11ka Siyaasi ee hor kacaya Horyaalka Fidno ee Somalia (Warbixin

Horayaalka Fidno Champion ee
Somaaliya maxaad kala socotaa shaxda
siyaasadeed ee lagu ciyaaro Dalkeena
Somaaliya.
Horyaalka Fidno Champion League ee
Somaalia Lugtiisii koowaad ayaa la soo
gaba-gabeeyay Taariikhdu markay
ahayd 20/08/2012 , Lugtiisa labaadna
waxay bilaabtay 21/08/2012 waxaana
uu socon doonaa ilaa laga gaaro 2032,
Horyaalka Fidno sida caada u ah is
aragiiba waxa uu socdaa Mudo dhan 20
Labaatan sano, 7 Todoba Bilood, & 4
Afar maalmood.
Lugta labaad wareega sadexaad waxaa
usoo gudbay afar 4 Kooxood oo culus.
oo kala ah
1-Kooxda HALAAG,
2- Kooxda-TUSBAX,
3-Kooxda DABJOOG,
4-Kooxda UJEEDO BADAN
Gudoomiyaha Horyaalka fidno Mr MAN
ayaa war uu soo saaray Taariikhdu
markay ahayd 7/06/2013 waxa uu
sheegay in koox kale oo cusub lagu soo
Daray Horyaalka Fidno, ayuuna si lama
filaan ah liiskooda u soo gudbiyay
kooxdan cusub, magaca kooxda waa
(MAXAYSATO).
Kooxdaan cusub ee ku soo biirtay
Horyaalka Fidno champion Magaca
kooxda ayaa nagu cusub lakiin ciyaar
tooydooda oo dhan waa ciyaartooy
caan ah oo kooxo badan usoo
ciyaaray ,lana wada yaqaano
farasamadooda iyo qaab ciyaareed
kooda oo dhan, qaar ka mid ah waxay
qabaan ilaa 2 Guduud (Red) Qaarna
waxay qabaan Hal hal jaale(Orange) ,
qaar kale waxay qabaan dhaawac culus
oo ah xaga maskaxda ah daawooyin
ayay ku socdaan .
Ciyaartooyda Kooxda Maxaysato
Magacyadooda Waa sidan
Tababare Mr Qiyaano
1- Qalin, 2- Sabraaye, 3-Lugta iisaar, 4-
Xasuuq, 5-Warmoog, 6-Majabe, 7-
kabtanka kooxda Laba weji 8- Bir, 9-
Sheekh Boorso, 10 – Manaxe, 11-
Xaajibeeso
kaydka waxaa u fadhiyo 12-Toogte 13
Taabsade 14-Harag Dugaag
Kooxdaan cusub ee Maxaysato waxaa
ku jiro ilaa 2 ciyaartooy oo ciyaaraha
siyaasada Somaaliya ku cusub
Labadaan ciyaartooy ee cusub waxay u
soo safteen nasiib daro koox ay
kujiraan ciyaartooy la wada nacay.
Ciyaartooydaan cusub waxaa ka mid Mr
QALIN waa ciyaartooy ku cusub
garoomada Mr Qalin aad baa loo
yaqaanaa lakiin waxaa ka qay liyay
Qalin iyo Buug waxayna ku ee deeyeen
inuu si xun ula dhaqmo uuna yahay
nin aan ukala xaq soorin Qalinka iyo
Warqada uu wax ku qoro ayuu ukala
eexdaa, marka waxay yiraahdeen
ninkaan waa nin aan ku fiicneen in uu
ciyaaro maxaa yeelay kubada waxa uu
ubaasayaa ninka ay isku Beelyihiin oo
kaliya xitaa hadii gool lagu leeyahay
kalama jeclo waxaa uga muhiimsan in
uu kubada ulaado saxiibkiisa lajaalka
ah si kooxda ay guul ugaaro.
Mr Qalin waxa uu yiri xalay ayay
kooxdeena cusub ee Maxaysato ayaan
iswada aragnay ee ahaa kulankeenii
noogu horeeyay, markaan casheenay
kadib waxa talooyin ii soo jeediyay dad
aan saaxiibo nahay waxay igu
yiraahdeen saxiib Kooxdaan cusub
isaga bax maxaa yeelay waxaa usafan
ciyaartooy aad loo nacay iyo qaar
cuslaaday oo farsamooyin hore ee laga
tagay wato waxay igu la taliyeen in aan
ku biiro kooxda Dabjoog ama Tusbax,
kooxda ujeedo badan way kuu
baahan yihiin lakiin No 1 culus oo
booska aad ka ciyaarto ayaa ujoogo
hada kooxda ujeedo badan ee xiligaan
uma baahno No 1 kale.
Mr Qalin talaa ku cadaatay waxa uu
sheegay inuu isaga baxay Kooxdaan
Maxaysato waxa uuna u sheegay
taageerayaashiisa waan isaga baxay
kooxdaan waxaan rajaynayaa in aan ku
biiro kooxda Tusbax ama Dabjoog
waxay ubadantahay in aan usoo safto
kooxda Dabjoog.
Taba baraha Kooxda Maxaysato Mr
Qiyaano waxa uu hore Tababare ugu
ahaa kooxda ujeedobadan way iska
ceeyriyeen lakiin weli lataliye xaga
farsamooyinka ayuu kayahay
maadaama uu aad uyaqaano sida
goolal farsamaysan loo laado Mr
Qiyaano waa farsamo yaqaan afka wax
ku farsameeyo.
