Obabiyi Aishah Ajibola oo u dhalatay dalka Nigeria ayaa ku guuleysatay tartankii quruxda gabdhaha muslimka ah

Obabiyi Aishah Ajibola oo u dhalatay
dalka Nigeria ayaa ku guuleysatay
tartankii quruxda gabdhaha muslimka ah
ee sannadkan oo lagu qabtay magaalada
Jakarta ee dalka Indonesia.
Obabiyi oo ku guuleysatay quruxda
muslimka
Markii lagu dhawaaqay gababadii iyo
go’aankii tartanka ee ay maqashay
magaceedii, Obabiyi waxay la gariirtay
farxad iyo naxdin labadaba, waxayna
bilawday inay ilmayso, isla markaasina
akhrido aayado Quraan ah.
“Weligey kuma riyoon in aan helayo
tartankan”; ayay tidhi Obabiyi, “waxanse
u imid oo aan uga qayb galay in aan wax
ka barto farshaxanka islaamka, iyo in aan
dunida tuso quruxda qofka muslimka
ah”.
Tartankani waxa aakhirkii isku soo
hadhay ilaa 20 gabdhood oo ahaa xulkii
ugu danbeeyey, lagana soo dhex xulay
ilaa 500 oo danaynayey, waxana la
eegayey dhaqanka diinta islaamka ee
xagga quruxda, naxariista, kartida, iyo
kaalinta haweeneyda muslimka ah.
Dalalka ay ka kala yimaddeen waxa ka
mid aha Bangladesh, Iran, Malaysia,
Nigeria iyo Brunei
Obabiyi oo da’deeda ay tahay 21 jir ah
waxay ku dhalatay magaalada Lagos ee
dalka Nigeria, waxayna jaamicadda
magaaladaas ku barataa culuunta
qorshaynta magaalooyinka iyo
qorshayaasha horumarinta gobollada.
Tartankan waxa soo abaabushay
haweeney la yidhaa Eka Ashanti oo hore
looga eryey shaqo ay ka haysay
telifishan, sababta oo ah inay diidey inay
madaxa bannayso oo ay ka bixiso
xijaabka ay xidhato marka ay warka ka
jeedinayso telefishanka.
Indonesia waa dalka muslimka ugu
badani uu ku dhaqan yahay adduunka.
Tartanka quruxda adduunka oo isna lagu
qabanayo isla dalka Indonesia bishan 28-
da, waxa haatan loo wareejiyey
magaalada Bali oo dadka Hinduugu u
badan yahay ka dib markii cabashooyin
iyo mucaaradad weyni ay kaga timid
dadweynaha muslimiinta ah ee ku
dhaqan magaalo-madaxda Jakarta oo
iyagu ka soo horjeeda dhaqanka noocan
ah guud ahaan.
Isha: BBC