doowlada oo wada hadal kujirta ximan iyo xeeb

CadaadoKadib markii lasoo afjaray murankii Jubba, dowladda waxa ay haatan dareenkeeda ku wajahday maamulada kale ee dalka ka jira, waxaana haatan soo baxaya warar ka hadlaya wadahadalo u dhaxeeya dowladda iyo Ximan iyo Xeeb.

Waa maamul yar oo ka taliya deegaano ka tirsan Galgaduud, kaasi oo nabad iyo dhaqdhaqaaq horumar kusoo dabaalay deegaankaasi, islamarkaasina qabtay doorashooyin iyo nidaam yar oo maamuleed.

Dowladda ayaa dhawaan Galgaduud u magacoowdey guddoomiye, iyada oo soo xero galisey maamulka Ahlu Sunnah Waljamaaca ee ugu xoogga badan deegaanadaasi.

Ximan iyo Xeeb iyo Galmadug ayaa iyaguna ka taliya qeybo ka mid ah goboladaasi, walina ma jiro isfaham rasmi ah.

KismaayoNews.com