cilmaaniyiintu iyo dhibaatada ay leeyhiin — BIXI HAL DOOLAR HA DILO QOF CARABEEDE

Waxa soo dhex galay umadda islaamka
ah baryahan danbe xanuun badan oo
wax halaaga, waxna baabiiya.
Xannuunadaasi oo ay ka dambeeyaan
dawladaha cadawga u ah diinta
islaamka, dawladahaasi oo duulimaad ku
ah dadka Muslimiinta ah, diin ahaan iyo
dhaqan ahaanba.
Weeraradoodan waxa ay u suurto
galiyeen in ay ka dhex rabaystaan dadka
muslimiinta ah jiilal badan oo ay rabaan
in ay ka caawiyaan duminta ama
baabiiinta Islaamka iyo kala googaynta
umadda Muslimiinta ah.
Dad badan oo muslimiin ah ayaa ay
dagtay horumarka reer galbeedka ay ka
gaadheen dhinacyo badan oo bani
aadamku u baahan yahay, una hanqal
taagaya sidii ay uga mid noqon
lahaayeen iyaga oo aan haysan saad ku
filan oo ka mid ah saqaafada Islaamka,
dabadeed waxa ay naftoodi iyo
caqligoodiba u hogaansatay xadaaradai
reer galbeedka.
Dabadeedna waxa ay noqdeen dadkaasi
dariiq fudud oo ay soo maraan cid kasta
oo islaamka lid ku ahi, taasi oo ay isku
kaashanayaan sidii ay islaamka uga
fogayn lahaayeen saaxada amaba
nolosha dadka islaamka ah.
Baraaruga islaamka ee casriga ahi waxa
uu la kulmay dhibaatooyin xoog leh oo
uu kala kulmay iskaashigaasi ka
dhexeeya dad badan oo cilmaaniyiin ah
iyo dunida reer galbeedka.
Aragtida dadkaasi waxa ay tahay haddii
ay maqlaan ku dhaqanka diinta in ay
tahay dib u dhac iyo in dib loogu
noqonayo casrigii jaahiliga. Dadkaasi
intood badani waxa ay yihiin dad
sheegta diinta islaamka, amaba
badankooda lagu magacaabo mufakiriin
amaba dad aqoon sare leh, laakiin runtu
waxaa ay tahay in ay yihiin Cilmaaniyiin,
taasina waxa ay cadaynaysaa in uu
qofka muslimka ah ee kuwaa ka mid ka
ahi uu si cad uga dhex baaxay ama uga
hor yimid Kitaabka Quraanka kariimka ah
oo uu si toos ahna u qaatay ama ugu
guuray xadaarada reer galbeedka.
Waxa aynu si wanaagsan uga wada
dheregsan nahay dadka reer galbeedku
in aanay ka guurin xadaaradoodii hore si
kasta oo ay u hore mareen. Tusaale
ahaan dalka loo yaqaan Irlaan waa dal
jaar la ah dawlada Ingiriiska, dawlada
Ingiriiskuna waxa ay geed gaaban iyo
geed dheer u fuushay sidii ay uga mid
noqon lahayd, hase yeeshee Irlaan waxa
ay ku faro adaygeen dhaqankoodii,
luqadoodii iyo caqiidadoodi isku
daygaasina waxa uu ku danbeeyey
fashilaad. Sidaas oo kale waxa ah
dawladaha Japan, Ruushka, Jarmalka iyo
Ingiriiska oo dhammaantood ilaashada
dhaqankooda iyo wax kasta oo u gooni
ah dalalkooda.
Hadaba su’aashu waxay tahay dalkani
iyagu maxaa ay u noqon waayeen dad
dib u socod ah ama doonaya casirul
jaahiligii ay soo dhaafeen? Waxa iska
cad in ay dadkaasi oo dhami dagaal kula
jiraan diinteena taasi oo ah jiritaanka
kaliya ee uu qofka muslimka ahi
leeyahay.
Manhajka cilmaaniyadu waxa uu yahay
manhaj wasakhaysan oo ka dhigay cid
kasta oo ku lug lehba gaar khiyaameeya
dadkooda, dalkooda iyo diintooda, waxa
ay isku hir galin lahaayeen saqaafada
reer galbeedka, arrintanina waxa ay u
eegtahay in dhaqanka reer galbeedka la
inoo soo dejinayo sida alaabta looga soo
dejiyo oo kale.
Kuma koobna oo kaliya dhacdooyinka
aynu soo sheegnay ee waxa ay u
bixiyaan cid kasta oo islaamkiisa ku adag
in uu yahay qof xag jir ah, magacyadan
oo aan loo bixin cid kale oo ku adag
waxa uu rumaysan yahay, tusaale ahaan
yuhuuda waxa ay samaysaa waxa kasta
oo macquul ah ama aan ahayn may
dhicin in lagu sheego xaq jir taas,
bedelkeeda waxa ah dalkasta oo muslim
ah ama qofkasta oo muslim ah oo u
dagaalamayaa xornimadiisa waxa uu
noqday ama lagu tilmaamaa argagaxiso
xag jir ah iyo IWM.
