Wasiiradda dhaqanka Sweden oo cunsuriyad loo heysto

Wasiiradda is dhexgalka Dalka Sweden ayaa Dolshe ay cuntay siyaasadda dalka oo dhan gil gilay, Haweenaydan lagu magacaabo Lena Adelsohn ,ayaa ku doodaysa inay falkan ugu tala-gashay inay kiciyaan dareemaha dadka aaminsan Gudniinka hablaha Afrika lagu qalayo,inakstoo Madoowga-Sweden ku dhaqan, ayaa talo-ahaan ku soo jeediyay Wasiiradda inay iscasisho,maadaama ay ka qeyb-gashay,kulan ay ku-tilmaameen kullan cunsurinimo.

Lena Adelsohn Liljerot ayaa sheegtay in arrinkaan noqon karo mid dad badan ay ka biyodiidaan amaba dhibo laakiin ujeedka sawirka waa in la dareemaa ama uu kiciyaa dareenka dadka.

Qaban-qaabiyaasha maalinta Sawirka-Aduunka ee xafladan soo abaabulay,ayaa difaacay Wasiiradan la eedeynayo,inkastoo dadka u dooda Xuquuqda madoowga ee caalamka ku-dhaqan ay dalbadeen inay is-casisho,raali-gelina ka bixiso falkan ay ku sheegeen Cunsurinimo,waxaana doolshahan durba loo bixiyay (Racist-Cake)(Doolshihii-Cunsuriga)

MAHAAN KA FIIRSO SIDA WAX U DHECEEN