kufsiga qarisaa ka daran

Waxayna isugu soo aruurayaan; haweeneey aan raalli ahayn ama ku qanacsaneyn in loo GALMOODO!

Dhaqan xumada Soomaaliya ka taagan, waa mid muddaba soo jiitamaysay, DIL, DHAC, BOOB, BILILIQO iyo XADGUDUB nooc walba leh ayaa ka jira, Soomaaliyana waxay calanka u siddaa xumaanta oo ay kaalinta koowaad kaga jirtaa, ilaa haddana dal ku haysta HORYAALKA XUMAANTA ma jiro.

Waayihii hore KUFSIGU waxuu ahaa, fal danbiyeed Soomaalidu iska gasho kan ugu xun, kuna jiray kuwooda ugu waaweyn, waxaana dhiciba jirtay iska daa kufsiye in gabar si xun loo eegay ama laga oysiiyey inay ka aloosmi jireen colaado daba dheeraada iyo dagaallo ay ku go’aan dad badan.

Rag fara xumo ma daaye, lacalla haddii ay dhacdo in gabar lagu xadgudbo, waxay lahayd habdhaqan iyo maamuus loo soo maro, xeer iyo xukun dadka u yaal, dhanka kale, hadday haasaawe iyo habeen dhadaysi tahayna la mid, balse, sidii Soomaalidu magaalo u soo degtay, wax badan ayaa hannaan nololeedkoodii isdaba maray, gaar ahaan wuxuu qaloocii ugu xumaa galay burburkii ka dib, ee hubkii iyo awooddiiba gacanta u gashay dad aan garaad iyo garasho lahayn.

Bishii koowaad [jennaayo] ee sanadkan 2013 ilaa bishii Lixaad ee juunyo waxaa Soomaaliya lagu kufsaday in ka badan 800 [siddeed boqol] oo haween ah, sidaa waxaa lagu sheegay war bixin tirakoob ah oo ay soo saartay Q M.

Sanadkii hore tirada dumarka Caasimadda kaliya lagu kufsaday waxa ay gaarayeen 1700 oo dumar ah. Waxaa walwalka sii kordhinaya waa in seddex meelood meel ka mid ah dadka la kufsaday ay yihiin carruur sida ay sheegtey hey’adda UNICEF ee carruurta u qaabilsan Q M.

Siddeeddii bishaan ayay ahayd markii Askar ku sheegga dawladda ay hooyo Soomaaliyeed, oo wali ilma nuujinaysa ay ka afduubteen agagaarka Isbitaalka SOS, iyagoo ku siray in dambi loo haysto oo ay gaynayaan SALDHIGGA BOOLISKA, balse, u kexeeyey xarun ay deggan yihiin CIIDAMADA AMISOM ayna ku kufsadeen, laba maalin ka dibna iyadoon dhaqaaqi karin meeshii ay ka qaaden ku soo tuureen!

Markii ay dhacdadaa foosha xun ka soo wareegtay in ka badan toddobo cisho, oo aan dawlad ku sheegga wax hadal ah ka dhihin ayaa kal fadhigoodii ma dhalayska iyo ma dhammaada aha ee lagu magacaabo mar walba “KAL FADHI AAN CAADI AHAYN!” loo saaray guddi soo baara. Weydiinta yaa ah, xay soo baarayaan? Ma in gabadha la kufsaday iyo in kale? Mise waxay soo baarayaan inay dambiilayaashii soo qabtaan? Hadday tan hore tahay, taa dhaqtarkii baaray ayaa noo caddeeyey, oo baaritaankooda looma baahna, haddayse tan dambe tahay, waxay ahayd inay sheekada dhan kale u dhigaan, oo ugu yaraan: INAY SOO QABANAYAAN EEDAYSANAYAASHA.

“kal fadhi aan caadi ahayn!” Waxay guddiga horjooge uga dhigeen Marwo Maryan Qaasim, oo Wasaaradaha ay hayso ay ku jiraan midda Adeegga Bulshada, weydiinta ayaa ah; Guddiyadii hore loo magacaabay xuu uga duwanaan doonaa kani? Illeen waxaa jira waxaa jiro guddi u u xilsaaran arrimaha kufsiga, oo hadda ka hor la magacaabay, guddigii hore oo aan weli war iyo wacaal midna laga hayn ayaa mid kale laga daba magacaabay, [dawladda] laba waa fududdahay, balse, inta kale ee nolosha ku xeeran waa ku adagtay; 1-inay guddi magacaabaan. 2-Inay warqad saxiixaan!

