mareeykanka duulaanka siiriya

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama
ayaa sheegay in uusan go’aankii ugu
dambeeyay ka gaarin, jawaabta uu
mareykanka ka bixinayo weerar la
aaminsanyahay in hubka Kiimikada loo
adeegsaday oo ka dhacay dalka Syria 21kii
bishan, laakiin waxa uu leeyahay waxa uu ka
fiirsanayaa talaab military oo xadiddan oo uu
Mareykanku qaado.
Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay
Jimcihii shalay, wax yar ka dib markii
xoghayaha arimaha dibadda ee Mareykanka
John Kerry uu isna sheegay in bahda
sirdoonka Mareykanka ay kalsoonu ku qabaan
wararka la xiriira in Dowladda Syria ay
fulisay weerarka dhacay todobaadkii la soo
dhaafay.
Kerry waxa uu leeyahay daliisha ay
muujineyso in in ka badan 1,400 oo dad reer
Syria ah lagu dilay weerarka oo ka dhacay
meel ku dhow caasimadda dalkaasi ee
Dimishiq, kuwaa oo ay ku jireen ugu yaraan
426 caruur ah.
Xoghayaha difaaca ee Mareykanka Chuck
Hagel ayaa sheegay in Mareykanku uu sii
wadi doono inuu baadi doono isbaheysi
caalami ah oo uu u helo jawaab military oo
laga bixiyo hubka kiimikada ee la
tuhunsanyahay in la adeegsaday Syria,
inkastoo arintaasi ay ka soo horjeesteen
mudanayaasha Baarlamanka Britain.
Mr. Hagel ayaa wariyeyaasha kula hadlayay
magaalada Manila ee xarunta dalka Philipines
Jimcihii shalay, ka dib markii Aqalka hoose ee
baarlamanka Britian uu diiday qorshe la soo
hor dhigay oo looga dalbanayay in Britain ay
kaalin ka qaadato duulaanka military ee ka
dhanka ah Syria.
Diidmada Baarlamanka Britain ayaa dib u
dhac ku ah Ra’isul Wasaare David Cameron,
oo u sheegay mudanayaasha in jawaab
military ay jawaab u tahay dambiyo dagaal,
ee aysan ka dhigneyn in lagu afgambinayo
Dowladda Syria.
VOA

WAR / CAALAMKA
S