kitaabka riyaalu saalixiin sabarka iyo adkeeysiga

Sabarka iyo Adkeysiga

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:                                             

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اصْبِرُواْ وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَاتَّقُواْ اللّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ)

7. Kuwa xaqa rumeeyoow sabra, oo sabarka ku tartama, oo heegan ahaada iyo kuwo adkeysi badan, xilka Alle idin saarayna dhowra aad liibaantaane”. Suurada aali Cimraan:Aayada 200.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

(وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ بِشَيْءٍ مِّنَ الْخَوفْ وَالْجُوعِ وَنَقْصٍ مِّنَ الأَمَوَالِ وَالأنفُسِ وَالثَّمَرَاتِ وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ)

8. “ Waxaan idinku imtaxaani doonaa wax cabsi la yiraahdo iyo gaajo iyo nusqaan naf iyo maal iyo miroba leh, ee sabrayaasha u bishaaree.” Suuradda al-Baqarah:Aayada 155.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

(إِنَّمَا يُوَفَّى الصَّابِرُونَ أَجْرَهُم بِغَيْرِ حِسَابٍ)

9. “Sabrayaasha waxaa la siin ujuuradooda xisaab la’aan.”Suuradda az-Zumar:Aayadda 10.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

(وَلَمَن صَبَرَ وَغَفَرَ إِنَّ ذَلِكَ لَمِنْ عَزْمِ الْأُمُورِ)

10. “Kii sabra oo iska cafiya, taasaa arrimaha tooda la go’aansado ah”. Suuradda ash-Shuuraa:Aayadda 43.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ إِنَّ اللّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ)

11. “Kuwa xaqa rumeeyoow! kaalmaysta Samirka iyo Salaadda. Alle wuxuu la jiraa kuwa Samree”. Suuradda al-Baqarah:Aayada 153.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

(وَلَنَبْلُوَنَّكُمْ حَتَّى نَعْلَمَ الْمُجَاهِدِينَ مِنكُمْ وَالصَّابِرِينَ وَنَبْلُوَ أَخْبَارَكُمْ)

12. “Waa idin imtixaanaynaa jeer aan soo saarno kuwiinna jihaadaya iyo kuwa sabraya”. Suuradda Muxammad:Aayada 31.

Waxaa jira Aayado badan oo ka hadlaaya wanaaga sabarka iyo ajarkiisa iyo inay isfaraan muslimiintu.

25. Abuu Maalik Xaaris ibn Caasim al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Daahirnimadu (naddaafadu) waxay u dhigantaa imaanka barkiis. Inaad tiraahdo’ Alxamdu Lillaah’ oo macnaheedu yahay (ammaan iyo mahad oo dhan Alle baa leh) waxay ka qayb qaadataa miisaanka camalka qofka inuu cuslaado; ku dhawaaqidda’ Subxaanal-laah (Alle baa ceeb iyo nusqaan ka hufan oo kaamil ah) iyo Alxamdu Lilaah (Ammaan oo idil waxaa leh Alle) baa ku filan inay buuxiyaan cirarka iyo dhulka inta u dhexeysa (ookhayr iyo barako ka buuxiyaan). Salaadduna waa nuur, sadaqaduna waa cadeyn (muujineysa iimaanka qofka) in aad sabartana waa wax wanaagsan sida iftiinka, Qur’aankauna waa kuu xujo. Qof kasta wuxuu subaxa ugu baryaa isagoo u diyaar ah inuu naftiisa iib geeyo markaasay noqdaan mid soo xoreeya, iyo mid soo halliga”.               (Muslim)

Firo gaar ah: Waagu markuu baryaba qofku wuxuu ku mashquuli maalintiisaasi shaqooyinkeeda hadii uu xusuusnaado Alle oo labadiisa indhood hor dhigo maalinta qiyaame markuu wax qabanayaba, oo xumaha ka dhowrsado, samahana u dheereeyo. Markaa wuxuu ka xoreynayaa cadaabta maalintaa; haddii uu ka doortana danahiisa adduunka (iyo kasabkeeda) tan aakhiro, markaa waa shaki li’I kan khasaaray ee nafti haligga ah. 

26. Abuu Saciid Sacad bin Maalik bin Sinaan al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Dad ka mid ah ansaarta baa waxay ka codsadeen Nebiga (S.C.W.) inuu wax siiyo, wuuna siiyey; haddana way weydiisteen mar labaad wuuna siiyey jeer ay ka dhamaadeen wixii uu hayey. Dabadeedna wuxuu yiri nabigu: Hadii aan wax hayoba, kama labo laabaynayo inaan idin siiyo. Ogaadase: Qofkii isdhawraba Allaa dhawra; qofkii isdeeqtoonsiiyana Alle waa deeqtoonsiiyaa, qofkii sabrana Alle waa sabarsiiyaa. Qofnana lama siin gallad ka wanaagsan oo ka khayr badan sabarka iyo isu dhiibidda Alle’.       (Bukhaari iyo Muslim)

