FAA IIDOOYIINKA GUURKA UU INOO LEEYAHAY

Guurku waa xidhiidhka ka dhexeeya
lamaanaha nolosha wadaaga, waa
aasaaska ama yagleelka qoyska, kaas oo
ay ka unkanto nolosha qoysnimo. Guurku
waa xadhiga isku haya bulshada, waana
kan isirku ka beermo ee nolosha
aayatiinka leh laga dheefo. Waxaana ku
duugan faa’idooyin badan oo dhaxal gal
ah.
Haddaba akhriste waxan jecelahay in
aan halkan hoose ku soo gudbiyo shan
faaido oo guurku leeyahay, kuwaas oo ah
sidatan:
1. Ubad kaa hadha
Faa’iidooyinka guurka ta ugu horreysaa
waa sidii lagu heli halaa ubad, si aanay
tafiirta dadku u dabar go’in. Ubad
dhalistu waa inay yeelataa afar
ulajeeddo oo kala ah:
– inaad ku doontid raallinimada Alle,
maadaama aad gacan ka geysanaysid
siday tafiirta dadku kusii socon lahayd.
– in aad ku doontid raallinimada Rasuulka
(Sallallaahu calayhi wasallam) kol
haddaad ku kaalmeyneysid siduu
ummadaha kale tirada ummaddiisa ugu
faani lahaa badni awgeed.
– in Eebbe ku siiyo ubad khayr qaba oo
kuu soo duceeya kolka aad dhimatid.
– in aad ku doontid shafeeco kolka ilmo
yari kuu saqiiro.
2. Dhufays aad ka gashid shaydaanka
Guurku waxa uu kaa awdaa meeluhuu
shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday
wuxuu xaaraan ku raadi ku lahaa
gurigaga kuu yaallaan iyagoo xalaal ah.
Qofku hadaanu Alle ka cabsi iyo iimaan
ku lahayn, rabitaankiisa jinsi ayaa hor
kaca, haddii markaasi aanu helin guur
xalaal ah, siduu dembiga isaga ilaaliyaa
way adag tahay.
3. Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu
qabowda
Shaqo tay naftu u jeceshahay haddaan
loo helin waqti nasasho, waa lagu
daalayaa dabeetana la’iska deynayaa.
Haddaba maxaad ka odhan lahayd
hadday shaqadaasi tahay taqwada Alle
oo ay iyada iyo naftuba isdiidayaan!.
Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay
cibaadada Alle iyo camalka adduunyo,
waxaa habboon inuu dhexgashado waqti
uu xaaskiisa kula baashaalo, si qalbigu
ugu dego, laabtu ugu qabowdo
firfircoonaanna uga qaado.
4. Hawshii guriga oo hoggaankeedii kaa
wareego
Ninka oo ka xorooba maamulka guriga
sida hagaajintiisa, xaaqistiisa, goglistiisa,
cunto karinta iyo diyaarinta, alaab
dhaqista, suuq kasoo adeegga, iwm.
Waxaana haboon in uu ninku ka caawiyo
afadiisa shaqooyinkaas. Guurku waxa uu
ku siiyaa waqti dheeraad ah oo uu ku
shaqaysto, wax ku barto, Allena ku
caabudo.
Rasuulkeenna suubban scw waxa uu
xadiis uu soo saaray Tirmidi ku leeyahay,
“Midkiin ha yeesho qalbi Alle ku mahadin
og, carrab Alle xusid badan iyo
haweeney mu’minad suubban oo
Aakhiradiisa ku kaalmeysa” Haddaba
dumarka looma guursado oo qura in
adduunyada la iskula raaxaysto,
carruurna laga daadiyo, balse hadafka
ugu muhiimsani waxa weeye inay kuu
abuuraan waqti iyo jawi aad Alle ku
caabuddid.
5. Nafta ood kula dagaallantid daryeelka
qoyska
Nafta ood ku jara-bartid qaadista
mas’uuliyadda reerka, daryeelkiisa,
gudashada waajibka kaa saaran
xaaskaaga, dabeecaddeeda oo aad ugu
samirtid, dhib wixii kaaga yimaada oo
aad u dulqaadatid, hanuuninteeda oo
aad u hawlgashid, dadaal aad u gashid
sidaad meher iyo masruuf xalaal ah ugu
keeni lahayd, carruurta oo aad ku
tarbiyeysid waddada toosan. Waxaas oo
dhami waxay kamid yihiin faa’iidooyinka
guurka, iyada oo weliba ajar iyo
xasanaad Alle kaa siinayo.
Nabigeennu scw waxa uu xadiis ku
leeyahay, “War hooy gebigiin waxaad
tihiin raacato, raacato walibana waxay
mas’uul ka tihiin wixii la idin raaciyey”.
Waxaa la sheegay in raggii hore ee
suusuubbanaa mid kamid ahi uu niman
walaalihii ah oo ay jihaad ku wada jireen
weydiiyey,” Ma garanaysaan shaqada
aynu hadda hayno mid inooga ajar
badan?”
Markaas bay yiraahdeen, “Ma
garanayno”.
Markaasuu yidhi, “Anaa garanaya”
Markay weydiiyeenna waxa uu ugu
jawaabay, “Nin sabool ah oo ciyaal leh,
haseyeeshee aan cidna wax weydiisan,
oo intuu habeen badhkii toosay oo
reerka indha indheeyey arkay
carruurtiisii oo hurudda go’ii ka dhacay,
dabeetana ka huwiyay dhaxantii go’ii uu
keligii dhar ka lahaa, kaas baa naga
camal wanaagsan”.
Markaa waxa aan walaalaha akhrisanaya
odhanaya bal isku day in aad adna ka
faaidaysato fa’idooyinka guurka, aadna
daka kale uga sii faa’idayso ujeedoyinka
iyo waxa laga helayo marka lays
guursado. Faa’iidooyinkaas oo badan oo
aan dadku manta ku baraarugsanayn,
ayna maqleen uun waa lay is guursadaa.
Ugu danbayn, akhriste waxaan kugu
baraarujinayaa bal in aad ka fiirsataan
marka aad doonaysan inad guursataan
iyo ujeedooyinka aad u guursanaysaan,
waxa aanan ku leeyahay guri markaad
dhisaysid marka hore waxaa laga soo
bilaabaa aasaaska, markaa bal
guurkaaga dib ugu yar noqo oo sal uga
dhig wax Ilaahay iyo rasuulkiisu scw ay
ogolyihiin.
Warwad shaqo qaabka uun lagama
sameenin ee, waxaan balan qaadeeno
Maqaalo wax tarkoodu sareeyo aan is
dhin karo Shacabka muhiimad wayn ayoo
u leeyaha