Filimaanta “Anshax xumada” iyo burburinta dhalinyarada ! Waxaa Qoray: Hoos ka fiir

Maqaalkaan waxaan qoray kadib markii
aan dareemay dhibaatada wayn ee ay
dhalinyaradu kala kulmayaan
websityada laga soo daaya aflaamta
anshax xumada ah taasina ay dhib
wayn ukeenayso umaddeena islaamka,
gaar ahaan dhalinyarada waddankayga
soomaaliya oo laga yaabo in aysan wax
badan ka ogayn aflaamtaas
xukunkeeda diiniga, dhibaatooyinkeed
iyo qaababka looga hortagi karo.
-Xukunka daawashadeeda :
Waxaa hubaal ah in ay tahay
daawashada aflaamtaan xaaraan
taasina ay isku waafaqsanyihiin
dhamman culimada msulimiinta , alle
ayaa yiri “ ﻭﻗﻞ ﻟﻠﻤﺆﻣﻨﻴﻦ ﻳﻐﻀﻮﺍ ﻣﻦ ﺃﺑﺼﺎﺭﻫﻢ
ﻭﻳﺤﻔﻈﻮ ﻓﺮﻭﺟﻬﻢ ﺫﺍﻟﻚ ﺃﺯﻛﻰ ﻟﻬﻢ..” suuratu
alnur.
Aragu waa nicmo alle nagu
mannaystay laakin inbadan oo ka mid
ah dhalinta muslimiinta ayaa u
adeegsaday qaab aan ahayn sax isla
markaana dhib ukeenaya
aakhiradooda , walaal nabigeenni
suubanaa naxariis iyo nabadgalyo
korkiisa ha ahaatee waxaa uu yiri :
(Waxaan ogahay dad la imaan doona
maalinta qiyaame xasanaad la eg
buuraha “tuhaamah”(waa buuro
magacood) xasanaadkaas ayaa waxa
ay yihiin kuwa cad cad ilaah ayaa
baabi’inaya oo waxba laga soo qaadi
maayo , markaas ayaa saxaabi
saxaabada ka mid ah ayaa waydiiyay
nabiga : nabi allaw noo tilmaan kuwaas
waxaan ka baqaynaa in aan ka mid
noqonno annaga oo aan is ogaynee?
nabiga aya yiri :”kuwaasi waa walalihiin
isku dad ayaa tihiin waxay tukadaan
habeenkii sida aad idinkuba utukataan,
laakiin waa dad haddi ay la gaar
noqdaan macsida alle xaaraantimeeyay
ku kaca ” xadis saxiix ah. Ibnu majah
aya wariyay.
-Tirakoobis :
Reportyada ka so baxaya websityada
ku takhasusay tira koobista waxaa ku
qoran in 4 malyan oo website oo ah
“porn” ama (anshax xumo ah) ay ka
furan yihiin internet ka tiradaas ayaa
waxa ay ka tahay tirada guud ee
websityada ka furan internet ka 12% ,
ariintaan waa arrin aad looga naxo
runtii, sida la rumaysanyahay
waddanka maraykanka ayaa ah
waddanka laga leeyahay websityada
ugu badan ee ka shaqeeya
“fisqiga” ,shacabka ku nool “USA” waa
shacabka ugu badan ee soo booqda
websityadaan, intaas waxaa sii dheer in
waddamada islaamku ay ka midyihiin
waddamada sida aadka ah looga soo
furo websityadaas,tusaale ahaan
waddanka masar waa waddanka labaad
ee shacabkiisu ka baaraan webebka ka
shaqeeya baarista ama “search” ga
sida “google” wax xiriir la leh filimaanta
ama sawwirada “anshax xumada” ah
ayadoo la isticmaalayo luqdda
“carabiga” , halka ay tahay waddanka
sideedaad ee shacabkiisu ku baaraan
filimaantaas luqdda “english” dunida
oo dhan.
-Olale ka hortag :
waxaa jira olalayaal ka jira inta badan
waddamad islaamka sida
sucuudiga ,masar, tunisia iyo libiya ,
waxaa xusid mudan in laga xiray
waddamada sucuudiga ,sudan, tunisai
iyo libiya iyo kuwa kale inta badan
websityada anshax xumada ah,
waddanka sucuudiga ayaa waxa uu ku
hayaa ladagaalan xoogan websityadaas
waxa report soo baxay lagu sheegay in
websityada ka xiran sucuudiga 90% ay
yihiin websityo ka shaqeeya “fisqiga”.
-Saameynta ay leedahay
daawashada filimaantaas:
1- waxa ay sawwir khaldan ka
bixinaysaa xiriirka dumarka iyo ragga.
2- Qofka daawanaya filimaantaan waxa
uu ku khasbanyahay in uu shahwadiisa
bannaanka usoo saaro taasina waxa ay
ku kallifaysaa in uu sameeyo waxa loo
yaqaan “masturbation” oo micnaheedo
yahay “siigaysi”(oo ayaduna xaaraan
ku ah diinteenna qumman).
3- Filimaantaan waxa ay been ka
sheegayaan qaabka iyo xajmiga
xubnaha taranka taas oo u sababaysa
qofka daawada in uu u arko xubnihiisa
taranku in aysan dhammaystirnayn
ama ay wax ka maqnyihiin.
4- Filimaantani waxa ay gudbiyaan
waxa loo yaqaanno ” Homosexuality”,
oo ah in ay isku tagaan dad isku nooc
ah ( nin_nin) ama (haweenay_
haweenay) , ama ninka oo ka dalbada
xaaskiisa waxyaabo xaaraan ku ah
diinteenna sida galmada gadaal laga
sameeyo oo kale.”waxaas oo dhan ilaah
ayaan ka magangalaynaaye”.