 27. Abuu Yaxyaa Suhayb ibn Sinaan (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “ Arrinta qofka mu’minka ahi waa wax wanaagsan oo la yaab leh. Waa u kheyr wax waliba. Sifada iyo tilmaantaana waxaa iska leh mu’minka oo keliya cid kalena lama wadaagto. Hadii uu helo wax wanaagsan’ wuxuu ku shukriyaa Alle taana waa u kheyr; haddii ay dhibaato la soo gudboonaatona waa sabraa, qaddarka iyo qadaha Allena raalli ka noqdaa, taasina sidoo kale waa u khayr”.                                                  (Muslim)

 28. Anas (A.K.R.) Wuxuu yiri: Markuu xanuunka nabiga (S.C.W.) ku batay oo uu gaaray heer uu mar la miyir beelo. Faadumo (A.K.R.) waxay kor u tiri: Aah, Daranaa xanuunka haya aabahay. Aabihii sharafta iyo darajada badnaa wuxuu ku yiri: Dhibaato kale ma arkaayo aabahaa manta dabadeed. Markii uu dhintay bay waxay tiri: Aah, aabahay! Wuxu maqlay yeeritaanka Rabigii; Aah’ aabbow! Waxaynu u sheegeynaa malag Jabriil geeridaada. Markii qabriga la dhigayna waxay tiri: Sidee bay naftiinnu idiin siisay inaad rasuulkii Alle ciid ku rogtaan (macnaha aastaan)?                                (Bukhaari)

29. Usaamah bin Zayd bin Xaarisah (A.K.R.) oo ahaa addoon nebigu xoreeyey saxaabi uu aad u jeclaa rasuulku (S.C.W.) baa wuxuu yiri Usaamah: gabadh uu dahalay nebiga (S.C.W.) baa u soo cid dirsatay nabiga wiilkeedii oo sakaraad ahaa oo dhimasho ku dhow darteed. Wuxuu u diray nabigu gabadhiisaas salaam iyo fariin ah: ‘Alle isagaa leh wixii uu bixiyo oo galad ah, isagaana leh wixii uu qaato. Wax walbaana muddo go’an bay u leeyihiin. Ee u sheeg inay u sabarto (qaddarka Alle) rajeysana naxariista iyo ajarkiisa? Mar labaad bay u soo cid dirtay iyadoo ku adkaynaysa ( oo ku baryyesa wejiga Alle) inuu u yimaado. Markaa buu kacay oo aaday gurigeeda isagoo ay weheliyaan Sacad ibn Cubaadah (A.K.R.) Mucaad ibn Jabal (a.k.r.) Ubayya ibn Kacab (A.K.R.) Zayd bin Thaabit (A.K.R.) iyo rag kale. Markii uu gaaray halkii ay joogeen, baa wiilkii yaraa loo dhiibay nebiga (S.C.W.) Wuxuuna saaray dhabtiisa, Markuu arkay nafta oo ka sii gurmaysa iyo siduu sakaraad u yahay wiilku, waxay indhahii nabigu (S.C.W.) bilaabeen inay sii daayaan ilmo. Markaasuu yiri Sacad (A.K.R.) Nebi Alloow waa maxay waxakani? Nabigu (S.C.W.) wuxuu ku jawaabay: ��waa naxariis Alle geliyey quluubta addoomahiisa” werin kalena waxay oraneysaa: (qulluubta ciddii oo doono oo addoommahiisa ka mida) Allena wuxuu u naxariista addoomahiisa kuwa naxariista leh.’)                         (Bukhaari iyo Muslim)