1950 ayaa ay Yuhuuda degen dalka
Maraykanku isku soo baxeen
fagaarayaasha iyaga oo ku celcelinaya
“Bixi hal doolar, ha dilo qof
carbeede”. Hadana dunida kamay
dhicin in dawlada kali ahi ay ku
tilmaanto, xaqjirnimo iyo
cunsuriyadnimo, dhibaatoyin badan ayaa
ay cilmaaniyadu u leedahay dadka,
waxaana ka mid ah.
Waa maxay Ereyga Cilmaaniyadu?
Kelmeda ah cilmaaniyad waxa si toos ah
looga turjumay ereygga (Secularism)
ereygan oo isna laga soo dheegtay
ereyga laatiiniga ah ee (Saeculem) oo
macnihiisu yahay jiil, qarni ama xilli.
Qaamuuska Oxford-ku waxa uu
kelmedan Cilmaaniyada (Secularism) ku
qeexayaa in ay tahay:
• Arrimo la xidhiidha maslaxada dunida
oo kali ah
• Baaq lagu doonaya in noolaha lagu
maamulo cilmi la dajiyey iyo caqliga
dadka, danaha dadkana laga fogeeyo
arimaha diinta.
Cilmaaniyadu waxa ay dunida reer
galbeedka ka soo shaacbaxday qarnigii
17aad ilaa qarnigii sagaal iyo tobnaadna
waxa ay ku faaftay wadamo badan oo
bariga dhexe ku yaal oo ay ugu
horeeyaan, Masar, Turkiga, Iiraan,
Lubnaan, Suuriya iyo wadamo kale oo
badan.
Aragtida guud ee la isla ogal yahay ee
cilmaaniyada waxa weeyi “In la kala
saaro diinta iyo arrimaha dawlada
nolosha bulshada ay u xidh xidhnaato
caqliga bani’aadamka, xidhiidhka gaarka
ah ee uu qofku rabigiina la leeyahaayna
uu ku koobnaado cibaadada guurka
IWM”. Hase yeeshee diinta islaamku
waxa ay aaminsantahay in qofka
muslimka ah dhammaantiiba uu illaahay
leeyahay sida ku cad aayada 162 ee
suuratul Ancaam.
Aragtiyo faro badan oo kala duwan ayaa
ay aaminsan yihiin dadka aaminsan
cilmaaniyadu. Aan soo qaadano
aragtiyaha qaar ka mid ah dadka aan
rumaysnayn islaamka ee reer galbeedka
ah.
1) Qayb ka mid ahi waxay ay diidan
yihiin jiritaanka illaahay
2) Qaybo kalena Illaahay way rumaysan
yihiin laakiin waxa ay aaminsan yihin in
aanay wax xidhiidh ahi ka dhaxayn
illaahay iyo noolaha.
3) Waxa kale oo ay aamisnan yihiin in la
kala saaro diinta iyo nolosha, noloshana
lagu dhiso caqli cilmi iyo tijaabooyin
4) In lagu dhaqmo mabda loo yaqaan
(Pragmatism) oo ay yidhaahdaaan waa
aragti ku haboon dhamaan qaybaha
nolosha.
Hadaba haddii aynu ogaanay Aragtida
dad badan oo Cilmaaniyihiin reer galbeed
ah aynu imikana jaleecno ama wax ka
sheegno aragtiyaha ay qabaan dad ah
cilmaaniyihiin oo sheeganaya in ay yihiin
dad islaam ah.
a) Ugu horeyn waxa ay eedaymo u soo
jeediyaan xaqiiqada diinta islaamka
b) Iyo in aanu islaamku la jaan qaadi
karayn xadaarada casriga ah sidaa
darteed aanu ka fogaan meelaha loogu
talo galay cibaadada, iyo fikrado kale oo
badan.
Hadaba haddii reer galbeedka aynu u
samayno cudur daar sababta oo ah
waxay rumaysnaynba diinta islaamka,
sidee ayaynu ugu cudur daari karnaa qof
sheeganaya Muslim haddana aamisan
mabda’an.
Dr. Yuusuf Al Qardaawi ayaa yidhi
“Haddii la kala saaro danaha dadka iyo
diinta, diintu waxa ay yeelan doontaa
dad masaajidada fadhiya oo aan dawr ku
yeelan bulshada iyo dawladaba,
sidaasina waa sida Kiristaan, islaamku
umuu soo dejin sidan”.
