dagaaladii ka socday duleedka magaalada jowhar oo istaagay iyo tuulooyin lagu bay

Ilaa Saddex Tuulo ayaa lagu gubay
dagaalo mar kale maanta ka dhacay
duleedka bari ee magaalada Jowhar,
kaasoo sababay qasaare dhimasho,
dhaawac iyo barakac.
Dagaalada oo u dhaxeeya labo beelood
oo wada dega Jowhar iyo deegaanada ku
dhow dhow ayaa salka ku haya muran
dhul beereed iyo aanooyin horay u kala
tirsanayeen labada beelood.
Wararka aan caawa ka heleyno
deegaanda dhinaca bari ee Jowhar ayaa
sheegaya in xaalada ay degan tahay, isla
markaana dagaalada ay istaageen
galabta casir liiqii, iyadoo roobab ay ka
da’een deegaanada lagu dagaalamay.
Tuulooyinka kala ah Geeda-Barkaan,
Buulo Tiyeeg iyo Timire ayaa lagu gubay
dagaalka, inkastoo labada tuulo ee kala
ah Buulo Tiyeeg iyo Timire ay baaba’een.
Sidoo kale Tuulada Geeda-Barkaan ayaa
iyana waxaa lagu soo waramayaa in
bililaqo iyo boob uu ka dhacay, isla
markaana qeyb ka mid ah la gubay.
Goob joogayaal ku sugan Xaafada Buulo
Sheekh ee magaalada Jowhar ayaa
sheegay inay arkayeen qiic iyo uuro ka
baxayay deegaanada la gubay oo
waqooyi