5- Qofka daawada filimaantaan waxa
uu ka filanayaa xaaskiisa in ay la
samayso qaababkii uu soo daawaday
waxaana laga yaabaa in aysan aqoon
qaababkaas ama fanankaas , taasina
ay keento in uu dareemo raaxo la’aan
kadibna gurigaas dhibaato badan soo
waajahdo.
6- In uu u arko xaaskiisa mid aan qurux
badnayn (xatta haddi ay tahay
boqqoradda quruxda addunka).
7- Waxa galaysa qofka daawada
filimaantaan kalsoonidarro xilliga uu
lagalmoonaya lammaanihiisa sharciga
ah.
8- In uu qofku dareemo qajilaad iyo
kalsooni darro guud markasta uu soo
xasuusto wixii xumaa ee uu ku kacay.
9- Qofka oo markasta dareema
nafsiyaad iyo cara alle iyo adduunka oo
ku soo yaraada.
10- Waqti badan oo ku luma
daawashada filimaantaan , iyo
nidaamka nolasha oo khalkhal ku
yimaado tusaale ahaan shaqada subixii
oo laga soo daaho , laysinimo iyo daal ,
farxad la’aan , iyo cibaado xumo.
11- Waxa laga yaaba in uu ku furo
Qofka daawada aflaamtaan goobta
shaqada sida xafiiska ama jaamacdda
taasina ay u keento in laga cayriyo
goobtaas..
-Sidee iskaga ilaalin karaa
daawashada filimaantaas?!
Haddii aad tahay dadka alle ku
imtixaamay daawashada filimaantaan
“waxaan rajaynayaa in aadan ka mid
ahayn ee” raac tallaabooyinka soo
socda ilaah ha nagu wada anfacee :-
1- marka ugu horreeya ilaah
waynaantiisa soo xasuuso oo ilaah ka
baq ogowna asaga yaa ku daalacanaya
oo kuu jeeda.
2-tirtir dhammaan filimaanta iyo
sawwirada xaaraanta ah “haddi aad
haysid”.
3- ha sugin in ay dawladdu xirto
dhammaan websityada soo daaya wax
yaabahaas anshax darrada ah, hana
sugin barnaamij ka xira computer
kaaga websityadaas , ogaw go’aanku
waa go’aankaaga ha laba labayn
go’aan qaado in aad iska joojinaysid
filimaantaas daawashadooda.
4- ha xirin albaabka qolkaaga , iskadaa
albaabku ha furnaadee si aysan
naftaadu ugu fakkarin xume.
5- dhig computer ka meel dadka dhan
ay ka arkayaan sida meel ku beegan
albaabka oo qof kasta uu ka arki karo.
6- ha isticmaalin netka xilliyada danbe
ee habeenkii, iyo xiiliga dadku kaa
maqan yihiin.
7- ogaw daawashada filimaanta
xaaraanta ah waxay kugu keenaysaa
ilaah caradiis (ilaah raali ahaan shihiisa
ayaan waydiisanaynaaye).
8- saar shaashadda computerka sawwir
ilaah ku soo xasuusinaya sida aayad ka
hadlaysa araga in la laabo ama aakhiro
waxa yaalla IWM. baddal sawwirkaas
asbuuc kasta hal mar si aadan uga
daalin.
9- marka aad rabtid in aad isticmaashid
netka daaro quraan si uu qalbigaagu u
jilco uusan u hawaysan xaaranta.
10- ogaw danbiwalba mid kale ayuu
kuu dhiiba ha daarin xilliga aad
fadhidid netka heeso kicinaya dareenka
hana eeg eegin sawirada dumarka
(ragga).
11- haddi aad dareentid dacfi iyo soo
jileec ka fogaw netka haddii aysan jirin
baahi wayn, ama isticmaal shirkadaha
netkoodu daciifka yahay oo aan laga
daawankarin videos si aadan ugu
fakarin daawashada filimaantaas.
12- waxaa jiri barnaamijyo looga
hortago websityada soo daaya “anshax
xumada”, oo loo yaqaan “anti porn”
waa wax wanaagsan in la isticmaalo
barnaamjyadaas si aad naftaada iyo
ciyaalkaaga iyo gurigaaga uga ilaa lisid
websityadaas.
13- isku day in aad wakhtigaaga oo
dhan aad uga faa iidaysatid wax
faa’iido leh, ha ku khasaarin daqiiqad
daqiiqdahaaga ka mid ah websityadaas
daawashadooda oo aan wax faa’iido ah
ku jirin, 14- ha ka quusan naxariista
alle haddi aad mar ama labo
simbiririxatid ee alle albaabadiisu waa
ay furan yihiin, islamarkaba u soo laabo
ilaah.
Gunaanad :-
waxaan ahay walaalkaa kula jecel
khayrka , waxaan rabaa in aadan ku
dhicin godkaas oo laga yaabo inbadan
oo kamid ah dhalinyarada in ay ku
dheceen, waxaad ku noolaataa nolol
sharaf leh, nolol akhlaaq ku dhisan, ku
mashquul waxa dantaada ah ha fiir
fiirin waxyaabaha aysan faa’iidadu
kuugu jirin. ilaah waxaan ka baryaayaa
in uu adiga iyo anigaba nagu anfaco
maqaalkaan, kana dhigo qorista aan
qoray maqaalkaan mid asaga kaliya
raali ahaansho aan kaga doonayo
”aamin”
wasalaamu claykum.
cabdiraxmaan cabduqaadir yaasiin
akram_97@hotmail.com