Faa,iidada bisha barakaysan ee Ramadaanka iyo Xidhitaanka Dhammaan meelkastoo cunto laga cuno wakhtiga la soomanyahay.

Mahad oo dhan waxay u sugnaatay
Allah SW Allaahaasoo inoo suurta
galiyay inaan caafimaad qab kusoo
soono bisha barakaysan ee
Ramadaan haddaba waxaan idin
leeyahay Ramadaan kariim guud
ahaan Ummada Islaamka
meelkastoo aad joogtaan, waxaan
rabaa inaan qoraalkan kusoo koobo
bishan baraysan oo inagu soo fool
leh iyo barakada ay leedahay,
In la soomo bisha Ramadaan waxay
ka mid tahay shanta tiir ee
Islaamku innagu waajib yeelay in la
soomana Allaah SW ayaa
Quraankiisa ku sheegay waxana uu
yidhi :-
( ﻳﺎ ﺃﻳﻬﺎ ﺍﻟﺬﻳﻦ ﺁﻣﻨﻮﺍ ﻛﺘﺐ ﻋﻠﻴﻜﻢ ﺍﻟﺼﻴﺎﻡ ﻛﻤﺎ
ﻛﺘﺐ ﻋﻠﻰ ﺍﻟﺬﻳﻦ ﻣﻦ ﻗﺒﻠﻜﻢ)
Aayadan ayaa waxaa ay inoo
cadaynaysaa inay bisha Ramadaan
tahay in la soomo waajib aayadana
micnaheedu waxa uuyahay { kuwa
alle iyo rasuulkiisa rumeeyayoow
waxaa laydinku waajib yeelay
inaad soontaan bisha Ramadaan
sida loogu waajibiyey kuwii idinka
horeeyey }
Mar kale ilaahay oo tilmaamaya
barakada iyo wanaaga ay leedahay
Bishan barakaysani ayaa waxa uu
aayad kale ku yidhi:-
( ﺷﻬﺮ ﺭﻣﻀﺎﻥ ﺍﻟﺬﻱ ﺍﻧﺰﻝ ﻓﻴﻪ ﺍﻟﻘﺮﺍﺀﻥ ﻫﺪﻯ
ﻟﻠﻨﺎﺱ ﻭﺑﻴﻨﺎﺕ ﻣﻦ ﺍﻟﻬﺪﻱ )
Aayadan ayaa iyana waxay
tilmaamaysaa inay bisha
Ramadaan tahay bishii uu soo
degay Quraanka kariimka ahi,
bisha Ramadaan waxay leedahay
khayr badan isla markaana aynaan
kusoo koobi arin qormadan gaaban.
Sidoo kale xadiis ka sugnaaday
Rasuulkeena CSW ayaa waxa uu
micnihiisu ahaa Allaah wuxuu yidhi
camal kasta oo bini, aadam qabto
isagaa leh soonka mooyee laakiin
soonka anaa leh ayuu ilaahay
yidhi:anaana ka abaal marinaya ee
haddaba haddii midkiin soomo
hayska ilaaliyo haddalka xun
Aad ayaa ay u badan yihiin
axaadiista ka hadlaya bisha
ramadaan haddaba qof kasta oo
islaama waxaa waajib ku ah inuu
soomo bisha Ramadaan maadaama
ay leedahay faa, iidooyin badan
jannadana lagu gelayo,waa ku
waajib qofkastoo Islaama oo
qaangaadha caafimaadna
qaba,inagoo
shuruudaheeda dib ka soo sheegi
doona Insha allaahu.
Waxaana hubaal ah in la soomaa
inay u wanaagsan tahay
caafimaadka maadaama uu
jidhkeenu yahay warshad
warshadina waxay nasataa
sannadkii hal mar markaasina waa
bisha Ramadaan taasina waxay
inoo cadaynaysaa in bisha
ramadaan ay if iyo aakhiraba
leedahay faa,iidooyin badan oo aan
hal mar la soo koobin,maskaxiyan
iyo jidh ahaanba caafimaad la isku
raacay ayey leedahay,
Waxa kale oo ay dadka wax haysta
xusuusinaysaa ama baraysaa
dhibbaatada ay gaajadu(baahidu)
leedahay,si uu wax u taro oo uga
war hayo dadka markasta sidan u
gaajaysan ee imtixaaman,
Duniduna waa imtixaan iyo
wareegto oo maalinba ninbaa haya
(Bawdo rag maalinba Midbaa
banaan)
Maanta haddaad dheregsantahay
oo Allaah kuu nimceeyey,Berritana
waxaa laga yaabaa mid maanta
gaajaysani inuu dhergo oo aad
adigu baahato,sidaa awgeed baa la
inoo tarbiyeynayaa oo xikmado
badanoo Rabbaaniya ayaa ku jira
Ramadaanka,waxa kale oo ay
faa,iido u noqonaysaa walaal
kastoo
Belwad lahaa sida Sigaarka Inuu
iska joojiyo oo fursadaa ka
faa,iideysto.
Waxaan haddaba Bulshada
Soomaaliyeed meelkastoow joogto
kula talinayaa,in bishan
barakaysan
Meelkastoo xaaraanta lagu iibiyo la
xidho,oo xaaraan quutayaasha lala
dagaalamo,
yaanay dib u dhicin Sakatal
yuhuudii Burco ee Ramadaanta iska
furaan jirtey oo kale,
Dawlada hoose ayaa u xilsaareyd
inay la dagaalanto berrigii Dawladii
Siyaad Barre,markaasaa
raggii loo xilsaarey inay soo
xidhxidhaan ayaad arkaysaa oo
iyagii xaaraantii ka cunaya cajiib,
haddaba Magaalo kastaa waa inay
ku dedaashaa in meheradahaa
xaaraanta iska xidho oo ay
Dawladana la kaashato,sidaas ayaa
barakada iyo naxariista Alle lagu
helayaa,cadhada ilaahayna
lagaga badbaadayaa.
Cawil Axmed Maxamed(Cawil
dahable)

oodweynenews.com/v1/2011/07/faaiidada-bisha-barakaysan-ee-ramadaanka-iyo-xidhitaanka-dhammaan-meelkastoo-cunto-laga-cuno-wakhtiga-la-soomanyahay.html