Mid ka mid ah Ciyaartooyda kooxda
Maxaysato Mr Xasuuq waa nin caan ah
oo lawada yaqaano kana soo ciyaaray
garoonka Geeri & Guul waa nin halaag
ah oo taariikhdu aysan ilaawi doonin
weerarkii uu ka sameeyay xiligii uu
uciyaraay kooxdiisii hore Damac
Badan, Mr xasuuq markuu u ciyaaray
kooxdaan waxaa uu sameeyay aroos
aan caadi ahayn isagoo lacago fara
badan geliyay taas oo ahayd lacag uu
kasoo dhacay maamulihiisa Mr
Aarsade, taas oo sababteeda ahayd in
ay guuldaro ku soo dhaamto
kooxdiisa , Mr xasuuq waa nin ku
dheer xaga farsamada iyo isadaba
marinta lacageed, ayaa hadal u
jeediyay ciyaartooyda kooxda
Maxasato.
Harag Dugaag waa ciyaartooy aan la
dhayal san karin lakiin nasiibdaran.
Ciyaartooyga Sabraaye laba koox ayuu
usoo ciyaaray lakiin waa nin waqtiga
uhiiliyo mar walbo waana nin afgaaban
qadafkana iska ilaaliyo.
Mr Qalin waa Ciyaatooy caalami ah
lakiin aan waayo arag ahayn, koox
liidato ayuuna u soo saftay ciyaartiisii
ugu horeeysay.
Xaaji beeso waa nin lagu yaqaano sida
loo habeeyo lacagaha kooxda soo galo
wax walbo waxaa ugu horeeyo in uu
buuxiyo afartiisa jeeb.
Sheekh Boorso waa ciyaartooy nasiib
badan lakiin waxa uqarsoon aan la
garaynaynin waxaana lagu xantaa in
uu u ciyaarijiray Kooxda Halaag.
Mr warmoog waqtigaba lama socdo
hadii gool lagu leeyahay iyo hadii uu
gool leeyahayba war uma hayo waxaa
ku rakiban mashiin kale oo aan
lagaranaynin waxa uu yahay.
Kabtanka kooxda Mr Labo weji waa nin
lagu yaqaano farsamooyin heer sare ah
oo ay san fami Karin ciyaartooyda ka
soo horjeedo lakiin markaan daal ayaa
ka muuqdo iyo tabar yari , waxaana
usii dheer Taageera yaashiisa ayaa aad
u nacay maxaa yeelay qaab laga tagay
ayuu ku ciyaaraa, mana dhargo, mana
xishooda kabtanka kooxda maxaysato.
Fg sida uu sheegay maamulaha
Horyaalka Fidno champion Mr Man
waxa uu yiri ciyaartooyda waa lakala
qaadan karaa sidan ayuuna liisku
yahay , kooxda Halaag iyo Dabjoog
ciyaartooydooda way kala badalan
karaan , sidoo kale kooxda Ujeedo
Badan iyo kooxda Tusbax way kala
qaadan karaan.
Kooxda maxaysato intooda badan
waxay kasoo ciyaareen garoomo badan
sida garoonka Mugdi Alaybade, Geeri
& Guul waa ciyaartooy mudo soo
ciyaaraysay laakiin weli mid gool
dhaliyay kuma jiro intooda.
Kooxda Maxaysato Ciyaartooydooda
waxay ubadantahay inay dib ugu
laabtaan kooxiihii hore oo ay uciyaari
jireen ee kala ahaa Halaag, Dabjoog,
Tusbax, ujeedo badan.
Afartaan koox ayaa lafilayaa in ay sii
wadaan Horyaalka fidno, way dhici
kartaa in Maamulaha Horyaalka Fidno
uu ku soo daro kooxo kale si Horyaalka
uu xiiso uyeesho , wariyaasha ugu
fiican ee soo tabin doono waxaa ka mid
ah Wariye, Halbuug, wariye Biibaaye,
Wariye mahubsade, wariye Mashiixe.
Radiyaasha aad ka dhagay san kartaan
waxaa ka mid ah Radiyo shanta
Mashiixdo, Radiyo Tolka, Radiyo
guux weyne,Radiyo Birta
dheer,Radio 4.5FM.
Webseedyada aad kala socon kartaan
waxaa ugu muhiimsan
WWW.QABQASADE.COM .
WWW.QABIIL.COM
Tv yada aad ka daawan kartaan waxaa
ka mid ah Tv Tolka.com , Tv
bulshadeena.com , Tv xanaaq.com
Waxaad nagala soo xiriiri kartaan
http://www.fidnochampionsomalia.com
Tel 0000000111 waxaa si toos ah
kaaga qabanaayo Mr Man lasoco
horyaalka Fidno champion Maqal iyo
muuqaalba waa lagu soo tabin doonaa.
Cuqdada iska saar.
LIKE SAAR BOGA WARHOOSE.NET
Find us on Facebook
Warhoose.net
Like
719 people like Warhoose.net.
Facebook social plugin
This is
the
FAR
COLUMN
and is ready
for widgets,
click here
to add some
now!
Co