30. Suhayb ar-Roomi wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘ Ummadihii idinka horeeyey waxaa jirey boqor lahaa falanfallow (u shaqeyn jiray), markii uu falanfallowgii goboobey, wuxuu ku yiri boqorkii: Maadaama aan sii gaboobayo, waxaan codsan inaad kento wiil aan baro falka. Sidaa buu boqorkii ugu soo diray wiil dhallinyaro ah si loo baro falka. Jidka wiilku soo maro markuu u soo socdo falanfallowga waxaa degganaa raahib (nin aakhiro u go’doomay oo adduun iska nacay oo isaga tegey kaasoo uu wiilku caadeystay inuu la fariisto oo dhegeysto hadalkiisa.Waxaa aad u cajabiyey wiilkii uuna la yaabay hadalka raahibkaa sidaa awgeed mar kasta oo uu falanfallowga u socdo, wuxuu la fariisan jiray raahibka jidkiisa ah. Arrintaas oo daahin jidhay. Falanfallowguna markaa wuu dili jirey, wiilkii yaraa wuxuu uga cawday raahibkii arrintaa. Markaa buu ku yiri: Markii aad ka baqdid falanfallowga ku dheh: reerkayagii baa i soo daahiyey, markii aad ka baqdid na inay suÕaalo ku weydiiyaan reerkaaga ku dheh: Waxaan ku soo daahay falanfallowgii. Xaaladdan waxay socotay muddo. Mar waxaa dhacday in wiilkii yaraa arkay bahal weyn oo isku gooyey jidkii dadka wiilkii yaraa wuxuu hoos iskula hadlay: Maantaan kala ogaan karaa kii wanaagsan falanfallowga ama raahibka. Markaa buu inta qaatay dhagax yiri: Alloow haddii aad dhaqanka raahibka ka jeceshahay kan falanfallowga sabab dhimashada bahalkan, si ay dadku awood ugu yeeshaan inay jidka maraan. Dabadeedna wuxuu ku dhuftay bahalka dhagaxii oo ku dilay, taa oo u suura gelisay inay dadku jidka maraan; wiilkii yaraa wuxuu u sheegay raahibkii wixii dhacay, kaa oo yiri: Maandhoow adaa maanta iga fadli badan, waxaadna gaartay heer dhib kugu soo gaari karo. ee haddii ay taasi dhacdo oo lagu qabto ha i soo tilmaamin. Wiilkii wuxuu bilaabay inuu daaweeyo dad ka sheeganaya indha la’aan oo ku dhashay, baras iyo cudurra kale. Warkaa wuxuu gaaray nin boqorka ka ag dhowaa oo indho beelay. Wuxuu u tegey wiilkii yaraa isagoo hadiyooyin badan u sida oo yiri: ‘Waxan oo dhan adaa leh haddaad i biskeyneyso’. Wiilkii wuxuu ku yiri: Anigu waxba ma biskeeyo. Waa Alle oo keliya kan wax biskeeya. ee hadii aad islaameyso waxaan kuu baryayaa Alle Isagaana ku siin caafimaad. Markaa buu Alle rumeeyey oo islaamey, Allena aragii u soo celiyey. Wuxuu markaa kaddib aaday shaqadiisa oo fariistay halkiisii. Boqorkii baa wuxuu weydiiyey: Yaa kuu soo celiyey aragaagii? Ninkii wuxuu ku jawaabey: Rabbigay. Wuxuu yiri boqorkii ma Rabbi aan aniga ahayn baad leedahay? Wuxuu ku jawaabay: Alle baa ah Rabbigaa iyo Rabbigayba. Boqorkii wuxuu amar ku siiyey raggiisii in la qabto kuwaasoo qabtay aadna u ciqaabay ilaa uu sheegay magicii wiilkii yaraa kaa oo loo keenay boqorkii oo ku yiri: maandhow falkaagii ma wuxuu gaarey inaad in-dho malaasnaha, baras qabeenka iyo cudurrada kaleba daaweysid? wiilkii wuxu yiri: anigu qofna ma biskeeyo, ee Allaa wax biskeeya. Isagana markaa waa la qabtay oo la ciqaabay ilaa uu boqrkii u sheegay magaca iyo cinwaanka raahibkii. Raahibkii baa inta la soo qabtay oo lagu yiri Islaamka ka noqo. isaguna waa diiday, Markaa buu boqorkii wuxuu dirsaday miinshaar oo la saaray bartanka madaxa raahibkii waxaana loo kala gooyey laba jeex: Dabadeedna kii boqorka ka ag dhawaa baa loo yeeray oo la yiri: Islaamka ka noqo, isaguna waa diidey, markaa baa laba jeex loo kala gooyey. Dabadeedna, Wiilkii baa loo yeeray, oo lagu yiri: Islaamka ka noqo. isaguna waa uu diiday, inuu sidaa yeelo. Boqorkii wuxuu u dhiibay wiilkii koox raggiisa ka mid ah oo ku yiri: buur hebla geeya oo goortii aad dhaladeeda gaartaan hadduu weli ku sii adkeysto diintiisa ka soo tuura buurta dhaladeeda. waxay geeyeen buurtii dhaladeeda. Meeshaa buu wiilkii Rabbi ku baryey oo yiri: Alloow, igu caawin inaad iiga samata bixiso tani sidii aad doonto oo kula gudboon. Markaa baa dhul gariir buurtii gil gilay, raggii boqorkana ka soo dhaceen. Wiilkii baa ku soo laabtay boqorka kaa oo weydiiyey: Maxaa ku dhacay raggii kula socday? Wuxuu ugu jawaabey: Allaa iga badbaadiyey. Waxaa misna loo dhiibey koox kale oo rag ah kuwaa oo la faray inay ku qaadaan doon yar oo badda bartankeeda geeyaan haddii uu ku sii adkeystana diiddada ah inuu islaamka ka noqdo, ay ku ridaan badda. Sidaa bay kula tageen. Markaa buu wiilkii Rabbigi baryey oo yiri: Alloow iiga dhici nimankan si kasta oo aad jeceshahay. Doontii baa degtay culeys awgi raggii boqorkana wada hafteen, wiilkiina isagoo soconaya buu mar labaad boqorkii u yimid, Boqorkii baa weydiiyey: Maxaa ku dhacay raggii kula socdey? wuxuu ugu jawaabey: Allaa ii soo gurmadey oo iiga gargaaray. Wuxuu intaa raaciyey: i dili karimaysid jeer aad yeeshid waxa aan ku faro. Boqorkii baa yiri; oo waa maxay? Wiilkii wuxuu ku jawaabay: Isugu keen dadka meel bannaan oo fagaara ah iguna xir geed jirriddiis, dabadeed kala soo bax gabooyahayga leeb markaa intaad ku qabato leebka qaansada dhexdeeda dheh: Bismillaah – ku billaabid Magaca Alle -, Rabbiga wiilka, dabadeedna igu soo gan leebka adigoo igu soo abbaaraya. Haddii aad sidaa yeesho waxaad awood u yeelan inaad i disho. Boqorkii sidii buu yeelay. Dadkii buu isugu keenay meel bannaan oo fagaara, wiilkii waxaa lagu xiray jirrid geed timired. Boqorkii wuxuu kala soo baxay leeb gabooyihiisii inta ku qabtay qaansadii dhexdeeda buu wuxuu yiri: Bismillaah – Ku billaabid Magaca Alle- Rabbiga wiilkan, oo ku gamay. Leebkii wuxuu kaga dhacay wiilkii dhafoorka wiilkiina intuu dhafoorka gacanta saaray buu dhintay. Markii ay arkeen taa dadkii waxay mar wada yiraahdeen: Waxaan rumaynay Rabbiga wiilka. Boqorkii baa loo sheegay oo lagu yiri: Eeg! wixii aad ka taxaddaraysey inay kugu yimaadaan baa dhacaye; dadkii waxay rumeeyeen Rabbiga wiilka. oo wada islaameen. Boqorkii wuxuu amray in booraamo laga qodo waddooyinka afkooda; Markii la diyarshey baa dab lagu shiday. Dabadeed waxaa dadkii lagu yiri oo ogeysiis lagu bixiyey in qofkii diida inuu ka noqdo Islaamka, lagu tuuri doono godod dab lagu huriyey ama la fari doono inuu ku boodo gododkaa dabka ah. Sidaa bay arrintu aheyd oo dadkii way diideen inay Islaamka ka noqdaan sidaa awgeed baa loogu guray godadkii dabka lagu huriyey. Waxay socoto arrintaa oo dadka sidaa loogu guro godadkaa dabka ah. Waxaa timid haweeney ilmo yar sidata inay gasho bay ka dib guryootay, ilmihii yaraa ay sidatay baase ku dhiirra galiyey oo ku yiri: hooyo! sabar; adigaa xaq ku taagane. (Muslim)

31. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaa mar dhacday in Nabigu (S.C.W.) soo ag maray haweeney uu ka dhintay wiilkeedii kuna booyeysay qabrigiisa dushiisa. Markaa buu wuxuu ku yiri: Alle ka cabso oo sabar. Haweentii iyadoon garaneyn ciduu ahaa ayey si caro leh ku tiri: iga tag; waxa igu dhacay kuguma dhicine. Xoogay kaddib qof baa u sheegay inuu ahaa nabiga (S.C.W.) Markaasay aaday gurigii nebiga (S.C.W.) markii ay weyday wax adeege ama waardiye ah oo iridka jooga, ayey gudaha gashay kuna tiri: Kuma aan garaneyn. Wuxuu yiri (S.C.W.) : ‘Sabarka waxaa loola jeedaa inaad yeelato adkeysi oo aad isu dhiibto (Qaddarka Alle) marka ay kuugu hor leedahay dhibaatadu.’ (Bukhaari iyo Muslim)

32. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu soo weriyey in nebigu (S.C.W.) yiri: ‘Alle kor ahaaye wuxuu leeyahay: Uma hayo abaalgud kaga wanaagsan jannada, Addoonkayga sabra, oo Alle kaga ajar suga, oo adkeysta, markii aan ka oofsada mid ka mid ah gacalladiisa ee ka mid ah kuwa uu ugu jecel yahay adduunka’. (Bukhaari)

33. Caa’isha (A.K.R.) waxay sheegtay inay mar weydiisay Nebiga (S.C.W.) waxa uu daacuunka yahay. Nabigu (S.C.W.) wuxuu u sheegay inuu daacuunku yahay ciqaab Alle ku sallido ciddii uu doono; ha yeeshee wuxuu kaga dhigay naxariis iyo kheyr Muslimiinta. Haddii uu addonka Alle ku dhaco daacuun oo uu iska joogo magaaladiisa isagoo ku sabraya, kana ajar sugaya Alle, oo dareensan waxa ku dhici doono ay yihiin oo keliya wixii Alle u qoray, kaa shaki li’i wuxuu yeelan doonaa abaal iyo ajar la mid ah kan uu helayo qof shahiitay – hadii uu daacuunkaa u dhinto. (Bukhaari)

34. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan maqlay nebiga (S.C.W.) oo leh: ‘Wuxuu yiri Alle kor ahaaye: Markii aan wax gaarsiiyo addoonkayga labada ugu muhiimsan uguna qaalisan xubnihiisa (yacni indhihiisa) uuna muujiyo sabar iyo adkeysi la xiriira waxaa soo gaaray, Waxaan siiyaa janno beddelkooda’. (Bukhaari iyo Muslim)

35. Caddaa bin abii Rabaax (A.K.R.) wuxuu sheegay in ibn Cabaas ku yiri: ma ku tusaa naag ehlu jannaha ka mid ah? Wuxuu yiri: “Haa”. Ibn Cabbaas wuxuu ii tilmaamay markaa naag madow oo yiri: naagtani waxay u timi nabiga (S.C.W.) oo tiri: ‘Rasuul Allow, waxaan qabaa suuxdin, marka laygu kacana jirkeyga wuu feedmaa ee Alle ii bari. Wuxuu yiri (S.C.W.) : ‘haddii aad dooratid inaad sabarto adoo qaba cudurkan, waxaad leedahay janno, haddii aadse doontid Alle waa kuu baryayaa inuu ku caafiyo.’ Waxay tiri: waan u dulqaadanayaa anigoo sabarka la kaashanaya, laakiinse Alle iiga bari inuusan dharka iga feydmin oo aan xoorin marka laygu kaco. waana uga baryey middaa ay codsatay. (Bukhaari iyo Muslim)

36. Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu xusuusto sida inuu u muuqdo nabigii (S.C.W.) mar uu ka sheekeynayey xaalad soo martay nabi kaasoo ay aad u dileen una dhaawaceen dadkiisii heer uu aad u dhiig baxay wuxuuna ka tirayey dhiiga wajigiisa, isagoo ducadan leh: ‘Alloow qoomkayga u dembi dhaaf wax ma ay oga’e’. (Bukhaari iyo Muslim)

37. Abuu Saciid iyo Abuu Hureyrah (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Wixii daal, cudur, hammi, murugo, dhib, iyo feker ah oo soo gaara qofka muslimka ah, xataa qodax hadday muddo, Alle wuxuu ugu dhaafaa hadduu ku sabro dambiyada (yar yarka ah). (Bukhaari iyo Muslim)

38. Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: ‘Waxaan booqday nebiga (S.C.W.) oo qandhaysan.’ Markaa baan waxaan ku iri: Nabi Alloow! qandho xoog leh baa ku haysa. Wuxuu yiri: ‘Runtii xoogga qandhadeyda waxay le’eg tahay mid heysa laba qofood’. Waxaan iri: Waxaa taa ugu wacan laba ajar baad leedahay? wuxuu yiri (S.C.W.): ‘Waa sidaas’. Wuxuuna intaa sii raaciyey: Qofka muslimka ahi wixii gaara oo dhib leh (qodax yarba ha ahaatee) iyo wixii ka weynba, Alle wuxuu ugu cafiyaa hadduu ku sabro qaar ka mid ah dembiyadiisa (yar yar) dambiyadaasoo kaga dhaca sida caleentu geedka uga dhacdo’. (Bukhaari iyo Muslim)

39. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Markii uu Alle doonayo inuu kheyr siiyo qof wuxuu ku imtixaana inuu marsiiyo xoogaa dhibaato ah. (markaa haddii uu ku sabro wuu mutaa hadii kalena may). (Bukhaari iyo Muslim)

40. Anas bin Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Qofkiinna yuusan jeceleysan dhimashada dhibaato soo gaartay awgeed. Haddii uu qofku huri waayo oo dhibaatadu meel xun ka gaadho ha yiraahdo: Alloow i noolee inta ay noloshu ii fiican tahay, inaad i oofsato baana jeclaan lahaa haddii ay geeridu ii fiican tahay’. (Bukhaari iyo Muslim)

41. Abuu Cabdullaah Khabbaab ibn Arat (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan uga eed sheegannay nabiga (S.C.W.) dhibaatada iyo culeyska siyaadada ah ay nagu hayeen gaaladii reer Makkah. Wuxuu markaa nabigu jiifay hooska Kacbada, isagoo ka dhigtay barkin go’iisii. Waxaynu ka codsannay oon ku niri: Maxaad Alle kaalmo inooga baryi weyday? maxaa Alle hiil inoogu waydiin weyday? Wuxuu ku jawaabay: Waxaa dhici jiray Ummadihii idinka horreeyey dhexdood, in nin la soo qaban jirey, waxaana lagu ridi jiray god looga qoday dhulka, markaas baa laba looga kala dhigi jiray miinshaar madaxiisa la kor yeelay, ama hilibkiisaa firitaan looga fiiqi jiray lafahiisa shanlooyin bir ah, waxaas oo idilna ma keeni jirin inuu diintiisa ka noqdo. Waxaa hubaal ah inuu Alle kor yeeli uuna hirgelin Islaamka illaa rukuub fuushanahu uu isaga socdo Sanca iyo Xadramuud isagoo aan waxba ka baqayn Alle maahee iyo khatarta yeyda ay u leedahay arigiisa. Laakiinse waxaad u muuqataan sida inuu idinku jiro degdeg badan’. (Bukhaari iyo Muslim)

