ila qosol gaalaan dileynaa

Gaalaan dileynaa, waa qiso dhacday.
hadda ka hor ayaa nin waayeel ah
guursaday inan 15 sanno jir ah. markii
gabadhii guriga loo keenay odeygii
waayeel ahaa, ayuu wuxuu garan
waayay siduu gabadha ugu tagi lahaa,
inley waa gabadh oo yar oo aan
oqooninba sidey ragga iyo dumar isu
galmadaan. odeygii waayeel ahaa ayaa
sidaa habeenkii ku qaday oo gabdhii la
seexan. maalin dambe ayuu fekeray,
markuu la yimid sheeko cusub.
gabadhii oo jikada ku jirta intuu u
yeeray ayuu ku yiri, kaalay caawo
gaalaan dileynaa. iyadoo garaneynin
wuxuu ula jeeda ayay tiri gaaladee
dilnaa, oo xagee bay joogtaa gaalada?
markaasuu intuu u soo dhawaaday yiri,
habeen weliba oo aan isu tagno kun
gaal ayaan dileynaa. gabadhii ayaa tiri
haddii aan gaalba dileyno habeen
weliba waan sameyneyaa. odeygii
waayeel ahaa ayaa sidaas cadkiisii ku
goosta. markuu habeen weliba
sameeyay ayuu tabar beelay. galab
casir ah isagoo ku dhex jira odiyaal
badan ayay gabadhii u yeertay
odigeydii kaalay hee xaaji gaalaan
dileynaa. asagoo naxsan, inley waxaad
bartay waa baaskaagee ayuu yiri Siyad
Cabdulle Xasanba gaalo seef wuu ku
laan waayay, ma anagaan gaalo laay
karno