CAMAL WANAAGSAN LAMA AQBALO HADEEYnAAN NIYADA AHEEYN OO ALLA DARTII LOOLA JEEDIN

CAMAL SUUBBAN LAMA AQBALO HADII ANAY NIYADU DAACAD AHEYN OO AAN DAR ALLE LOOLA JEEDIN  

Alle wuxuu yiri kor ahaaye:

1. “Lama farin dadka waxaan ahayn inay Alle oo kaliya caabudaan, iyagoo diinta (yacni maqalka iyo hoggaansanka) u gooni yeelaya iyo inay Salaada oogaan, sekadana bixiyaan sidaasana ah diinta toosan”  (Suratul Bayyinah:5)

Alle kor ahaaye wuxuu kaloo yiri:

 2.“Ma aha Hilibkoodu iyo dhiiggooda  midna waxaa gaadhaya Alle, waase daacadnimada iyo dhawrsanaanta xaggiina ka ahaatay waxa gaadhaya Alle”.(Suradda Al-Xajj:Aayadda 37)

Alle kor ahaaye wuxuu kaloo yiri:

 3. “Dheh (Muxammadow S.C.W) : Hadii aad qarisaan waxa laabihiina ku Jira, ama aad muujisaanba, Alle waa og yahay” .  (Suuradda  Aali-Cimraan:Aayada 29)

 1. Cumar bin Khadaab (A.K.R) wuxuu yidhi : Waxaan Maqlay Rasuulka (S.C.W) oo leh: Niyadda saldhig ah (Xaga Alle) mudnaanshada in qofka laga abaal mariyo camalkiisii iyo in kale, qof walbaana wixii uu camalkisa ula jeedo xagga niyada buu leeyahay. Qofkii Alle iyo Rasuulkiisa dartood u soo haajiray waa u sidaas, qofkii arrin adduunyo la xidhiidha ama naag guursigeed u soo haajireyna iyaguu leeyahay (oo Alle waxba kama sugaayo). (Bukhaari iyo Muslim)

 2. Caa’isha (A.K.R) waxay tidhi: Nebigu (S.C.W) wuxu yidhi: “Ciidan baa kacbada ku soo duuli doona, kolkay soo gaadhaan dhul siman oo Madiina u dhow, markaasaa kan u horeeya iyo kan u dambeeyaba dhulka lala gooyn doonaa”. Waxay tidhi: Waxaan idhi oo rasuul Alloow side kan u horeeya iyo kan u dambeeyaba dhulka loola goynayaa, soow kuma jiraan kuwo ay soo kaxaysteen oo aan ku raacsanayn (Camalka) iyo kuwo aan kaba tirsanayn?  Rasuulka Alle (S.C.W) wuxuu ku jawaabay: “Waa lala goynayaa ciidanka oo dhan dhulka kan u horeeya iyo kan u dambeeyaba, dabadeedna maalinta qiyaamo hadba sida camalka iyo niyooyinkoodii aheyd baa loo soo bixinayaa oo lagu abaalmarinayaa.          (Muslim iyo Bukhaari).

Weerooyinka xadiiskase Bukhaari baa leh.

3. Caa’isha (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nabigu (S.C.W.)  yidhi: “Kolba haddii ay muslimiinta Makka qabsadeen oo ay beel Islaam ah noqotay, haajirid looma baahna, laakiin jihaad baa jiraya, ee markii jihaad u soo baxa la idin yidhaahdo (oo uu Imaamka idiinku yeedho) u soo baxa”.                              (Bukhaari iyo Muslim)

4. Jaabir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: Anagoo duulaan ah oo nebiga (S.C.W) la soconna buu wuxuu nagu yiri: Madiina waxa jira rag meeshii aad martaan iyo toggii aad ka tallowdaanba ajarka idinla wadaaga, oo ay jirro reebtay, hayeeshee niyadoodu aheyd hadduusan cudurku reebin inay idinla socdaan”.      (Bukhaari iyo Muslim).

Werin kale baa ah oo ku taal: “Ajarka way idinla wadaagaan” .

