Qadka cagaaran ee Gaalkacayo oo istalaab loo xariiqayo

Lama oga waxa ay tani micnaheeda rasmiga ah noqon doonto, laakiin madaxda ugu saraysa ee DKMG ah iyo kuwa maamul goboleedka Puntland iyo Galmudug oo ku kulansan Gaalkacayo ayaa ka arrinsanaya sidii la’isugu furi lahaa labada dhinac ee Gaalkacayo u kala qeybsantahay.

halkaan ka dhageeyso tafsiirka

Gaalkacayo oo ay ka dhaceen dagaaladii ahliga kuwoodii ugu xumaa, balse dagaaladaasi ay kusoo afjarmay heshiis nabadeed oo dhexmaray Col. Cabdullaahi Yuusuf oo dhawaan halkaasi lagu aasay iyo Jeneraal Caydiid ayaa ahayd meel xasilooni ay ka jirto, balse uu ka jiro wax lagu tilmaami karo qad cagaaran oo kala qeybiya.

Dagaalada dhamaaday micnaheedu ma noqonin, mana aysan horseedin isdhaxgal xagga bulshada ah, waxaana waligeedba jirey kala aamin baxsanaan labada dhinac ah, iyadoo dhowr jeer ay dhaceen shaqaaqooyin ku sigtey in ay magaalada kusoo celiyaan dagaaladdii lagu hoobtey.

Waxaa magaalada ka kala taliya maamulka Puntland iyo kan Galmudug, waxa ay arrintani fursad siisey kooxo ka dhex faa’iideysanaya wadashaqayn la’aanta labada maamul oo magaalada ka sameeyey falal dilal iyo qaraxyo oo lagu hoobtey.

Haatan waxa ay u egtahay in lagu baraarugey muhiimadda ay leedahay in magaalada ay yeelato maamul ugu yaraan iska war-haya, oo wada shaqeeya.

Madaxweyne Sheekh Shariif, gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Ra’isulwasaare Cabdiwali Gaas ayaa dhamaantood ku jira shirar gaargaar ah oo ay la leeyihiin madaxda labada maamul iyagoo culeys ku saaraya in magaalada la’isu furo.
Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan in laga yaabo in madaxda Puntland iyo Galmudug ay madaxa u ruxaan soojeedinta madaxda dalka, balse uu jiri doono qaab xadidan oo arrintani loo fulinayo.

Galmudug oo ka mid noqotey saxiixayaashii heshiisyaddii dhacay, ayaa dhawaan ku talaabsatay arrimo ay ka midyihiin furista dekada Hobyo, iyo waliba maamulka Ximan iyo Xeeb oo ay isku afgarteen in labada maamul la;’isku biiriyo, taasina ay sii balaarineyso awooda iyo maamulka Galmudug.

In maamulada jira laga helo wadashaqayn waxa ay soo dhaweyneysaa dowladnimo guud, waxayna abuureysaa jawi dalka lagu nabadeyn karo si tartiibtartiib ah. Ahlu Sunnah Waljamaaca oo iyada ah maamul gobolada dhexe ka jiro ayaa la filayaa in wadashaqayn ay la yeelato maamulada kale ee Galmudug iyo Puntland