42.Cabdullaah ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Duullaankii Xuneyn kolkay aheyd, nabigu (S.C.W.) si uu u soo dumo quluubta rag Islaamka ku cusbaa buu ragga qaar u sed buuriyey qaybintii qaniimada. Wuxuu siiyey Aqrac ibn Xaabis iyo Cuyaynah ibn Xisan kiiba boqol halaad, wuxuuna muujiyey xoogaa ka soo dhoweyn ah dadka kale qaar ka mida duqaydii Carbeed. Nin baa arrintaa ka hor yimid oo yiri: Tani ma aha qaybin caddaaladi ku jirto loolana jeedo dar Alle. (markaan maqlay hadalkii ninkaa) waxaan go’aan sadey inaan u sheego nabiga (S.C.W.) (hadalkaa ku tiri ku teenta ah ee lagu hadlay) Markii uu maqlay arrintan wejiga nabiga (S.C.W.) waa is beddeley oo caasaan buu noqday wuxuuna yiri: Yaa cadaalad hadaba falaya haddii ayan Alle iyo Rasuulkiisu falin. ‘ wuxuu intaa sii raaciyey: Alloow u naxariiso Muuse (nabad korkiisa ha ahaatee) Waxaa loo geystay dhibaato intaas in ka badan, wuuse u sabray ‘. Markaan taa maqlay baan waxaan nafteyda ku iri: Dib dambe uma sheegi doono arrin tanoo kale ah nabiga (S.C.W.) oo tan ka dambeysa. (Bukhaari iyo Muslim)

43.Anas ibn Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Markuu Alle la damco kheyr addoonkiisa, Wuxuu ku marsiiyaa xoogaa dhibaatooyin ah adduunka goor hore. Markii uu shar u qorana iyo xumaan, wuu ugu seeta dheereeyaa adduunkan, laakiinse wuxuu ka gudaa oo mudankiisa mariyaa maalinta qiyaamo.’ Wuxuu kaloo yiri: Oo keliya camalkii weyn baa leh abaal marin weyn, Markii uu Allena, kor ahaaye, uu qoon jeclaado waa imtixaanaa. Markaasna kii qaataa oo ka gudba imtixaanka Allaa raalli ka noqdo, kiina ku sabri waayo imtixaankaa caro Alle baa ku dhacda’. (Tirmidi) Wuxuuna yiri waa xadiis xasan ah.

44. Anas ibn Maalik (A.K.R.) wuxuu yiri: Abuu Dalxa wuxuu lahaa wiil xanuunsan. Abuu Dalxa ayaa dan ka yeeshay debedda oo baxay wiilkiina wuxuu dhintay intuu maqnaa. Markuu soo noqday Abuu Dalxa buu xaaskiisii weydiiyey: Ka warran wiilkii? Um Sulaym, xaaskiisii, oo wiilkana hooyadiis aheyd, waxay ku jawaabtay: ‘Ka xasillon intii hore.’ Dabadeed waxay u keentay cashadii oo hor dhigtay. Markii uu casheeyey buu la seexday oo u tagay. Ugu dambeyntii warkii bay shaaca ka qaadday oo ku tiri: U howl gal aasida wiilka. Markii uu waagii beryey buu abuu Dalxa Nebigii (S.C.W.) aaday oo u sheegay xaalkii. Wuxuu weydiiyey nabigu (S.C.W.): ÒXalay ma isu tagteen? Abuu Dalxa wuxuu yiri: Haa, markaasuu nabigu (S.C.W.) yiri: ‘Alloow labadaba barakeeÓ ka dib waxay dhashey wiil. Abuu dalxaa wuxuu ka codsadey Anas inuu u qaado wiilkaa dhashay Nebiga (S.C.W.) wuxuuna horay u sii qaatay dhowr xabo oo timir ah sidoo kale. Nabigii buu u geeyey oo weydiiyey: ‘Ma wax baa weheliya? Wuxuu yiri: Haah, xabbado timir ah. Nebigu (S.C.W.) inta xabad timir ah qaatay oo calaliyey buu wiilkii afka u geliyey inta uu barakeyneyeyna wuxuu u bixiyey Cabdullaah. (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale oo Bukhaari leeyahay baa waxay intaa ku daraysaa: ibnu Cuyayna wuxuu yiri: Nin ansaar ka mid ahaa baa wuxuu ii sheegay inuu arkay sagaal wiil oo uu Cabdullaahigan dhalay oo mid kasta oo ka mid ah Qur’aanka dusha ka qaabtay oo bartay.