Imaam Bukhaarina wuxuu soo weriyey inuu Anas (A.K.R) yiri: “Annagoo Nabiga (S.C.W.) la soconna oo dullaankii Tabuuk ka soo laabannay buu wuxuu yiri: “Waxaa jira dad Madiina ingaga hadhay, oo dhudhubtii aan xulno iyo toggii aan ka taloownaba ina weheliya, oo qalbiga iyo niyada ka jeclaa inay inala socdaan, haddayan duruufi reebtay”.

5. Macan bn Yasiid ibn Akhnas (A.K.R.) Macan, aabbihii, iyo awoowgiba waxay ka mid ahaayeen asxaabtii Nebiga (A.K.R).  Macan wuxuu yiri: “Aabahay, Yasiid baa dowr Diinaar oo uu sadaqeysanayey ag dhigay nin masaajidka joogay, markaasaan inta qaatay ula imid aabahay, wuxuu igu yiri: Adiga kulama aanan rabin lacagtaa, dabadeedna waxaan isula tagnay oo u gar dhigannay nabiga (S.C.W.). Wuxuu ku yiri nabigu aabbahay: Yasiidow adigu wixii aad niyootay baad leedahay (oo lacagtaasi waa kuu sadaqo) anna wuxuu igu yidhi nabigu (S.C.W.) Macanow adna wixii aad qaadatay baad leedahay”.

6. Sacad ibn abii Waqas (A.K.R.) (oo ka mid ah tobankii loogu bishaareeyey jannada) wuxuu yiri nabigaa (S.C.W.) i soo booqday anigoo aad u xanuunsanaya. Arrintanina waxay dhacaday kolkuu rasuulku gutay xajkii sagootiga, markaasaan waxaan ku iri: Rasuul Alloow (S.C.W.) waad aragtaa sida xaalkeygu yahay. Waxaanan leeyahay xoolo badan, wax i dhaxlana gabadh kaliyaan leeyahay, ee maalkayga saddex meelood  labo ma sadaqaystaa? Wuxuu yiri nabigu (S.C.W.): ‘Maya’ Waxaan idhi: Badhna rasuul Alloow? Wuxuu yiri: Maya. Waxaan idhi: Sedex melood meelna? Wuxuu yiri: ‘Haah’, iyadaana waliba badan. dadka dhaxalkaaga leh inaad ka tagtid iyagoo hodan ah baa ka khayr badan inaad ka tagtid iyagoo sabool ah oo aad ku qasabto inay dadka gacmaha hoos dhigtaan. Sadaqo kasta oo aad wejiga Alle ula baxdidna ajar baad ka heleysaa, xataa raashin waxoogaa ah oo aad haweenaydaada afkeeda galisidba ha ahaatee, Alle wuu kaa ajar siin. Dabadeed waxaan idhi: “Rasuulkii Alloow (S.C.W.) saaxiibaday ma ka hadhayaa? Wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) kama aad hadhaysid. Camalkii aad fasho oo aad Alle dartii ula jeedidba ajar iyo derejaad ka sii helaysaa, waxaana laga yaabaa inaad muddo noolaato oo cimri dherer lagu siiyo oo ay markaas qoon muslimiin ah kaa faa’iidaystaan, qoon gaalo ahina gacantaada lagu ciqaabo. Kadibna Rasuulkii Alle Ilaahay buu baryey oo yiri: Alloow asxaabtayda hijradoodii ka yeel mid dhan oo guuleysta gadaalna ha u celin. Waxaase in loo murugoodo leh Sacad ibnu Khawla ee gadaal looga soo tagey, Makkana ku dhintay, Rasuulkii Allena (S.C.W.) naxariis iyo samaan buu Alle uga baryey. (Bukhaari iyo Muslim)

 7. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: “Alle fiirin maayo jidhkiinna iyo suuradihiinna toona, ee wuxuu fiirinayaa qalbiyadiinna iyo Camaladiinna”. (Muslim)

