war deg deg ah qarax ka dhacay mall Westgate

Qarax weyn ayaa goor dhow laga maqlay dhismaha Westgate, gaar ahaan dabaqa afaraad ee ay saarnaayeen dableyda hubeysa, iyadoo Telefishinada ay soo bandhigayaan qiic ka baxaya dhismaha korkiisa.

Howl galka ka socday tan iyo saaka dhismaha Westgate ayaa adkeyd in wax badan laga ogaado, iyadoo mar kasta la maqlayay rasaas iyo qaraxyo u muuqday inay ahaayeen bam gacmeed.

Dableyda ku sugneyd dhismaha ayaa la sheegay in tiro dad ah ay afduub ahaan u heysteen, iyadoo ciidamada ammaanka Kenya iyo kuwa sirdoonka reer galbeedka ay ku siqayeen dhismaha ay saarnaayeen oo ahaa dabaqa afaraad.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga waxa ka socda dhismaha Westgate, iyadoo la soo bandhigayo qiica ka baxaya, ciidamada ammaanka ayaa ku hareereysan xarunta, waxaana xaalad deg deg ah ka jiray dhismahaas tan iyo sabtidii.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

[url=http://imgflip.com/i/541][img]http://i.imgflip.com/541.gif[/img][/url]