka heshay kooxo shabaab ah oo nasab ahaan ay wada dhashteen oo ahaa jareer ka timid qallaafe iyo kismaayo inta u dhaxeysa.
Beesha maxamed muuse oo taageera ka heshay qurba joog u dhashtay ayaa noqotay quwad soo taagan. Beesha walamooy waxeey sheegtay in dhul xoogan uga qaateen beesha abgaal waxeeyna arinkaasi u soo jeedisay kuwa qolyo shabaab jareer ahaa kuwaaso dagaalka si weeyn uga qeeyb qaatay ‘
Maxamed muuse oo dhoowr mar horay looga dilay dad ayaa la’aa qaab uu u maro dagaalkana ugana aar goosto beesha walamooy’ taasoo keentay in la haalufiyo wixii hanti ay lahaayeen beesha walamooy.
Cali dhaare af hayeenka shabaab ayaa asna hadlay ayadoo ay jirto tuhun hoose oo lagu doonayo in lagu ceebeeyo madaxweeyne xasan shiikh maxamuud oo heyb ahaan ka so jeeda beesha abgaal oo ay wada dhashteen qolyaha maxamed muuse ee dagaalka ku jira’
Cali dheere oo oo xaalada la socday kana qeeyb qaateen dagaalka ayaa eedeeyay doowlada soomaaliya . Shabaabka oo raadinaya taageero ayaa la saftay jareer weeynta degta gobalka shabeelada dhexe ayagoo doonayana in ay ku eedeyaan beesha abgaal in ay gumaadeyso jareerta tagta gobalka oo aad looga tira badan yahay shabaabka ayaa ku shaqeeysta soomaalida kuwooda loogu yeero soomaalida taagta daran ee ka liita xagga diinta iyo darajada intaba
Waxaa hubaal ah in laga gardarna beeshajareer weeyna hadaba beesha jareer weeyne waxeey lugta la gashay dagaal aysan dulqaad keeda awoodin waxeeyna noqotay ma liibaane lagu liibaano ‘ abgaal si cad ayuu ula hishiisay beesha jareer weyne waxaana tira sedax mar balanti ka baxay beesha jareer weyne