8. Abuu Muusa Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaa Rasuulkii Alle (S.C.W.) la weydiiyey: “Nin geesinnimo u diriraya iyo mid ficilo qabiil (ama qaran) u diriraya iyo mid istus u diriraya, intaas keebaa jidka Alle ku diriraya? Wuxuu ku jawaabay rasuulkii Alle (S.C.W.): Kan u dirira inay diintii Alle kor noqoto baa jidkii Alle ku diriraya”.  (Bukhaari iyo Muslim)

9. Abuu Bakrah Nufayc ibn al-Xaaris as-Saqfi (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: “Markii ay labo qof oo muslim ahi seef iskala horyimaadaan dilaha iyo la diluhuba waa ehlu naar. ” Waxaan idhi: ‘ Rasuul Alloow kan  dilay walaalkii garanaye kan la dilay muxuu galabsaday oo naarta loo gaynayaa? ” Wuxu ku jawaabay (S.C.W.) “Inuu saaxiibki dilo buu isna doonaayey”.      (Bukhaari iyo Muslim)

10. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: “Saladda uu qofku jameeco ahaan masjidka ugu tukadaa waxay salaaddisa uu guriga ku tukado iyo tan uu dukaankiisa iwm ku tukado dheer tahay dhowr iyo labaatan darajo. ” Maxaa yeelay, qofku markii uu weysaysto oo weeysada hagaajiyo, dabadeecna uu masjidka aado isagoo aan wax kale salaadda maahe u aadeyn, (wax kale salaada maahe u socon), waxaa tallaabadii uu qaadaba loogu dhaafaa dambi, derajana waa loogu kordhiyaa ilaa uu masjidka ka galo. Markii uu masjidka galana wuxuu la mid yahay isagoo salaad ku jira inta uu saalaada sugayo, marba haduusan cidna dhibaato u gaysanayn, weeysadiina qabo malaa’igtu waa u ducaynaysaa markii uu tukado oo uu fadhiyo meeshii uu ku tukadey, iyadoo leh: Alloow u naxariiso, Allow u dambi dhaaf, Alloow ka toobad aqbal”.         (Bukhaari iyo Muslim)

11. Cabdullaah ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu ka weriyey nabiga (S.C.W.) xadiisul-qudsi uu Rasuulku Rabbigii ka soo weriyey: Kaasoo ah in xumaanaha iyo samaanahaba Alle jirsiiyey, mid walbana uu caddeeyey, qofkii wax san ku hammiya oo aan falin hal darajo oo buuxdaa loo qoraa (oo samaan ah), hadii uu falana Alle wuxu ku abaal mariyaa toban darajo iyo ilaa toddoba boqol oo laba laab ah iyo labalaabyo kale oo fara badan. Hadii uu xumaan ku fekero oo uu san falinna hal derejo oo buuxdaa Alle agtiisa looga qoraa (oo samaan ah), haddii uu ku fekero oo falana hal xumaan ah oo keliyaa Alle u qoraa”.        (Bukhaari iyo Muslim)

12. Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R) wuxuu yiri: Waxaan maqlay rasuulkii Alle (S.C.W.) oo leh: “Seddex nin oo ummadihii idinka horreeyey ahaa baa safar meel isugu raacay, waxay socdaanba habeenkii bay dabeyl daran darteed gabey galeen oo u hoydeen, dhagax wayn baa intuu soo ruqay gebigii afka ka awdey. Mid ka mid ahaa ayaa wuxuu yiri: Wax kale oo maanta dhagaxaan inaga faydaya lama arko inaan Alle ku barinno maahee camalladeennii wanaagsanaa wax ka mid ah. Markaa baa mid wuxuu yiri: Alloow waxaan lahaa laba waalid oo ahaa waayeel da’ ah oo aanan fiid gooyada caano siintooda ka hor marin jiray carruurteyda iyo ehelkeyga intiisa kale oo dhan. Markaasay maalin daaq raadintii ila fogaatay oo aanan soo soo dheelman jeeray gam’een. Goortaan imid baan fiidgooyadii u soo lisay mise waa hurdaan, inaan toosiyaa oo aan hurdadooda ka qaso waa i dhibtay, inaan carruurteyda iyo ehelkeyga kale ka hor mariyaana waa i dhibtay oo aan caanaha siiyo iyaga ka hor. Waan sugay, anigoo weelkii gacmaha ku haya oo toosidoodda dhowraya jeer waaggii dillaacay, carruurtiina hoostayday intaas oo dhan qaylinayeen, Markay kaceen bay caanahoodii dhameen.  Alloow haddaan saas falay anigoo raalli gelintaada u dan leh, waxan na haysta naga saar oo dhagaxaan naga feyd. Dhagaxii xogaa aysan ka bixi karin buu feydmay.