Dhanka kale, guddigii hore xaa ka qaldamay oo mid cusub loo magacaabay? Tan kaba sii muhimsan ayaa ah kufsi miyaa kufsi ka duwan? Ama kufsi miyaan kufsi ahayn?.

Taa ku darsoo, dhowr bilood ka hor ayey ahayd markii malleeshiyo ka tirsan dowladda ee ku sugnaa waddada u dhaxaysa Afgooye iyo Lambar Konton ay istaajiyeen gaari rakaab ah, ayna dadkii u kala saareen rag iyo dumar, dumarkii loo gartay in la kufsado ayaa waxaa ka mid ahayd gabar markaa xiligii Xaydka [Caadada] ku jirtay iyo kuwo Umula ah, iyagana Canjarafeyn iyo jukayn ayaa nafta looga qaadey, oo kuma baxsan inay laba xilli lama taabtaan ah ku jiraan. Caarku Idiin ma kaco idin Alle, inta aad dirqinaysaan dumar aan idin rabin, Aamiin iga daba dhaha, markan oo kale Ruuxaaniyaadka in la hoos galo ma ahane, itaal kale lama hayee.

Intaasoo foolxumo ah iyo ka badan ayaa la sameeyay, haddana, wixii guddiyo la magacaabay ama loo xilsaaray inay war ka keenaan natiijada baaritaankoodii, -waaba haddii ay sameeyeene- wuxuu dhaafi waayey: “GABADHA LAMA KUFSANNIN!” Waa yaabee dumarku ma iyagaa is kufsaday? Ma qof aan la kufsan ayaa waa la i kufsaday la soo taagnaa kara, oo waliba in baaritaan lagu sameeyo diyaar ah? Allaw adaa faxan.

Waxaan marna shaki ku jirin in guddiyadan la iska daba magacaabay ee wax matarayaasha ah aysan wax soo kordhin doonin, soona wadin natiijo lagu diirsado ama shaafisa dadka. Haddii aysan sidii kuwii hore la soo qoomaarsan: “GABADHA LAMA KUFSANIN!”.

Kufsiga ka aamuskaa ka daran!

Run ahaan arrintan soo laalaabadkeeda iyo xanuunka ku lammaansan waxaa iiga sii daran sida dadkeennu uga sii jeedo ama uga war la’ yahay. Waa maroo foolxumada dhacday iyo maqal xumadeeda oo aad la jiriricoonayso oogaduna ku dibaaxinayso.

Waa marka labaade, xumaanta intaa la eg, oo bulshada dhexdeeda ka noqon karta dhaqan ama wax iska caadi ah, oo aan ahayn in lala yaabo, taa oo meesha ka saaraya yaxyax iyo sarriig oo dhan.

Marka saddaxaad, waxay sii kobcinaysaa tan aan u baxshay DHIMAALKA DHAQANKA sanadihii colaaddy Soomaaliya dul degtay, ee aadan marna arkayn oday la ixtiraamayo ama la cisaynayo, ee inta la afjigo loogu daro bahdil iyo magac xumo, sidoo kale, aysan marna ishaadu qabanayn dhallaan ama ilmo loo dhimrinayo damqasho iyo dareen naxariiseedna la galinayo, oo inta dabada haarati laga galsho lagu leeyahay waryaa bax!

Marka afraad waa qabweynidii guud ee Soomaalida oo daaqadda ka sii baxaysa, si gaar ah dumarkii lagu yiqiinnay isla weynida iyo afgaabnimada, illeen DAYUUS walba ayaa hadda damaacinayee.

Midda shanaad waa inay bulshada ku bataan Ilmaha aan lahayn waalidka Aabbe [GARAC], illeen inta badan haddii gabadhu uur qaaddo ee ay dhashay canug aan Aabbe, [ISIR IYO EHEL LAHAYN] waa dhib inteeda la ege, taa oo qayb weyn ka noqon karta kala burbur ku dhici kara QAAB DHISMEEDKA BULSHADA.

Ka aamuska warbaahinta

Soomaalida, waxaaba iiga sii daran inay nagu wareersheen waxa ka dhacaya dalka Masar, gaar ahaan intooda ARAGTIDA IKHWAANKA aaminsan ama ARAGTI DIIMEEDKA ma DHALAYSKA ah [DHACDAY] la hullaaban.