Cilmaaniyadu markii ay soo dhex
gashaya dawlado badan oo islaam ahi
waxa ay ka leexisay hanaankii
wanaagsanaa ee ay maamulayeen
dadkooda iyo dalkooda. Dawladahaasina
waxa ugu darnaa dawladii
Cusmaaniyiinta ama dalka Turkiga oo ay
Cilmaaniyadu mudooyinkii danbe si ba’an
ay bulshada dhexdeeda ugu fiday,
dhaqdhaqaaqyada cilmaaniyadu waxa ay
ka bilawdeen dalka Turkiga qarnigii
18aad wakhtigaasi oo uu maamulayey
Suldaan Maxamuudkii 2aad waxa uu
sameeyey ciidamo cusub iyo dhamaan
maamulkii oo uu ka dhigay mid cusub,
shaqaalaha iyo ciidamadana waxa uu ku
amray in la xidho dirays iyo in gadhka la
xiiro.
Hase yeeshee isbedeladaasi waxa ay la
kulmeen diidmo xoogleh oo kaga timid
dhinaca bulshada iyaga oo ugu magac
daray Suldaanka “Suldaankii gaalka
ahaa”.
Qarnigii 19aad waxa ka dhacay dalka
isku dayo ay dabada ka wadeen reer
galbeedku, kuwaasi oo ku caan baxay
ururaddii taageerida xooga ah ka helay
dabaqada dhalinyarada aqoonyahanka
ahaa (Musaqafiinta)
Kuwaasi oo ay jiidanaysay saqaafada
faransiisku, ka dib markii ay wax ku soo
barteen dalka Faransiiska. Waxa dalka
Turkiga ka dhacay isbedelo kala duwan,
waxaana xukunka qabtay Mustafe
Kamaal Ataalook, oo ugu horeyn caan ku
ahaa nin aan cadaw u ahayn diinta.
Waxa ay ku yaqaaneen dadka Turkigu in
uu had iyo jeer u dhaqmo hab diini ah,
waxa uu khubad jimce ka jeediyey
magaalad bali-Kasiir markii uu madaxa u
ahaa Golaha wadaniga ahna waxa uu la
taliyayaal ka dhigtay Culimo caan ku
ahayd dariiqa Suufiyada.
Bishii october 1973 ayaa uu si toos ah u
tuuray khilaafadii Islaamka, sannad ka
dibna waxa uu farah ka qaaday isku
xukunka shareecada islaamka, waxaana
u dalka ku soo rogay qawaaniin cusub oo
ay ka mid ahaayeen :
• In aan dhawr dumar ah la guursan
• Waxa uu simay ragga iyo dumarka
dhinaca dhaxalka.
• Waxa uu dumarka ku qasbay in ay
tuuraan xijaabka oo ay xidhaan toobab
IWM
• In quraanka lagu akhriyo af Turki
• Waxa loo diiday in af carabi lagu
eedaamo ama lagu ducaysto.
Waxa ay dawladu ku qasabtay dadka in
ay u hogaansamaan qawaaniintan
cusub, waxa ay cadeeyeen in isku
xukunka islaamku uu yahay dib u dhac,
sidaa darteed waxa ay weerar ku
qaadeen goobihii diinta sida
Masaajidada, Madarasadaha.
Waxa kale oo ay diideen in ay shaqayso
gabadha xidhan xijaab. Sidoo kale waxa
ay didii jireen dimuqraadiyada lafteeed
haddii ay ogolaanayso xornimada
diimaha.
Awoodaha difaacayey cilmaaniyada
dalka Turkiga waxa ka mid ahaa ragga
ugu qanisan oo aaminsanaa in lagu
ilaaliyo mabda’an degenaansho iyo
nabadgelyo
Ugu danbayn mawduucan waxa aan ku
soo gabagabaynayaa, dhawr qodob oo
ka mid ah waxyaabaha uu islaamku kaga
soo hor jeedo cilmaaniyada:
v Cilmaaniyada oo laga keeno dalalka ay
ka soo bilaabantay waxa ay umada
musliimta ku dhex faafinaysaa xanuuno
inta badan ku dhaca dadka reer
galbeedka ah, kuwaasi oo ku nool nolol
aan lahayn diin amaba ka madax banaan
diinta.
v Waxa kale oo ay dadka musliimta ah u
eekaysiinaysaa dadka reer galbeedka ah,
oo sidooda oo kale u fikira fikirkaasi oo
banaynaya dhaqan kasta oo reer
galbeedku ku dhaqmo
v Waxa ay ka dhigayaan degaanka dadka
muslimka ah mid la wadaaga dhaqan,
siyaasad, diin iyo dhaqaale dalalka reer
galbeedka.
Sidaa darteed waxa haboon inuu qofka
muslimka ahi iska ogaado meel kasta o
ay dhibi kaga iman karto iyo in aanu ku
dhex hafan mabda’yada jira dunida
guudkeeda, oo uu ku faro adaygo
diintiisa toosan.
Diyaariye Cabdillahi Beershiya