SIDEE LAGU HELAA GABDHAHA JANNADA? SIDEE LOOGA MID NOQDAA? W/Q: Sh.Mohamed Idiris.

Waxaa Ilaahay noo sifeeyey Dumarka Jannada si ragga loogu xiisa geliyo nicmada Janada ka Jirta, Dumarkana Loogu Xiisa geliyo iney kuwaas ka mid noqdaan, Qur’aanka iyo Xadiiska waxaa ku jira Astaamaha Dumarka Jannada ee Xuural Ceynta lagu magacaabo:

1) Waa sida Luulka Cad iy Dhaymanka Saafida ah Dhalaalkiisa.
2) Waa sida Ukunta Dhawrsoon ee aan Saxarna Taaban
3) Waa Gabdho Nimankooda Caashaq ku ah oo is leeg dhamaantood
4) waa kuwo daahir ka ah wax kasta oo xun kor iyo hoos, dhiig, kaadi, saxaro, xaako, masayr, xanaaq & caro iwm
5) Waa kuwo indha waaweyn oo kuulan leh, Tima madow oo hadey Qorraxda arkaan iftiinkeeda habeen ka dhiga
6) Waa kuwo guryohooda ku kooban oo aan meelaha war wareegin
7) Waa kuwo Raggooda mooyaane aan weligood nin kale eegin
Waa kuwo dhuuxooda aad lafta ka aragto
9) Waa kuwo mar walba bakaara ah oo Naas taagan weligoodna da’ yar..
10) Waa kuwo caraf iyo udgoon badan
11) Waa kuwo aan Hawloon, oo shaqa kale qaban aan ka ahayn raaxada nimankooda
12) Waa kuwo wanaag badan, Qurux badan, Hadal macaan, nicmo iyo raaxo laga sameeyey..

Hadaba Ninkii doonaya inuu guursado: Rabbiga abuuray ha adeeco…Raali gelintiisa ha u tartamo, Caradiisana haka diktoonaado..
Gabadha Dooneysa iney ka mid noqoto: Adduunka intey Joogto, Jirkeeda waxaan ninkeeda ahayn haka qariso, Shanteedana ha tukato, bisheedana ha soonto, Nafteedana ha ilaaliso..oo Rabbigeed ha adeecdo..

Nin Kastoo Muslimow Gabdhahaas Allaha kuu guuriyo, Laakiin U Shaqayso, oo meherkeeda diyaari..
Gabar kastoo Muslimadaay Xuuralciinta Allaha kaa dhigo, Laakiin u shaqayso, oo booskaaga hadda gado..

W/Q: Sheikh Mohamed Idiris Ahmed