caaisha waxeey tiri (allaha ka raali noqdee) nabiga wuxuu yiri (NNKH

2. Caa’isha (A.K.R) waxay tidhi:
Nebigu (S.C.W) wuxu yidhi: “Ciidan baa
kacbada ku soo duuli doona, kolkay soo
gaadhaan dhul siman oo Madiina u
dhow, markaasaa kan u horeeya iyo
kan u dambeeyaba dhulka lala gooyn
doonaa”. Waxay tidhi: Waxaan idhi oo
rasuul Alloow side kan u horeeya iyo
kan u dambeeyaba dhulka loola
goynayaa, soow kuma jiraan kuwo ay
soo kaxaysteen oo aan ku raacsanayn
(Camalka) iyo kuwo aan kaba
tirsanayn? Rasuulka Alle (S.C.W) wuxuu
ku jawaabay: “Waa lala goynayaa
ciidanka oo dhan dhulka kan u horeeya
iyo kan u dambeeyaba, dabadeedna
maalinta qiyaamo hadba sida camalka
iyo niyooyinkoodii aheyd baa loo soo
bixinayaa oo lagu abaalmarinayaa.
(Muslim iyo Bukhaari).
Weerooyinka xadiiskase Bukhaari baa
leh.