Xadiis Muslim Weriyey oo arrintan la xiriira wuxuu leeyahay: Markii uu wiilkii Abuu Dalxa ay Ummu Sulaym u dhashay dhintay waxay ku tiri reerkii intiisii kale: Ha u sheegina Abuu Dalxa geerida wiilka, anigaa u sheegayee. Markii uu yimid cashadii bay u keentay oo hor dhigtay isaguna cunay. Dabadeedna waxay isu soo qurxisay oo u soo labbisatay si wanaagsan ay bilic iyo qurux ka muuqata sidii ay caadadeedu aheyd, wayna isu tageen. markaa kaddib bay waxay tiri: Abuu Dalxoow, bal ka warran haddii ay qolo alaabo ka soo ammaansato qolo kale, oo ay dabadeed ammaanadoodii u soo doontaan ma inay heystaan oo u diiddaan bay xaq u leeyihiin? Wuxuu ku jawaabay: ‘May’ Markaa bay waxay ku tiri: Haddaba Rajee oo sug inuu ajar iyo abaal Alle kaa siiyo waxaa ku yimid wiilkaagii. Abuu Dalxa intuu carooday buu wuxuu yiri: Waxaad iga qarisay xaalkii wiilka oo dib dhigtay illaa aan isu tagnay’. Markaa buu ka tegey oo uu aadey Nebigii (S.C.W.) una sheegay wixii dhacay. Wuxuu yiri: ‘Allaha idiin barakeeyo habeenkiinna’. Kaddibna uur bay yeelatay. Waa dambe nabiga (S.C.W.) safar buu ahaa, Abuu Dalxa iyo xaaskiisii umm Sulaym baana la socday. Waxaa caado u ahaa nebiga (S.C.W.) in markii uu safarka ka soo noqdo uusan Madiina guuro habeen ku soo gelin. kolkay Madiina u soo dhawaadeen, fooshii xanuunkeedii baa ku billaabatay. Sidaa awgeed Abuu Dalxaa ku haray nebiguuna (S.C.W.) horay u sii socday. Markaa buu Abuu Dalxa Alle baryey oo wuxuu yiri: Rabbiyoow! waad og tahay sida aan u jeclahay in aan la socdo Nebiga (S.C.W.) markuu tegayo, iyo inaan la noqdo markii uu noqonayo, haddana halkaan baan ku xayiranahay howshan xaaskeyga la soo gudboonaatay awgeed, waad aragtaa. ÔMarkuu sidaa yiri bay Umm Sulaym tiri: Abuu Dalxa, waa iga ba’ay xanuunkii ee ina wad. Halkii bay ka dhaqaaqeen waxayna dhashay wiil markii ay Madiina gaareen. Anas (A.K.R.) isagoo hadalkii sii wata wuxuu yiri: waxay Hooyaday i tiri: Anasoow waa inayan cidna nuujin wiilka jeer loo geeyo nebiga (S.C.W.) berrito. ‘Markii uu waagii beryey baan waxaan u geeyey nebigii (S.C.W.). Xadiiska intiisa kale wuxuu la mid yahay kaan kor ku soo xusnay.

45. Abuu Hurayrah (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (S.C.W.) yiri: ‘Nin adayg iyo xoog badne ma aha kaa legda ee ka xoog badiya asaaggi; ee nin adayg waxaa ah kii naftiisa celiya goorta uu caroodo). (Bukhaari iyo Muslim)

46. Sulaymaan bin Surad (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay inuu la fadhiyey nebiga (S.C.W.) Markii ay laba nin isku dhaceen oo is dhaafsadeen hadallo kulkulul. Wajiga mid labadii ka mid ah baa casaan noqday xawl mariiddadiisiina kareen. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Haddii uu oran lahaa weedh (duco) aan garanayo, way ka baabi’i lahaayeen waxa hayaa. Weedhaa waxaa weeye: Acuudu billaahi minashaydaanir rajiim (Waxaan Alle ka magan galayaa sheydaanka dhagaxa lagu soo celiyo, ee naxariistii Alle laga fogeeyey). Markaa bay waxay gaarsiiyeen ducadan ninkii xaalkiisu sida la sheegay ahaa. (Bukhaari iyo Muslim)

47. Mucaad bin Anas (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in nebigu (S.C.W.) yiri: ‘Qofka isagoo aar goosan kara (gef laga galay darti) is qabta oo qarsada caradiisa, waxaa loo saari doonaa gees keligi wuxuuna uga yeeri Alle weyne, kor ahaaye, maxfalka maalinta qiyaamo, oo siin si uu u kala doorto xuura ceynta cad cad ee indha ha waasica ee qurxoon leh. (Abuu Daawuud iyo Tirmidi)

Wuxuuna yiri Tirmid waa xadiis xasan ah.

