cabdulaah ibnu cumar allaha ka raali noqdee wuxuu iyiri nabigoo dhayaan maqlay SCW

Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R)
wuxuu yiri: Waxaan maqlay rasuulkii
Alle (S.C.W.) oo leh: “Seddex nin oo
ummadihii idinka horreeyey ahaa baa
safar meel isugu raacay, waxay
socdaanba habeenkii bay dabeyl daran
darteed gabey galeen oo u hoydeen,
dhagax wayn baa intuu soo ruqay
gebigii afka ka awdey. Mid ka mid ahaa
ayaa wuxuu yiri: Wax kale oo maanta
dhagaxaan inaga faydaya lama arko
inaan Alle ku barinno maahee
camalladeennii wanaagsanaa wax ka
mid ah. Markaa baa mid wuxuu yiri:
Alloow waxaan lahaa laba waalid oo
ahaa waayeel da’ ah oo aanan fiid
gooyada caano siintooda ka hor marin
jiray carruurteyda iyo ehelkeyga intiisa
kale oo dhan. Markaasay maalin daaq
raadintii ila fogaatay oo aanan soo soo
dheelman jeeray gam’een. Goortaan
imid baan fiidgooyadii u soo lisay mise
waa hurdaan, inaan toosiyaa oo aan
hurdadooda ka qaso waa i dhibtay,
inaan carruurteyda iyo ehelkeyga kale
ka hor mariyaana waa i dhibtay oo aan
caanaha siiyo iyaga ka hor. Waan
sugay, anigoo weelkii gacmaha ku haya
oo toosidoodda dhowraya jeer waaggii
dillaacay, carruurtiina hoostayday
intaas oo dhan qaylinayeen, Markay
kaceen bay caanahoodii dhameen.
Alloow haddaan saas falay anigoo raalli
gelintaada u dan leh, waxan na haysta
naga saar oo dhagaxaan naga feyd.
Dhagaxii xogaa aysan ka bixi karin buu
feydmay.
Midkii labaad baa yiri: Alloow waxaa
jirtey gabadh adeerkay dhalay oo aan
jeclaa intii uu nin naag jeclaado oo aan
markaas intaan damaaciyey isku kay
diidday; dabadeedna waa’dambe bay
abaar xumi gabadhii ku dhacday,
markaasay ii timid iyadoo caawimaad
iga dooneysa, waxaan siiyey boqol iyo
labaatan Diinaar anoo ku shardiyay
inay isu kay dhiibto. Markaas bay
yeeshay, Markii aan lugaheedii ku
fadhiistay bay tiri: Alle ka cabso, oo
xaaraan ha igu qodob goyn;
Markaasaan ka kacay oo ka tegey
anigoo aad u doonayey, lacagtii aan
siiyayna u dhaafay. Alloow haddaan
saas falay anigoo raalli gelintaada u
dan leh, waxaan na haysta naga saar.
Xogaa kale aysan weli ka bixi karin baa
dhagaxii ka sii feydmey.
Kii seddexaad baa isna yiri: “Alloow
niman baan kula heshiiyey inay ii
shaqeeyaan waana ii shaqeeyeen,
dabadeedna xaqoodii baan siiyey, hal
nin oo aan soo doonanin xaqiisa
maahee. Waan uga shaqeysiiyey
lacagtiisii, wixii aan xoolaha u geliyeyna
faa’iido badan bay keeneen oo miro
dhaleen. Waa dambe buu ninkaasi soo
laabtay oo yiri: Addoon Alloow i sii
xaqaygii. Waxaan ku idhi: Maalkaa aad
aragto oo dhan oo geel, lo, adhi iyo
addoommo lehiba waa xaqaagii.
Wuxuu yiri: Ha igu jeesjeesin addoon
Alloow. Waxaan idhi: Kugu jees jeesi
maayo. Markaa buu kaxaystay isagoo
aan waxba ka tegin. Alloow haddaan
sidaas falay anigoo raalligelintaada u
dan leh waxan na haysta naga saar.
Markaasaa dhagaxii feydmay oo ay ka
baxeen iyagoo nabad ah”. (Bukhaari
iyo Muslim)