Malaha waxa ay uga gaabsadeen ayaa ah in gabadhii ay ciidamada dowladda kufsadeen oo la oran jirey Luul Cali, wariyihii arrintaa dabagalkeeda lahaa ee C/casiis Koronto xabsiga loo taxaabay, Maxkamadna ku xukuntay dhawr bilood oo xarig ah, oo ka dhigan ama afkaaga hayso ama xabsi iyo xarig suge ayaad tahay, ayna kuu dheer tahay GARSOORKA ILKA XANAF.

Waa yaabe, inta ay arrimo kale nagu mashquulin lahayeen, maa teenna nooga sheekaysid, illeen xanuun waa uun xanuune? Mise had iyo jeer waxaa xanuun badan kuwa Carabta ku dhacaya? Waa sida in badan ay aamisan yihiine.

Qof ka faalloonaya arki maysid, mid aragti ku soo bandhigaya arki maysid, mid dood ka soo jeedinaya arki maysid, mid qodob ama qoraal ku sheegaya arki mayside, mid qaanuun ama xeer ka soo jeedinaya arki maysid, ar anagaa yaab aragnay.

Waxaan ku midaysan nahay waa inaan arrimaha cidyoowga kale ka sheekaynno, balse, aannaan marna isla soo qaadin teenna, illeen markaa ayaa beelo, baho iyo barrimo loo kala baxayaaye, kaba darane, hadda waxaaba ku soo darsoomay beel kale oo la yiraa: URUR DIIMEED!

See Kufisga wax looga qaban karaa?

Kufsiga caalamka maanta ka jira waa jaad ka mid ah cudurrada dhimirka iyo maskaxda ku dhaca, cudurkaa oo u baahan in si mug leh loola tacaalo, iyadoo xoogga la saraayo in:

1- In la adkeeyo ammaanka xeryaha qaxootiga, maadaama ay tahay goobaha ugu badan ee dhacdooyinkani ku soo laalabateen.

2- In la xoojiyo ammaanka goobaha dumarku ku badan yihiin.

3- In la helo dowlad awood u leh ilaalinta maskaxda dadka, ha ahaato dumar ama rag, illeen waxaan sheegay in kufsigu cudur yehee.

4- In la helo xarumo wacyi galineed oo ku wajahan arrintan.

5- In la helo sharciyo iyo ciqaab u qalanta dadka falalkaa gaysanaya.

Midda aan wali dadku ku baraarugsanayn baa ah, in dhibka kufsiga xooggiisu ka yihid arrimahan:

1- Ammaan xumo; oo goob walba oo goobta ay ka ammaan roon tahay waa ka kufsi yar tahay.

2- Daroogada: leh Qaad, Calaq, Khamri IWM, oo qofka marka ay maankiisa gaarto uusan xakamayn karin naftiisa xumaanna ka dhawrsan.

3- Aragtida Wadaada dambe Gabadhaha ka qaban, oo ka dhigaya BADEECO, xasuusoo dumarkeennii hore Garbsaar, iyo Garraar waxba uma wehlin jirin, haddana, qofna ma damaacin jirin, [qofna si qaab daran uma damci jirin] iska daa inuu qabsadee ama qasbadee, maantana iyagoo ku helin dhar culculus [Xijaab] aan u baxshay: MUDULKA MEERA ayeysan baxsan.

Taa waxay keenaysa inaan is weydiinno: aragtida laga qabo dumarka jirkiisa iyo xiriirka xumaanta soo badanaysa ka dhaxaysa intee la egtahay? Ha igu degdegin, oo waxa aan ka hadlaa waa xumaan sidii looga hartagi lahaa, ee ha dhihin adaaba xumaan u yeeraya.

Sidan waxaan u leeyahay waxa qofka celshaa waa:

1- Qanuun. 2- Dhaqan. 3- Diin.

Sida muuqata, labada hore meesha waa ka bexeen, kan dambana culays aan hore u jirin ayuu soo kordhiyey, illeen sidii wiilashii iyo gabdhihii loo kala qoqobayey ayaa dumarkii wax kale raggii u noqdeen, dumarkiina raggii wax kale la noqdeen, bal adba.

Bashiir M. Xersi – brdiraac@hotmail.com
http://www.bilediraac.wordpress.com