48. Abuu Hurayrah (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in uu nin Nebiga (S.C.W.) ka codsadey inuu u dardaarmo. Nebigu (S.C.W.) wuxuu kula dardaarmay: ‘Yaaney kaa xoog badin caradu. Ninkii baa ku celceliyey codsigiisii dhowr jeer. Nebiguna mar waliba wuxuu ku lahaa: ‘ Yaaney kaa xoog badin caradu’. (Bukhaari iyo Muslim)

49.Abuu Hurayrah (A.K.R.) waxaa laga soo xigtay in Nebigu (S.C.W.) yiri: ‘Qofka muslimka ahi lab ama dheddig kuu ahaadaba wuxuu u bandhignaanayaa imtixaanno iyo dhibaatooyin (adduunkan) soo gaari naftiisa, ilmahiisa, iyo maalkiisaba jeer uu Alle kala kulmo (maalinta qiyaamo) isagoon wax dembi ah laheyn. (Tirmidi) wuxuuna yiri waa xadiis xasan ah oo saxiix ah.

50. Cabdullaah Ibn Cabbaas (A.K.R.) wuxuu yiri: Cuyaynah ibn Xisn baa Madiina yimid, Wuxuuna ku soo degey wiilkii walaalkiis Xurr ibn Qays, oo ka mid ahaa xaafidiintii Cumar uu soo dhawaysan jirey oo la taliyayaashiisa ka mid ahaa. Cuyaynah Wuxuu ku yiri Xurr: adeer, adaa wji ku leh amiirka’e, idan ii weydii aan ku arko. Sidii buu yeelay Xurr oo wuxuu u weydiiyey Cumar idankii, Cumarna waa uu u idmay. Markii uu Cuyaynah uu u soo galay Cumar ayuu wuxuu ku yiri: ina Khaddaaboow, nama siisid wax badan, noolamana dhaqntid si caddaalad iyo sinnaan leh. Cumar inta xanaaqey buu damcay inuu waxyeelo, markaa buu Xurr wuxuu yiri: amiirul-mu’miniinoow Alle kor ahaaye wuxuu Nebigiisa (S.C.W.) ku yiri: ‘ Cafiska caadeyso (Muxammadow), farna samanta iyo isu naxariisashada, isagana jeenso jaahiliinta. (Suuradda alAcraaf: Aayadda 199). Kanuna (Cuyaynah) wuxuu ka mid yahay jaahiliinta. Markii uu akhriyey Xurr aayadan buu Cumar degay oo kama nuuxsan kursigiisii. Wuxuu mar walba ahaa mid ku adag oo raaca Kitaabka Alle, oo xudduddiisa ku istaaga, oo dhowra sinnba aan u dhaafin. (Bukhaari iyo Muslim)

51. Cabdullaah Ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: ‘Dabaday waxaa dhici doona eex waxaadna arki doontaan waxyaalo aydan raalli ka noqon doonin. Nin saxaabi ah baa weydiiyey: Rasuul Alloow, maxaad na faraysaa inaan falno hadday arrimahaasoo kale dhacaan? Wuxuu yiri: Ka soo baxa Waajibka iyo xilalka idin saaran, Allana weydiista deeqda iyo kheyrkiisa.’ (Bukhaari iyo Muslim)

52. Abuu Yaxya Usaid ibn Xuzayr (A.K.R.) wuxuu yiri: Nin ansaarta ka mid ah baa yiri: Rasuul Alloow maad shaqo i siisid wanaagsan oo agaasime iga dhigtid, sida aad ugu magacowdayba shaqo hebel iyo hebel? Wuxuu (S.C.W.) ku jawaabay: ÒWaxaad arki doontaan eex dabaday ee sabra inta aad igula kulmeysaan xawdka Kawsar ee jannada dhexdeeda ah.’ (Bukhaari iyo Muslim)

53. Cabdullaah ibn abii Awfaa (A.K.R.) wuxuu sheegay in nebigu (S.C.W.) uu mar duullaan ahaa, intuu sugayey inay qorraxdu dhacdo, buu istaagey oo khudbad u jeediyey asxaabtiisii: Wuxuu yiri; Ha kicinnina dagaal oo weydiista Alle nabad iyo ammaan, markiise aad madaxa isla gashaan cadowga, adkeysta oo sabra, xusuusnaadana inay jannadii taal hooska seefaha. Kaddibna Alle buu baryey isagoo leh: ‘Alloow, soo dejiyey kitaabka, socodsiiyey daruuraha, jebiyey kooxihii isa soo baheystay ee gaalada ahaa, jebi gaalada oo nooga hiili. (Bukhaari iyo Muslim)

Comments are closed.

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

Join 2,614 other followers

%d bloggers like this: