a’iisul Wasaare Saacid “Natiijada ka soo baxday Shirkii Brussels waa talaabo horay loogu qaaday dib-u-dhiska Soomaaliya”

images
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si weyn u soo dhoweeyey shirka taariikhiga ahaa ee Hiigsiga Cusub (New Deal) oo shalay lagu soo gaba-gabeeyey magaalda Brussels ee dalka Belgium.

Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in shirkan uu ahaa mid tallaabo dhinaca dib u dhiska loogu qaaday, isla markaana dowladda Soomaaliya la tagtay barnaamij cad oo uu tilmaamay in la tashigiisa laga qeyb geliyay qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Shirkii lagu soo gaba-gabeeyay Brussels waa talaabo horay loogu qaaday dib-u-dhiska dalka, waana qorshe Soomaaliyeed, waxaa dadaal loo galay bilihii ugu danbeeyey in laga qayb galiyo barnaamijkan la-tashigiisa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa kale oo farxad noo ah in caalamku garwaaqsaday in dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay maaraynta dhaqaalaha loogu deeqay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay habka casriga ee dowladda u dejisay deeqdii ka timid dowladda Norway tusaale loogu soo qaadan karo sida loo qoondeeyay in loogu bixiyo mushaarka shaqaalaha rayidka ah

“Waxaa tusaale loogu soo qaadan karo habkii casriga ahaa ee dowladdu u dajisay deeqdii ka timid dalka Norway ee loo qoondeeyey in lagu bixiyo mushaaradka shaqaalaha rayidka ah”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in sadexda sano ee soo socota qorshaha dowaldda u yaala aysan ku filnayn yabooha hada la sameeyay, balse ay ka filayaan caalamka gacan taas ka weyn.

Hiigsiga cusub wuxuu ahmiyad siinayaa in dhaqaalaha loogu yaboohay Soomaaliya lagu hormarinayo dhamaan gobolada dalka, iyadoo wax looga qabanayo dib-u-dhiska wadooyinka, horumarinta beeraha iyo xoolaha, arrimaha waxbrashada, iyo caafimaadka.

“Aad ayaan ugu farax sanahay dadaalda kala duwan ee dowladu ugu jirto sidii looga fa’idaysan lahaa qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya, kaas oo ahmiyad gaar ah siinaya xasilinta dalka, habaynta garsoorka, sare u qaadida maamulka iyo maareynta lacagaha iyo dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid.

Shirka (New Deal) ayaa muhiimad gaar ah u lahaa dalka Soomaaliya, waxaana ka soo qayb galay wakiilo ka kala socda in ka badan kontan wadan, waxaana shirkaas looga yaboohay deeq gaaraysa 1.8 bilyan Euro, oo u dhiganta 2.4 bilyan doolar, waxaa sidoo kale si buuxda loola qaatay dowladda Soomaaliya barnaamijkii ay la tagtay shirka oo ay ku cadaayeen waxyaalaha ay mudnaanta siinayso saddexda sano ee soo socota.