Midkii labaad baa yiri: Alloow waxaa jirtey gabadh adeerkay dhalay oo aan jeclaa intii uu nin naag jeclaado oo aan markaas intaan damaaciyey isku kay diidday; dabadeedna waa’dambe bay abaar xumi gabadhii ku dhacday, markaasay ii timid iyadoo caawimaad iga dooneysa, waxaan siiyey boqol iyo labaatan Diinaar anoo ku shardiyay inay isu kay dhiibto. Markaas bay yeeshay, Markii aan lugaheedii ku fadhiistay bay tiri: Alle ka cabso, oo xaaraan ha igu qodob goyn; Markaasaan ka kacay oo ka tegey anigoo aad u doonayey, lacagtii aan siiyayna u dhaafay. Alloow haddaan saas falay anigoo raalli gelintaada u dan leh, waxaan na haysta naga saar. Xogaa  kale aysan weli ka bixi karin baa dhagaxii ka sii feydmey.

Kii seddexaad baa isna yiri: “Alloow niman baan kula heshiiyey inay ii shaqeeyaan waana ii shaqeeyeen, dabadeedna xaqoodii baan siiyey, hal nin oo aan soo doonanin xaqiisa maahee. Waan uga shaqeysiiyey lacagtiisii, wixii aan xoolaha u geliyeyna faa’iido badan bay keeneen oo miro dhaleen. Waa dambe buu ninkaasi soo laabtay oo yiri: Addoon Alloow i sii xaqaygii. Waxaan ku idhi: Maalkaa aad aragto oo dhan oo geel, lo, adhi iyo addoommo lehiba waa xaqaagii. Wuxuu yiri: Ha igu jeesjeesin addoon Alloow. Waxaan idhi: Kugu jees jeesi maayo. Markaa buu kaxaystay isagoo aan waxba ka tegin. Alloow haddaan sidaas falay anigoo raalligelintaada u dan leh waxan na haysta naga saar. Markaasaa dhagaxii feydmay oo ay ka baxeen iyagoo nabad ah”.   (Bukhaari iyo Muslim)

Fiiro Gaar ah:

Xadiiskan faa’iidooyin badan baa laga korodhsanayaa. Waxaa ka mid ah faa’iidooyinka xadiiskan, inuu qofku dalbo naxariista Alle iyo gargaarkiisa hadday dhibaato la soo gudboonaato, qofkuna ka yeesho acmaashiisii suubbaneyd wax dhibaatada kaga gudbo iyo gaashaan uu kaga hortago dhibaatada, naxariista Alle iyo gargaarkiisana ku helo. Qodobka kale waxaa weeye ajarka badan ee ku jira iyo samaanta lagu helo u baari ahaanta waalidka. Sidoo kale  wuxuu xadiisku tilmaamayaa ahmiyadda  ay laheyd dhowrsanaanta, oofinta balanta, daryeelka bulshada, iyo xejinta ammaanooyinka iyo gudidda xuquuqda dadka iyo si dhan u oofintooda.

Wuxuu kaloo xadiisku daaha ka qaaday in daacadnimadu ay tahay saldhigga abaal marinta camalada, sida uu ahaaba cinwaanka Cutubkani. Hadal iyo dhamaan, xagga Islaamka qowl iyo ficilba wuxuu qofku la imanaayo waa in Alle dartiis loola jeedaa, raalli galinta looga dan leeyahay, ee ma aha in loola jeedo adduun ku hel, ama munaafaqnimo, ama magac doonasho, ama maal ku raadin. Allaahu Aclam.